Kacdoon: xaqiijinta yool aan guuro gal ahayn- "Guusha halganka waxa horseeda hogaamiyaha"
Waxa la yidhaa “Siyaasadu waa fanka ka dhabaynta yool suuro gal ah”, inaguna waxaynu odhan karnaa “Kacdoonku (revolution/ الثورة) waa fanka ka dhabaynta yool aan suurto gal ahayn”sababtu waxa weeye aminta kacdoonku ma aha amin caadi ah oo lagu dabaqi karo xeerarka siyaasada caadiga ah. Waa amin uu furka tuuro fulkaano; waa ammin dabarka ka jarta tamar aan fakateen hadii aan kacdoon jirin. Waa ammin diirisa hanka iyo halyaynimada geesiga si aan dhacdeen hadii aanu kacdoon jirin . Waa ammin bulshada kasoo dhalaalisa astaamaha ugu bilan, ugu boqran uguna bilicsan.
Turjume: Dr Abdikarim D Hassan
Kacdoonku waxa uu u baahan yahay dareen
istiraatijiyadeed iyo qorshayn sugan. Waxa uu u baahan yahay hilaadin
siyaasadeed; waxay intaasba kala mid tahay yool kasta oo siyaasadeed. Laakiin
shayga kacdoon ugu baahi badan yahay waa niyad adayg, rabitaan aan la loodin
karin, iyo in iimaan dhidban loo yeesho xaqnimada qadiyada loo halgamayo; in
lagu dheganaado gaadhitaanka guusha inta ay doonto haleekaaso naf-huriduye. Waa
in la fahmo in kacdoonnadu yihiin loolan jiritaan ee aanay ahayn mid wax kala
riixasho; waa loolan joosasho, ee ma’aha mid baryootan.
Dhamaadkii sanadkii 1776, jamhuuriyada
maraykanka ee hada uu dhalatay waxay jirtay lix bilood oo keli ah. Markaas ayay
halgamayaashii maraykanku wxay ku dhawaaqeen in ay ka go’een boqortooyadii
Ingiriiska, waxay unkeen jamhuuriyad ay ku midoobeen 13 gobol. Dalkan yar ee
curdinka ah waxa soo food saartay dagaal aan isu dheeli tirnayn oo ay la galeen
boqortooyadii xooga badnayn ee ingiriiska: wadankii berigaa aduunka ugu awooda
badnaa, ugu nidaamka fiicnaa uguna hubka casri sanaa.
Lix bilood markii dagaalku socday ayaa ciidankii gobonimo u dirirka
ahaa ee uu hogaaminayay George Washington (1732-1799) wuxuu noqday mid
bayhoofsan. Wuxuu ahaa ciidan ka samaysan maleeshiyooyin maryo alool ah oo laga
soo ururiyay 13 gobol waxaanay la kulmeen guul-darooyin is dabajoog ah. Guul-darrooyinkaas
tirada badan waxay keeneen niyad jab iyo go’aan qaadashadii oo habqan noqda.
Bulshadii kacdoonka taageersanayd ayaa iyana ka niyad jabtay in kacdoonkoodu
guulaysan karo. Waxa bilaabmay in sadex iyo tobankii gobol ka caga-jiidaan inay
ciidan iyo cuudba u diraan furimaha dagaalka.
