Posts

Showing posts from 2020

Noocyada Cusub ee SARS-CoV-2 Maxay kaga duwan yihiin Noocii hore?

Image
COVID-19 warkiisii inagamuu dhamaan laakiin inaga ka sheexnay soo hadal qaadkiisa oo garowsanay in xaqiiqo aynaan saamayn karin wadwadkeedu wax aan isku maandhaaf ahayn aynaan ka dheefayn. Bal aan curfigaa jebiyo oo aan waxoogaa ka faaloodo halka arin maraayo. Laba qodob ayaa si wayn loo qaadaa dhigayay dhowr kii todobaad ee ina dhaafay; Mid waxa uu ahaa tallaalada oo rajo iyo rayn rayn soo kordhisay isla markaana abuuray niyad wanaag ku saabsan in aynu ugu danbayn Fayraskan anfariirka inna qaadsiiyay in aynu ka guulaysan doono. Midna waa arinta ku saabsan in Fayraskii SARS-CoV-2 ee COVID-19 ka mas'uulka ahaaba xuub dhacsaday oo dardar cusub is geliyay noocyo cusubna yeeshay. Sideedaba, fayraskan Kofidh-ka dhaliyaa waxa uu ka samaysan yahay ilaa 28 barootiin oo kala duwan; waxa ugu caansan barootiin la yidhaa SPIKE-PROTEIN oo awood u siiya fayraska in uu ku xidhmo, gudahana u galo unugyada jidhka qofka. Sidoo kale, jidhka qofku si uu u aqoonsado fayraska waa inuu lafal-galo oo akhr

Taariikhda Argagixisanimada Dowladaha iyo Ereyga "Terrorism" halka uu kasoo Unkamay.

Image
I nkasta oo ereyga Argagixiso (terrorism) uu ka mid yahay erey-yada warbaahinta, siyaasiyiinta iyo bulshada akademigu ugu adeegsiga badan yihiin hadana ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku waafaqsan yahay. Taasi waxa u sabab ah kala fogaanta danaha quwadaha aduunka oo mid kastaa rabo inuu ereygan u xambaariyo macne iyo nuxur isaga raali geliya si uu ugu fushado danaha istiraatijiga ah ee uu wato. Dooda qeexitaanka dib ayaynu u dhigannay laakiin qormadan waxaynu ku eegaynaa Taariikhda ereyga “Terrorism”,   iyo halkuu kasoo jeedo, siduu inagu soo gaadhay, iyo cida hidaha u lahayd. Inaynu erey bixin kasta asalkeeda ogaano waxay inaga caawinaysaa in aynu fahano dagaal diimeedka ee inagu socda iyo weerarka Nebiga (SCW) lagu hayaa ujeedad laga leeyahay. Fikrada iyo adeegsiga argagaxisonimadu waxay si adag ugu soohantahay taariikhda, falsafada, iyo dhaqanka yuhuuda iyo kiristanka, waa labada la isku yidhaahdo “Judo-christian”. Marka la raad guro dibna loo raaco bilowgii Ereyga argagix

Halkee Salka ku hayaa Ereyga "Islamist Separatism" ee Macron Muslimiinta ku Fogaynayo.

Madaxwaynaha faransiiska oo dagaal diimeed ku haya diinta Islaamka iyo bulshada muslimiinta ah ee faransiiska ayaa in mudo ahba isku deyeyay inuu soo nooleeyo erey bixin diimeed da’wayn oo aan mudo dheer la isticmaalin. Mudooyinkan danbe, waxa khudbadihiisa oo dhan kusoo noqnoqonayay ereyga “Islamic separatism” oo macnaheedu yahay in muslimiinta faransiisku ay ka go’ayaan jahmuuriyada faransiiska. Waxaynu ognahay in aanay suuro gal ahayn in muslimiinta faransiisku ay dowlad gaar ah ku dhawaaqaan; markaa muxuu Macron u jeedaa . Aynu dib ugu noqono halka ereygan uu kasoo jeedo si aynu u fahano faquuqa mujtamaca muslimka ah iyo diintooda lagu hayaa halka uu ku qotomo. Ereyga “religious separatisms” waxa mudo hore lagu magacaabi jira mad-habaha diinta kiristanka ee mad-habta wayn ee Kaatoliga ka falaagooba, sida Protestan-ka. Marka ingiriiska la joogo fariiqooyinka ka go’a kaniisada Engelican ayaa lagu duri jiray inay yihiin Separatists sida firqooyinka Presbyterians, Puritans, iyo Quakers

