Posts

Showing posts from December, 2020

Noocyada Cusub ee SARS-CoV-2 Maxay kaga duwan yihiin Noocii hore?

Image
COVID-19 warkiisii inagamuu dhamaan laakiin inaga ka sheexnay soo hadal qaadkiisa oo garowsanay in xaqiiqo aynaan saamayn karin wadwadkeedu wax aan isku maandhaaf ahayn aynaan ka dheefayn. Bal aan curfigaa jebiyo oo aan waxoogaa ka faaloodo halka arin maraayo. Laba qodob ayaa si wayn loo qaadaa dhigayay dhowr kii todobaad ee ina dhaafay; Mid waxa uu ahaa tallaalada oo rajo iyo rayn rayn soo kordhisay isla markaana abuuray niyad wanaag ku saabsan in aynu ugu danbayn Fayraskan anfariirka inna qaadsiiyay in aynu ka guulaysan doono. Midna waa arinta ku saabsan in Fayraskii SARS-CoV-2 ee COVID-19 ka mas'uulka ahaaba xuub dhacsaday oo dardar cusub is geliyay noocyo cusubna yeeshay. Sideedaba, fayraskan Kofidh-ka dhaliyaa waxa uu ka samaysan yahay ilaa 28 barootiin oo kala duwan; waxa ugu caansan barootiin la yidhaa SPIKE-PROTEIN oo awood u siiya fayraska in uu ku xidhmo, gudahana u galo unugyada jidhka qofka. Sidoo kale, jidhka qofku si uu u aqoonsado fayraska waa inuu lafal-galo oo akhr