Dareenka guud iyo dhacdooyinka maalin laha ah ee halganku waxay
dadka ku riixayeen quusasho iyo is dhiibid; in gammuunka iyo gaashaankaba la
dhigo si loo bad’baadiyo maxasta. Halgamayaashii waxa laga qabsaday New York. Waxay
ka yaaceen kongaraskii filadelfiya- caasimadii Jamhuuriyada curdinka ah- oo u
baxsaday Baltimore iyagoo ka cabsi qaba in ciidanka Ingiriisku kabaha la
dulmaro. Guul darooyinka isdaba jooga ah waxay sababeen in George washington uu
waayo awoodii ciidankiisa oo noqotay wax la dilo, wax la qafaasho, wax is
dhiiba, iyo wax ciidankaba ka baxsada oo dhuunta. Ciidanka gobonimo doonka ahi
muu ahayn ciidan leh derejooyin, muu lahayn xeer ciidan oo nidaamiya
howl-gelinta iyo isku haynta askarta, muu ahayn ciidan qaatay tababar sax ah oo
u dhigma tababarka iyo daryeelka ciidanka ingiriisku haystay. Waxa kali ah ee
ciidankan mideeyay waxa ay ahayd awooda hogaamineed ee taliyahooda Janaral
George Washington, xaqnimada qadiyadooda, iyo yididiilada mustaqbal ifaya.
Dhaqdhaqaaq kasta oo gobonimo doonna waa sidan oo kale, sida aynu ka dheehan
karno soo jireenka taariikhda.
Janaraalku muu niyad jabin, manuu quus qaadan. Ismuu doorin
dareenkii uu ka qabay xaqnimada qadiyadiisu, umuu jilcin kuwii beerkoodu
dubaaxinayay ee iska ogolayd in laga hoos maxaafsado gumastaha. Dheg uma dhigin
talooyinka dibin-daabyada wata ee inta gumaystaha la qadhaabata. Waxa uu ku
sharatamay mustaqbalka waxaana uu bilaabay in uu ka fikiro sidii uu u hanan
lahaa guul wayn oo kacdoonka usoo celisa dheehiisii, dibna u cusboonaysiisa
karaarkiisii. Janaraal waashantoon waxa uu qaatay go’aan u muuqday jar iska
xoornimo iyo miidaamo indho la. Waxa uu qorsheeyey inuu weeraro mid kamid ah
qalcadahii ugu waynaa ee ciidanka gumaystaha: waa qalcadii Trenton, New Jersey.
Qalcadani waxay dhufays u ahayd ciidan aad u xoogan oo calooshooda
ushaqaystayaal Jarmal ah u badan (Hessian forces), kuwaas oo Ingiriisku usoo
kiraysay inay u dagaalamaan. Waxa meesha ku kaydsanaa hub, saanad dagaal, cunto
iyo hu aad u tiro badan oo kacdoon wadayaasha u suuro gelin karayay inay mudo
dheer dagaalamaan, kagana baaqsadaan in si kama danbays ah loo jebiyo. Qalcada
oo uu qabsadaa waxay ahayd sida keli ah ee uu ku rajo gelin karayay bulshadii
halganka taageersanayd. Laakiin howl galku ma sahlanayn. Qalcada iyo ciidanka
kacdoonka waxa u dhexeeyay wabiga wayn ee Dilaweer. Wakhtigu waa jiilaal
wabiguna waxa uu ku dhawaa in uu wada barafoobo. George washington waa in uu
ciidankiisa tallaabiyo niska danbe ee habeenka isagoo isku qarinaya duufaano
baraf wata, isagoo wata doonyo baali ah oo duugoobay asi uu ugu kediyo cadowga.
Waxa uu ogaa in aanu guul urin doonin hadii warkiisa la helo oo loosii dhufays
qaato. Mr Washington waxa uu ka dhaqaaqay qoyskiisii, hanti badan, iyo nolol
faakahaysi u badan si uu u hogaamiyo kacdoonkii bulshada maraykan. Waxa uu
muujiyay hogaamintiisa milatari iyo siyaasadeedba oo debecsan, mid
guubaabineed, hogaamin raadaysay dareenka ciidanka ku daba-fayshanaa. Wuxuu
ahaa hogaamiye fahansan duruufaha nololeed isla markaana og in uu hogaamiye u
yahay ciidan naftood hurayaal ah oo aan ahayn calooshooda u shaqaystayaan lasoo
kiraystay, sida boqortooyada ingiriiska.
