Posts

Showing posts from January, 2019

Waa Maxay Kolastaroolku (Cholesterol), Sidee baa Loo Maareeyaana?

Qaybta. 1aad Kolastarol (Cholesterol) waa maadad muhiim ah oo qayb ka ah dhismaha dhamaan unugyada jidhka; gaar ahaan xuubka ku dahaadhan Unugyada (Cell membranes) ee nidaamiya isku socodka dhamaan waxa kujira gudaha unuga iyo dibadiisaba.  Hormoonada iyo dheecaanada(enzymes) xubnaha jidhka fariimaha u kala qaada waxay inta badan ka samaysan yihiin kolastarool; tusaale hormoonada Istaroojiin, Barojestaroon, Testastaroon, Aldo-istiroon iyo kortisol waxaa samayn-tooda qayb wayn ka qaata kolastarool.  Kolastaroolku waxa kale oo uu aasaas u yahay samaysanka faytamiino lagama maarmaan inoo ah sida faytamiin D. Aysiidha dheecaanka xamaytida (Bile acid) ee caawiya dheef-shiidka iyo qashin-saarka dufanka iyo subaga ayaa isna ka samaysan Kolastarool.  Kaalinta kolastaroolku ku leeyahay shaqooyinka kala duwan ee jidhka qofka lama soo koobi karo, la'aantiina suurto gal maaha in nolosha qofku sii jirto. Sidee u Samaysmaa Kolastaroolku? Jidhku wuxuu sameeyaa Kolast

Xannuunka Cagaarshow (Hepatitis B): Waxyeelada Fog ee Xannuunka iyo War La’aanta Bulshada:

Qaybta 2aad.  Sidee lagu qaadaa Xannuunkan? Fayras-kan waxaa laga helaa dhiiga iyo dhamaan dheecaanada jidhka qofka qaba, sida biyaha shahwada raga iyo dumarka, biyaha ilmaha uurka kujira ku gadaaman (Amniotic fluid), biyaha maskaxda iyo xangulaha ku gadaaman ( Cerebro-spinal fluid), dhareerka, iyo wixii la midd ah. Siyaalaha lagu kala qaadi karo waxaa ka midd ah: ·          Dhamaan noocyada galmada iyo sidoo kale wadaagida irbadaha dawooyinka la isugu turqo.         Dadka daroogooyinka xididdada ka qaata ee wadaaga isticmaalka irbadaha.        Hooyada uurka leh waxay u gudbin kartaa xannuunka ilmaha uurkeeda ku jira. ·          Dhiiga dadka lagu shubo iyo dareerayaasha laga miiray hadii ay fayraska sidaan( Blood and Plasma transfussion). ·          Qalabka lagu fuliyo qaliinnada caafimaadka iyo ka umulinta dumar. ·          Qalabka lagu dalooliyo jidhka, sida dhegaha iyo sanka iyo qalabka lagu xardho taatuu-ga. ·          Qalabka lagu fuliyo farsamaynta ilkaha iyo

Xannuunka Cagaarshow ( Hepatitis B): Waxyeelada Fog ee Xannuunka iyo War La'aanta Bulshada.

Qaybta 1aad. Hordhac: Hepatitis (Hibataaytis) waa erey asalkiisu yahay laba erey oo laysku siddkay. Ereyga ( hepat=liver ),waxa laga keenay giriig macnihiisuna waa Beer, ereyga (- itis=Inflammation ) waxa laga keenay Ingiriis wuxu la macno yahay Xannuun. Labadaa erey isku darkoodu wuxuu la macne yahay “Xannuunada Beerka” . Xannuunada beerka si gaar ah u liishaama ama meelo kale oo jidhka ah ku dhaca, laakin saameeya Beerku way badan yihiin. Waxaase guud ahaan  loo kala saaraa qayb ka dhasha  Xannuun-faafiye (Infectious agent) sida Fayrasyada, Bakteeriyada, Fangaska, iyo dulinnada kale ee Unug keliyaalaha ah. Iyo qayb kale oo ka dhasha xannuun dhaliye aan faafin; sida Isbiirtada, dawooyinka qaarkood, difaaca jidhka oo isdhaawaca iyo xannuunada lakala dhaxlo. Maqaalkani wuxuu si gaar ah uga hadli doonaa xannuunada beerka ee uu fayrasku keeno. Waxaa si gaar ah uu u faaqidi doonaa koox fayrasyo ah oo laysku yidhaa (Hepatitis viruses) .  Inta aynaan dhex gelin ka waramida xannu

Fayras : falanqayn kooban iyo faham buuxa.

Hordhac: Maqaalkan waxaan si guud kaga hadli doona xannuun faafiyaha (infectious agent) Fayras ka. Muxuu yahay? Muxuu ka samaysan yahay? Xannuunada uu keeno kuwee ka midd ah? mase la dawayn karaa? Fayrasku waxtar ma leeyahay?  Su’aalahaa iyo qaar kale ayaan qormadan kaga jawaabi doonaa. Maqaalkani wuxuu hordhac u yahay maqaalo aan si gooni gooni ah ugaga hadli doono Fayrasyada ugu khatarsan ee bulshada ku faafa iyo tafaasiishooda.   Milicsi ku saabsan taariikhda Fayras-ka. Fayrasku (Virus) waa xannuun faafiye sadhayn kara dadka, xayawaanka iyo dhirta intaba. Noocyo fayras ah ayaa awooda in ay dhex-galaan oo  degel ka dhigtaan Bakteeriyada iyo Fangaska oo labaduba ah xannuun faafiye-yaal il ma qabatay ah . Magaca “Virus ” waxa hindisay Aqoonyahan u dhasay dalka Holland oo la odhan jiray   Martinus Willem Beijerinck (16 Maarso,1851- 01 Janaayo,1931). Wuxuu ahaa saynis-yahanka ugu muhiimsan marka laga hadlayo saynisyahanada seeska u dhigay cilmiga Virology- ga ama barash