Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"


Ereyga "Artificial sweeteners" waxa lagu macnayn karaa Macaaneeye aan dabiici ahayn. Somaalidu waxay u yaqaanaan magacyo kala duwan oo ay ugu caansan tahay "Sonkorta Macaant"a. Walxahani 200 ilaa 700 boqol oo jeer ayay sonkorta ka macaan bdan yihiin; sida ay jidhka u soo galaan ayay uga baxaan oo dheefshiidka jidhkeenu ma burburin karo, wax tamar ahna lagama helo. Walxahan oo aad u tiro badan ayaa Hay'ada cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanku "Food Drug Agency" waxay ogolaansho in laga ganacsan karo, lana adeegsan karo ah siisay lix ka mid ah kuwaas oo kala ah:

1. Aspartame
2. Saccharin
3. Acesulfame potassium (Ace-K)
4. Sucralose
5. Neotame
6. Advantame

Waxaynu qormadan ku eegaynaa dhowrka ugu caansan looguna adeegsiga badan yahay oo aynu mid walba sharax kooban ka bixin doono si qofka doonaya in uu adeegsado u helo xog uu kaga go'aan qaato nooca uu is leeyahay way kugu habboon tahay iyo si dadka aad u adeegsada walxahan, gaar ahaan dadka xanuunka macaanka la nooli, uu fahmaan saamaynta mudada dheer ka dhalan karta walxahan iyo raadka ay kaga tegi karaan caafimaadka qofka.
1. 𝑨𝒔𝒑𝒂𝒓𝒕𝒂𝒎𝒆- (𝑵𝒖𝒕𝒓𝒂𝑺𝒘𝒆𝒆𝒕 𝒊𝒚𝒐 𝑬𝒒𝒖𝒂𝒍) laba boqol oo jeer ayuu ka macaan badan tahay sonkorta caadiga ah mana laha wax tamar ah. Waxay suuqa Maraykan iyo Yurub ku jirtay laga soo bilaabo 1981kii. Waxa lagu macaaneeyaa cuntooyinka qaboojinta u baahan sida keega, buskudyada, sharaabka qabowga lagu cabo. Cuntooyin tiro badan oo ay ka mid yihiin xanjada, nacnaca, gilatiinka, labaniyada, caanaha la fadhiisiyay ee ciir-fadhiga, iyo jiiska ayaa lagu daraa macaaneeyaha aspartame. Hasayeeshee, hadii dab la geliyo macaankeedu aad ayuu isu dhimaa. Aspartame waxay ka samaysan tahay labada amiino asiidh ee Aspartic acid iyo phenylalanine waxaanay leedahay waxoogaa tamar ah oo u dhiganta 4 Kcal/g. Marka Aspartame ay jidhka la fal gasho waxa loo kala furaa labaas amayno asiidh ee ay ka samaysan tahay oo jidhka gala. sidaa darteed, Aspartame looma ogola dadka qaba xanuunka phenylketonuria. Shirkadaha ka ganacsada aspartame waxay u bixiyaan magacyo dhowr ah, tusaale ahaan dalka maraykanka magaca ugu caansan ee loo yaqaan aspartame waa Equal; marka Yurub la joogo aspartame waxa loo yaqaan Canderel; wadamada Eeshiyana waxa looga yaqan Pal sweet. Waxa muhiim ah in la xuso in dawooyinka qaar dhadhankoodu qadhaadh yahay oo ay adagtahay in la liqo, gaar ahaan kuwa caruurta, waxa lagu daraa macaaneeyaha aspartame si loo liqi karo.

Aspartame waxa markii ugu horeysay Food and Drug Agency ansixisay 1981 in lagu daro cuntooyinka qalallan. Sanadkii 1983 dii ayaa loo ogoladay in lagu daro sharaabada soodhaha leh; halka sanadkii 1996 loo ogolaaday in si guud loogu adeegsado dhamaan cuntooyinka kala duwan. Sanadkii 2002 ayaa shirkadii ikhtiraaca iska lahayd oo kootadii ka dhamaanaysay ay soo saartay macaaneeye ay u bixisay Neotame oo 7500 oo jeer ka macaan badan sonkorta caadiga ah. Aspartame waa macaaneeyaha daraasadaha ugu badan lagu sameeyay si loo eego fayo qabkiisa iyo in uu waxyeelo leeyahay. Ugu yaraan laba boqol oo cilmi-baadhisood ayaa lagu sameeyay aspartame kuwaas oo kusoo geba-geboobay in aany wax dhib ah keenin. Hay'adaha caafimaadka ee aduunka ugu waawayn oo ay ka midd yihiin European Food Safey Authority (EFSA), Gudida wada jirka ah ee FAO iyo WHO ee qiimaysa fayo qabka walxaha lagu daro cuntada (JECFA) oo baadhid balaadhan ku samaysay macaaneeyahan aspartame ayaa iyana taageertay in aanu lahayn wax dhib ah. Iyadoo daraasadahaas laga shidaal qaadanayo ayaa wadamada ay ka mid yihiin Kanada, Jabaan, kuuriya, Maraykan, Midowga Yurub, Ustareeliya, iyo New Zealand waxay ogolaadeen in aspartame loo adeegsan karo macaanaynta cuntooyinka kala duwan.