David fisher oo ah taariikh yahanka qoray buuga (عبور واشنطن/Washington’s
Crossing) ayaa waxa uu sifaynayaa duruufaha waashinton iyo ciidankii uu hogaaminayay
ay joogeen amintaa kakan; waxa uu Mr fisher yidhi “ waashantoon waxa uu
khasaaray sadex gobol (states) iyo 90% ciidankiisii mudo 12 todobaad ah
gudahood. Kumannaan maraykan ah ayaa iska aqbalay in ay sii xukunto
boqortooyadii ingiriisku oo ay ka mid ahaayeen qaar ka midd ah ragii saxeexay
madax-banaanid. In badan oo taageerayaashii kacdoonka ahna quus ayaa gondaha u
riday”. Laakiin, ugu danbayntii, kacdoonkii shacabka maraykan waxa badbaadiyay
niyad adayga hogaamiyaha iyo hal-abuurkiisa istiraatijiyadeed. Taasi waxay
tusaale cad u tahay sida hogaamiye ku dhac iyo aragti fog lihi u samato bixin
karo umad han-jabtay oo u diyaar ah in ay is-dhiibto. Mar labaad, Mr Fisher
waxa uu leeyahay “ dadka maraykan waxay dhiseen uman bilaa dowlad ah, ciidan
aan kala sarayn lahayn; laakiin awoodoodu waxay ahayd: qadiyadooda oo xaq ah,
dhulka oo ay taako-taako u garanayeen; iyagoo ah dad diin leh oo mabaa’di diisu
ku dhiiri gelinayso inuu sugnaado oo dhabar adaygo”. Hogaaminta Mr waashintoon waxay hal-gamayaasha
siisay tusaale ay higsadaan, ku day’daan, oo kana dhimbiil qaataan
naf-huridiisa.
Subaxnimadii 26 December 1776 ayaa ciidankii waashintoon waxay ku
guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan qalcadii Trenton. Waxay ahayd guul
bedeshay miisaankii awooda iyo jihadii kacdoonku usocday labadaba, taariikhda
maraykankana bog-dahab ah kaga qoran ilaa maanta. Waxay ahayd guul maydhay
quustii oo daaha ka fayday hirar rajo ah. Waxay kacdoonkii xuriyad doonka usoo
celisay dheehi iyo dhaadashadii; waxay hal-gamayaashii ku abuurtay dhiiranaan
iyo dhalinyaranimo cusub. Waxa la sheegaa in wadamo dhowr ah oo reer Yurub ah
ay guushaas ka dib u yabooheen taageero
kacdoonka. Si xusuusta taariikhda loogu xardho, maraykanku waxay dagaalkaas ka
sameeyeen filimo taariikheed iyo kuwo daraamo oo aad u badan. Waxa ka mid ah
filinka la magac baxay (The Crossing) oo aad u qaadaadhigaya doorka ay
lahaayeen waashinton iyo kornayl Joon kolofar.
Filimku waxa uu sawirada odhaahda aynu maqaalka ku bilownay ee
tilmaamaysay farqiga u dhexeeya kacdoonka iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee kale.