Maxaad ka taqaan Dhambaal-laliye yaasha Jidhka?

Image
Hay’ada jidhkeena u qaabilsan maamulka iyo maarayntu waa qaybta Nervous system-ka. Shaqada hay’adani waxay ku soo ururaysaa saddex adeeg oo isku xidhan; midd koodna la’aantiis shaqadoodu aanay suuro gelayn. Saddexdaa adeeg waxay kala yihiin:   Adeega xog keenida (sensory input). Adeegan waxa qaabilsan unugyo layidhaa “sensory nerves” oo ku xeel dheer sida xattaa inta ugu yar ee macluumaad ah looga soo ururiyo deegaanka inagu xeeran. Waxkasta oo dareemayaashaadu la falgalaan, wax kasta oo kugu xeeran, wax kasta oo deegaanka iska bedela, iyo isbedelada ka dhex socda xubnaha kala duwan ee jidhkaaga gudihiisa ayay si aan daal lahayn usoo ururiyaan. Adeega fasiraada, isku duba-ridka iyo kala naqaynta xogta (Integration and analysis of data). Adeegan waxa qaabilsan qaybaha sare ee “Nervous System” oo ka kooban maskaxda iyo xangulaha. Adeega fariin dirida (motor output), marka xogtii lasoo ururiyo, la kala naqeeyo, lana gorfeeyo ayaa waxa la diraa jawaab ka falcelinaysa xogtii la helay, taasn

Sidee Qofka COVID-19 laga helay loogu Daryeeli karaa Guriga?

Image
Sida aynu lawada socono todobaadkan waxa kor u kacay tirada dadka laga helayo xannuunka COVID-19 iyo dadka la xaqiijiyay in ay u dhinteenba. Waxa hubaan ah in tiro tobanaan jeer ku libin laabanta tirada ilaa hada la shaaciyay ay fayraska siddo, amaba ay ka bogsatay iyadoo wax calaamado ah aanay kasoo if-bixin.  Duruufahan oo kale waxa loo baahan yahay in qofkastaa ogaado wixii uu yeeli lahaa hadii uu isaga shakiyo in uu qaaday xannuunkan COVID-19 ama qof la nooli uu qaaday. Maxaa kula gudboon ee aad naftaada ku baxnaanin kartaa amase qofkaas qoyska ah aad ku caawin kartaa inta uu bogsanayo. Waa in aynu ogaano in 85% dadka fayraska qaadaa ayay bilaa astaamo yihiin, 10% in astaamo aad u fudud ay isku arkaan kuwaas oo ku bogsada mudo todobaad kusiman. Halka in ka yar 5% ay u baahdaan in xarun caafimaad lagu daryeelo.  Sidaa darteed qofka guud ahaan caafimaadkiisu wanaagsan yahay ee laga helo fayrasku waa in aanu isku buuqin oo culays nafsi ah isku abuurin, waa in uu aamino in uu x

Waa maxay Sababta Faytamiin-D Yaraantu ugu Badantay Dumarka, Sidee Ayaana Loo Saxi Karaa?