𝑰𝒏𝒕𝒆𝒆 𝒊𝒏 𝒍𝒆’𝒆𝒈 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊 𝒍𝒂𝒈𝒂 𝒊𝒔𝒕𝒊𝒄𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊 𝒌𝒂𝒓𝒂𝒂.
FDA waxay xadidday xaddiga aan maalintii laga badin karin (Acceptable Daily Intake ADI) oo noqotay 50 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘩𝘢𝘭𝘬𝘪𝘪 𝘬𝘪𝘪𝘭𝘰𝘰 𝘦𝘦 𝘮𝘪𝘪𝘴𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 𝘢𝘩𝘣𝘢. 𝘘𝘰𝘧𝘬𝘢 70 𝘬𝘪𝘪𝘭𝘰𝘰 𝘢𝘩 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘶𝘶 𝘲𝘢𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘢a 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪𝘯𝘵𝘪𝘪 3500 𝘰𝘰 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘰𝘰 𝘈𝘴𝘱𝘢𝘳𝘵𝘢𝘮𝘦 𝘢𝘩 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪𝘯𝘵𝘪𝘪.

ADI waa xaddi iyadoo taxadar badan la qabo la hindisay, dad badanina maalintii xiddigaas ma wada qaataan. Tusaale ahaan qofka miisaankiisu yahay 68 kilo waxa loo qoondeeyay in aanuu ka badsan 3400 miligiraam oo Aspartame ah maalintii. Taasi waxay u dhigan tahay isagoo caba 19 daasadood oo sharaabka soodhaha ah ee bilaa sonkorta ah; ama cuna 85 xabo oo kiniinta Aspartame ah. Dadka joogtada u adeegsada macaaneeyahan waxa caadi ahaan lagu qiyaasaa in ay maalintii isticmaalaan xaddi ku dhow 4.9 mg/kg saacadii oo u dhigan tay boqolkiiba toban xaddiga FDA ay qoondaysay in aan laga badin.