Waxaad arkaysaa Janaraal Hurayshiyo Gaytis oo talo siinaya waashintoon kuna leh
“ Isdhiib, waayo kacdoonkani wuu dhamaaday” waxaad arkaysaa isagoo hal-gamayaasha
ku sifaynaya inay yihiin “ qaar iska qabwayn, dhiig culus oo aan lahayn wax
khibrad iyo mala’awaal ah toona”. Waashantoon waxa uu ugu jawaabay “ Bax, ii
dhaaf xerada” isagoo ka ilaalinaya in uu dareenkaa liita ee han-jabka ah u
gudbiyo ciidanka”
Muuqaal kale, Janaraalku waxa uu waydiinayaa Kornaylkiisa “
Ciidanka maka tallaabin kartaa wabiga” Goloofar waxa uu ku jawaabay “Maya,
laakiin waan samayn”, maxaad u jeedaa? Ayuu waydiiyay waashintoon. Isna waxa uu
ku jawaabay “ howl-galka gebigiisuba waa waali, laakiin hadaad ku adkaysato in
aad naarta tagto, waan ku raaci”. Halkaa waxa inooga muuqda laba cashar oo
kusaabsan kacdoonada umadaha. Ta koobaad, kacdoonku ma’aha xaqiijinta wixii
suuro gal ah; kacdoon waa xaqiijinta yool aan suuro gal ahayn. Casharka labaad,
kacdoon kastaa waxa uu u baahan yahay hogaan mulhim ah oo naf-hurid ku hanta
kalsoonida halgamayaasa. Daacadnimadiisa, go’aan adkaantiisa iyo dhaqan
toosnaantiisuna ay qab iyo qiiro ku abuurto ciidanka.
Intii lagu guda jiray udiyaar garowga dagaalka, Janaraal
waashintoon iyo kornayn Goloofar waxa u muuqday in “kacdoon yahay xaqiijinta
yool aan suuro gal ahayn” sidaa darteed u hogaansanka sharciyada gumaystuhu
dejiyay iyo ku dheelida xayndaabkiisu waxay dhab ahaan suul daaraynayaan
kacdoonka waana in laga tallaabsado. Iyadoo toban sano laga joogaa bilowgii
kacdoonadii gu’ga carabt, ayaa wali dagaal qadhaadh oo nafsi ah lagu hayaa
dhalintii gadoodka hurisay. Qowlaysata xukuma dowladaha carabta iyo
taageerayaashooda shisheeye waxay si aan daal lahayn isugu deyayaan in ay quus
iyo rajo beel ku abuuraan shacabka carbeed ee rajo doonka ah. Waxay ku
dedaalayaan in ay aaminsiiyaan in wadada isbedelku oodan tahay.
Hasayeeshee, waxay taariikhdu ina barasay in aminta naftu xawlal
mariidka timaad, aminta guul darrooyinku tuulmaan in ay tahay aminta xaqa iyo
yididiilada lagu mintido. Cadowga ugu wayn ee kacdoonka umadi leedahay waa
quusta iyo isdhiibida. Waa in ay wiiqanto rajada mustaqbalku. Waxa halganku
dhabar jabaa marka halgamaagu naftiisa shaabuugaynteeda kaga mashquulo la
legdanka kelitaliyaha iyo in uu halganka garab-gorayeeyo isagoo sheeganaya
dhexdhexaadnimo. Taariikhdu waxay ina baraysaa in guusha iyo guul-daradu inta
badan ku xidhan tahay shakhsiyada hogaamiyaha. Tusaale-yaashu way tiro badan
yihiin: Gaandi, Cali Janaax, Mandeela, Kastaro, Cali Cisat Bogafij dhamaantood
waa hogaamiye yaal guul ka keenay halgan in badani ku sharatantay in aanu
guulaysan karin. Bulsho xoogan oo hanatay dhamaan agabka guulaysiga ayaa waxa
fashilin kara hogaamiye qaloocan; midd kale oo awood ka aradan ayaa waxa guul
usoo hoyn kara hogaamiye fogaan arag ah. Sidaa darteed, inta aanay halgan
nololeed u hanqal taagin, bulshadu waa in ay hogaamiyaheeda hesho. Waayo
hogaamiyuhu isagaa horseeda guusha halganka.
Maqaalka waxa lagu faafiyay mareegta Aljazeera.net isagoo ku qoran afka carabiga. Waxaan ka afeefanayaa in sifiican loo ilaaliyay nuxurka maqaalka laakiin meelaha qaar la qoor qabtay si loogu fududeeyo akhristaha Somaliga ah. Magaalka isagoo afcarabi ah waxaad ka akhrisan kartaa link-ga hoose.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.