Posts

Showing posts from 2021

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"

Ereyga "Artificial sweeteners" waxa lagu macnayn karaa Macaaneeye aan dabiici ahayn. Somaalidu waxay u yaqaanaan magacyo kala duwan oo ay ugu caansan tahay "Sonkorta Macaant"a. Walxahani 200 ilaa 700 boqol oo jeer ayay sonkorta ka macaan bdan yihiin; sida ay jidhka u soo galaan ayay uga baxaan oo dheefshiidka jidhkeenu ma burburin karo, wax tamar ahna lagama helo. Walxahan oo aad u tiro badan ayaa Hay'ada cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanku "Food Drug Agency" waxay ogolaansho in laga ganacsan karo, lana adeegsan karo ah siisay lix ka mid ah kuwaas oo kala ah: 1. Aspartame 2. Saccharin 3. Acesulfame p otassium (Ace-K) 4. Sucralose 5. Neotame 6. Advantame Waxaynu qormadan ku eegaynaa dhowrka ugu caansan looguna adeegsiga badan yahay oo aynu mid walba sharax kooban ka bixin doono si qofka doonaya in uu adeegsado u helo xog uu kaga go'aan qaato nooca uu is leeyahay way kugu habboon tahay iyo si dadka aad u adeegsada walxahan, gaar ahaan dadka xanuunk

Saamaynta korinta iyo tababariddu ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka "The behaviourist approach"

Image
Behaviourist approach waa aragti ku saabsan habka dadka iyo xayawaankuba wax u bartaan. waxa keli ah ee ay daneysaa waa daraasadaynta hab-dhaqannada la arki karo lana qiyaasi karo (observable and measurable behaviour). Iskuma lurto baadhitaanka shaqooyinka iyo howlaha maskaxda qofka ka dhex socda iyo suuro galnimada saamayn maskaxdu ku yeelan karto hab-dhaqanka noolaha. Dariiqada behaviourism ku waxay soo ifbaxday bilowgii qarniga labaatanaan waana dariiqada aqoonta saykoolajiga ka dhigtay aqoon saynis ah oo waafaqsan shuruudaha lagu qiimeeyo saynisnimda aqoon kasta: mowduucinimo (objectivity) iyo in markasta tijaabada lagu celiyo ay soo saari karto natiijo isku mid ah (replication). Behaiourims waxay xoogeedii ka bilaaban tahay maraykanta, aqoonta saykoolajigana waxay hogaaminaysay mudo nus qarni ah oon lagula tartarin. Inkastoo tijaabadii ugu horeysay ee Behaviourist approach ku saabsan uu sameeyay saynisyahan ruush ah Ivan Pavlov ( (1849–1936), hadana laba psychologist oo maraykan

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Image
Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga haflaynaa waa nooca labaad oo inta abdanku dhaca dadka da’doodu ka wayntahay 40, miisaankoodu culusyahay, cuntadoodu aanay miisaanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho da’da qofka iyo mudada uu hayay. Waxa laga yaabaa in bilowga xanuunka, qofku lagu maareeyo hal dawo oo fudud, laakiin wakhtigu sii dheeraadoba dawada lasii kordhiyo ilaa la gaadho irbad in uu qaado. Hasayeeshee, dadka macaanka qaba su’aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna iwaydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aad mar uun dawada joojiyo? Labadaa su’aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.   Marka hore aynu doorano ereyga meesha ku habboon. Bogsasho “reversal” waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si barman ah u tagga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero; markaa ereyga su’aasheena ku h

Sanadkan iyo Nobel prize ka Physics ka: Mustaqbalka Caalamka iyo is dhex-galka Sayniska, Siyaasada iyo Dhaqaalaha

Image
Todobaadkan waxa lagu dhawaaqay abaal marinta faca wayn ee Nobel oo Royal Swedish Academy of Sciences ay sanad kasta guddoonsiiso aqoonyahanka ay u arkaan in ay a kusoo kordhiyeen aqoonta bani'aadamka. Sanadkan waxa xiise gaar ah leh qaybta physics ka oo la wada gudoonsiiyay saddex saynisyahan oo kasoo kala jeeda saddex wadan: Syukuro Manabe (Japan), Klaus Hasselmann (Germany) iyo Giorgio Parisi (Italy). Marka hore aynu eegno saddexda nin aqoontooda iyo taariikhda ay lasoo mareen cilmaadhista ku saabsan physics ka iyo cimilada. Ka dibna waxynu yara guud mari afkaarta aasaasiga ah ee daraasadahoodu ku kala duwan yihiin. Dr. Klaus Hasselmann waa 89 jir, konton sano ayuu ka shaqaynayay cilmiga badaha iyo qaabayta mowjaha badda (oceanographer/ waves modeller). Waxa uu wali ka shaqeeyaa Max Planck Institute for Meteorology, kuyaal Jarmalka. Sanadkii 1970 waxa uu xubin ka ahaa koox saynisyahano ah oo Eurpean space agency u xilsaartay in ay curiyaan hab hawada sare lagaga soo sahamiyo

Maxaa Qofkasta oo cabasho goob caafimaad u taga Tayfoodh looga helaa?

Image

Kacdoon: xaqiijinta yool aan guuro gal ahayn- "Guusha halganka waxa horseeda hogaamiyaha"

Image
Waxa la yidhaa “Siyaasadu waa fanka ka dhabaynta yool suuro gal ah”, inaguna waxaynu odhan karnaa “Kacdoonku (revolution/ الثورة) waa fanka ka dhabaynta yool aan suurto gal ahayn”sababtu waxa weeye aminta kacdoonku ma aha amin caadi ah oo lagu dabaqi karo xeerarka siyaasada caadiga ah. Waa amin uu furka tuuro fulkaano; waa ammin dabarka ka jarta tamar aan fakateen hadii aan kacdoon jirin. Waa ammin diirisa hanka iyo halyaynimada geesiga si aan dhacdeen hadii aanu kacdoon jirin . Waa ammin bulshada kasoo dhalaalisa astaamaha ugu bilan, ugu boqran uguna bilicsan.    Qore: Maxamed Mukhtar Alshanqiti Turjume: Dr Abdikarim D Hassan Kacdoonku waxa uu u baahan yahay dareen istiraatijiyadeed iyo qorshayn sugan. Waxa uu u baahan yahay hilaadin siyaasadeed; waxay intaasba kala mid tahay yool kasta oo siyaasadeed. Laakiin shayga kacdoon ugu baahi badan yahay waa niyad adayg, rabitaan aan la loodin karin, iyo in iimaan dhidban loo yeesho xaqnimada qadiyada loo halgamayo; in lagu dheganaado gaadh