           2. Neotame waxay noqotay macaaneeyaha ugu macaan badan inta la hayo ilaa hadda, maraykanku waxa uu ansixiyay sanadkii 2002. Neotame (Newtame) waxay sonkorta ka macaan badan tahay todoba kun oo jeer, waxay u adkaysataa kulaylka oo hadii aad loo kululeeyo macaankeedu iska dhimo. Neotame waxa lagu sameeyay 113 daraasadood oo dad iyo xayawaanba lagu sameeyay, ilaa haddana waa la aqoonsan yahay in aanay dhib wayn lahayn.
3. 𝙎𝙖𝙘𝙘𝙝𝙖𝙧𝙞𝙣 (𝙎𝙬𝙚𝙚𝙩 𝙣’ 𝙇𝙤𝙬, 𝙥𝙞𝙣𝙠 𝙥𝙖𝙘𝙠𝙚𝙩𝙨) ugu horeysay lasoo saaray sanadkii 1879, berigaa waxaana markiiba dagaal dagaal la galay shirkadaha sonkorta soo saari jiray oo u arkayay in ay tartan la geli karto bucshuradooda ilaa agaasimihii hay’ada kimistariga oo ahayd hay’ad ka horeysay FDA da uu Saccharin ku tilmaamay in ay tahay silcad sharci daro ah. berigaas waxa arinta soo faro geliyay madaxwaynihii Maraykankan xiligaas xukumi jiray Theodore Rooveselt oo la saftay shirkadii saccharin samaysay, agaasimihiina shaqadii ka eryay. Sidaa ayay suuqa kusoo gashay. 1977 kii ayaa mar kale hay’ada FDA isku dayday in ay mamnuucdo saccharin iyagoo ku marmarsiinyoonaya in ay jiir lagu tijaabiyay ku keentay kansarka kaadi haysta. Inkastoo, mamnuucidii aanay u suuro gelin hadana shirkadana soo saara waxa lagu khasbay in ay ku dul qoraan digniin odhanaysa “𝑻𝒉𝒊𝒔 𝒑𝒓𝒐𝒅𝒖𝒄𝒕 𝒄𝒐𝒏𝒕𝒂𝒊𝒏𝒔 𝒔𝒂𝒄𝒄𝒉𝒂𝒓𝒊𝒏 𝒘𝒉𝒊𝒄𝒉 𝒉𝒂𝒔 𝒃𝒆𝒆𝒏 𝒅𝒆𝒕𝒆𝒓𝒎𝒊𝒏𝒆𝒅 𝒕𝒐 𝒄𝒂𝒖𝒔𝒆 𝒄𝒂𝒏𝒄𝒆𝒓 𝒊𝒏 𝒍𝒂𝒃𝒐𝒓𝒂𝒕𝒐𝒓𝒚 𝒂𝒏𝒊𝒎𝒂𝒍𝒔." Maadaddan waxa ku jirta sakarin oo la go'aamiyay in ay kansar ku sababto xayawaannada shaybaadhka lagu adeegsado".
        𝑰𝒏𝒕𝒆𝒆 𝒊𝒏 𝒍𝒆’𝒆𝒈 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊 𝒍𝒂𝒈𝒂 𝒊𝒔𝒕𝒊𝒄𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊 𝒌𝒂𝒓𝒂𝒂:
𝘚𝘩𝘢𝘯 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘩𝘢𝘭 𝘬𝘪𝘪𝘭𝘰𝘰 𝘰𝘰 𝘮𝘪𝘪𝘴𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 𝘢𝘩𝘣𝘢- 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 70 𝘬𝘢 𝘬𝘪𝘪𝘭𝘰𝘰 𝘢𝘩 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘶𝘶 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪𝘯𝘵𝘪 𝘲𝘢𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘢𝘢𝘯 350 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮.
4. 𝐒𝐮𝐜𝐫𝐚𝐥𝐨𝐬𝐞: waa ka ugu cusub macaaneyaasha macmalka ah, magaciisa ganacsi waa Splenda. Splenda waxa asalkiisa laga keenay nooc sonkor ah laakiin jidhku 15% oo keli ah ayuu burburin karaa, 85% ka soo hadhay waxa raacdaa kaadida sidaa darteed sonkorta dhiiga kor uma qaado wax tamar ahna jidhka kuma biiriso. Si aanay jidhka ugu milmin waxa dhismaheeda kimikaad waxa lagu xidhay koloriin taas oo u bedeshay maadad aan lahayn astaamihi sonkorta iyo kimikadeediiba.
        𝑰𝒏𝒕𝒆𝒆 𝒊𝒏 𝒍𝒆’𝒆𝒈 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊 𝒍𝒂𝒈𝒂 𝒊𝒔𝒕𝒊𝒄𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊 𝒌𝒂𝒓𝒂𝒂:
𝘚𝘩𝘢𝘯 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘩𝘢𝘭𝘬𝘪𝘪 𝘬𝘪𝘪𝘭𝘰𝘰 𝘦𝘦 𝘮𝘪𝘪𝘴𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 𝘢𝘩𝘣𝘢, 𝘵𝘶𝘴𝘢𝘢𝘭𝘦 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 70𝘬𝘨 𝘢𝘩 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘶𝘶 𝘪𝘴𝘵𝘪𝘤𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪 𝘬𝘢𝘳𝘢𝘢 𝘬𝘶 𝘥𝘩𝘢𝘸𝘢𝘢𝘥 3500 𝘮𝘪𝘭𝘪𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘰𝘰 𝘚𝘱𝘭𝘦𝘯𝘥𝘢 𝘢𝘩 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪𝘯𝘵𝘪𝘪. 𝘟𝘪𝘥𝘩𝘮𝘢𝘥𝘢 𝘺𝘢𝘳 𝘦𝘦 𝘚𝘱𝘭𝘦𝘯𝘥𝘢 𝘢𝘩 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘬𝘶 𝘫𝘪𝘳𝘢 12 𝘨𝘪𝘳𝘢𝘢𝘮 𝘰𝘰 𝘴𝘶𝘤𝘳𝘰𝘭𝘰𝘴𝘦 𝘢𝘩.
5. 𝐒𝐭𝐞𝐯𝐢𝐚 (𝑻𝒓𝒖𝒗𝒊𝒂, 𝑵𝒖𝑵𝒂𝒕𝒖𝒓𝒂𝒍𝒔, 𝑵𝒖𝑺𝒕𝒆𝒗𝒊𝒂) waa macaaneeye laga sameeyay geed la yidhaa Stevia rebaudiana oo 150 jeer ka macaan badan sonkorta. Mar hadii geed dabiici ah laga soo dhalaaliyay inta badan macaaneyaasha macmalka ah laguma daro. Inkasta oo asal ahaan geed laga keenay hadana Food and Drug Agency (FDA) may u ansixin in macaaneeye loo isticmaalo, hadana maadad macmal ah oo shabahda lana yidhaa Rebaudioside A (Reb A) ayaa loo ansixiyay in la isticmaalo. Stevia malaha sonkor, dux ama barootiin; sonkorta qofkana ma saamayso. Waxayse dhadhanka qofka kaga tagtaa qadhaadh, isla markaana waxay keentaa dibiro iyo naqas badan taasi oo yaraysay adeegsigeeda.