Image
Hordhac: Faytamiin-D waxa sameeya unugyada maqaarka iyagoo kaashanaya falaadhaha cadceeda. faytamiin-d gu waxa muhiim uu u yahay koritaanka iyo caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada; difaaca jidhku inuu iska caabiyo xannuunada ayaa iyana u baahan faytamiin D si uu shaqo fiican u qabto. Faytamiin D waxa u baahan unugyada maskaxda iyo dareen wadayaasha waxaanu ka qayb qaataa dheeli tirka dareenada kasoo fula maankeena. Waxa xaqiiqo ah in faytamiin-D gu inaga caawiyo iska caabiga qulubka, nafsad darrada, isku buuqa iyo werwerka. Waa walax aan sinaba looga maarmi karin oo xudub u ah dhinacyo badan oo caafimaadkeena ah. Daraasado lagu sameeyay Wadamada Iran, Saudi Arabia, iyo kuweit oo sadexduba ah wadamo muslim ah, dumarkoodu qaataan xijaab aad ugu dhow ka dumarkeenu qaataan, cadceeda ay helaana ay kaba kulushay ta wadankeena ka dhacda ayaa lagu ogaadhay in in kabadan boqolkiiba sideetan dumarku ay qabaan hoos u dhac wayn oo Vitamin-D ga ah. Wadanka Saudi-ga oo dhowr daraasado

Maxaa ka Jira in Tallaalka Qaaxadu (BCG) ka Hortagi karo oo Yarayn karo Halista Xannuunka COVID-19.

Image
Hordhac:    Xal u raadinta aafadan xannuunka COVID-19 ee aduunkii oo dhan saamaysay ayaa waxay soo noolaysay doodo facwayn oo ku saabsan tallaalka xannuunka qaaxada (tuberculosis) ee loo yaqaan Bacillus Calmette- Guerin (BCG). Cilmi-baadhiso da’wayn ayaa mudooyin hore tilmaamay in tallaalka qaaxadu leeyahay awood uu kaga hortegi karo xannuuno kale oo aan xidhiidh lalahayn qaadaxa; iyadoo taas la tixraacayo ayaa waxa xiligan la baadhayaa bal in tallaalkani covid-19 wax ka tari karo. Tallaalka qaaxada waxa sanadkii 1921, mudo hadda laga joogo hal qarni, hindisay laba saynis yahan oo faransiis ah oo lakala odhan jiray Albert Calmette iyo Camile Guerin. Tallaalka waxa laga sameeyay bakteeriyo nool laakiin laga saaray suntii ay xannuun ku dhalin lahayd (live attenuated vaccine) ; bakteriyada oo layidhaa Mycobacterium bovis ayaa asal ahaan waxay sababtaa qaaxada lo’da ku dhacda waxaanay xagga hidde-sidayaasha iska shabbahaan bakteeriyada xannuunka qaaxada ku keenta dadka ee Mycobac

Qofka Macaan Qaba iyo Khudrada: Sidee Miisaanka Sonkorta loo Dheeli tiraa Ramadaanta?

Image
Su’aalaha ugu badan ee dadka xannuunka macaanka qabaa iswaydiiyaan waxa ka mid ah cuntada noocyadee ayaan cunaa noocyadeena waan iska ilaaliyaa, gaar ahaan bishan ramadaan. Cuntadu way noocyo badan tahay hasayeeshe qormadan waxaan si kooban ugu iftiimin doonaa guud ahaan nooca aynuu soomaali ahaan u naqaan khudrad (fruits and vegetables) . Daraasad (meta-analysis) sanadkii 2014 lagu daabacay British Medical Journal ( Fruit and vegetable intake and risk of type 2 diabetes mellitus: meta-analysis of prospective cohort studies) . ayaa waxay tilmaamaysaa in dadka khudrada darayga ah badsadaa ay sifiican u xakameeyaan sonkortooda isla markaana ay ku yaryihiin xanuunada wadnuhu. Sidoo kale, T he National Institute of Diabetic and Digestive and Kidney Diseases (NIDDK): “ Diabetes Diet, Eating, & Physical Activity.” ayaa waxay dadka macaanka qaba kula talinayaan in ay iska ilaaliyaan khudrada la shiiday ee kartoonaysan, ta qasacadaysan iyo ta la qalajiyay. Khudradu waxay yaraysaa ca