𝐖𝐚𝐱𝐲𝐞𝐞𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚

----------------------------------------

𝙈𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙠𝙤𝙧𝙙𝙝𝙞𝙮𝙖𝙖𝙣 𝙢𝙞𝙞𝙨𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖??

Inkasta oo FDA iyo EFA labaduba ansixiyeen isticmaalka macaaneeye-yaasha hadana taasi caddayn uma aha in adeegsigoodu ammaan buuxa leeyahay. Dad badan ayaa waxay aaminsan yihiin in marhadii walxahani aanay tamar jidhka ku kordhinayn ay miisaanka yareeyaan, hasayeeshee waxa jira daraasado badan oo sheegaya in arinku sidaa ka duwan yahay. Macaaneeyeyaashu miisaanka way kordhiyaan sida ay sheegtay daraasad madax banaan oo ay samaysay 𝑻𝒉𝒆 𝑺𝒂𝒏 𝑨𝒏𝒕𝒐𝒏𝒊𝒐 𝑯𝒆𝒂𝒓𝒕 𝑺𝒕𝒖𝒅𝒚 waxay tilmaantay in macaaneeyaha iyo korodhka miisaanka xidhiidh wayni ka dhexeeyo. Daraasadu waxay mudo ku siman 8 sano daba gashay dad gaadhaya 3,682 qof, waxaanay gunaanadkeedu noqday "macaaneyaashu miisaanka way khalkhliyaan".
Daraasad labaad oo magaceeda la yidhaa 𝑻𝒉𝒆 𝑮𝒓𝒐𝒘𝒊𝒏𝒈 𝑼𝒑 𝑻𝒐𝒅𝒂𝒚 𝑺𝒕𝒖𝒅𝒚, ayaa waxay iyana daba gashay 11,654 caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 13 sano, waxaanay kusoo geba-gebaysay in caruurta lasiiyo cuntooyinka macaaneeyayaashu ku badan yihiin ay uga buurnaanta xad-dhaafka ah uga nugul yihiin caruurta kale. Waxa iyana khubarada caafimaadku isku waafaqsan yihiiy in macaaneeye-yaasha macmalka ahi aanay caawin dhimidda miisaanka ee waxa muhiimka ahi tahay yaraynta tamarta iyo karbohaydaraytka.
Dhowr sababood ayaa la odorosay in walxahani miisaanka u kordhin karaan. Ugu horeyn, waxay kordhiyaan abateetka iyo u muhashada guud ahaan cuntada macaan; waxa kale oo ay kordhiyaan dareemidda gaajada. Waxa la aaminsan yahay in walxahani ay fariin marin habaabin ah u diraan maskaxda iyagoo maskaxda siinaya dareen macaan oo aanay la socon tamar jidhku adeegsado. Fariintaas oo maskaxdeenu kaga jawaabto in ay kordhiso fariimaha ay ku howl geliso xarunta gaajo dareenka kuna deminayso xarunta dheregga. Waxa taas labeeya in ay dheeli ku keenaan bakteeriyada dabiici ahaan ugu nool dheefshiidka dadka ee la yidhaa microbiota. Taasi oo khalkhalka ku dhaca loo aaneeyo in uu ka qayb qaato miisaan korodhka iyo macaanka. Sidaa darteed, dadka macaanka qaba ama doonaya in ay miisaankooda yareeyaan waa looga fiican yahay adeegsiga macaaneeye-yaasha.

𝙈𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙭𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝙡𝙖 𝙡𝙚𝙚𝙮𝙞𝙝𝙞𝙞𝙣 𝙠𝙖𝙣𝙨𝙖𝙧𝙧𝙖𝙙𝙖?

Sida uu xoojinayo machadka qaranka ee xanuunka kansarka national institute of cancer, ma jirto xidhiidh u dhexeeya macaaneeye yaasha kala ah Saccharin, Aspartame, Sucralose, Acesulfame potassium, Neotame, iyo Advantame. dhammaan daraasadaha FDA ay samaysay si ay u hubiso waxyeelo la'aanta macaaneeye-yaashan waxay ku soo dhamaadeen si isku mid ah in aanay jirin khatar kanar oo ay leeyihiin.
Daraasad la sameeyay 20005 ayaa waxay sheegtay in xadiga aadka u sarreeya ee Aspartame uu jiirka shaybaadhka lagu koriyo ku keeni karto kansarrada dhiiga ee lymphoma iyo Leukemia. Daraasadan waxa dib u baadhay khubaro FDA da ka tirsan waxaanay ogaadeen in is daba marin lagu sameeyay xogta daraasadu cuskatay, waana la buriyay. Xiligaa kadib dhowr daraasadood oo madax bannaan ayaa baadhay Aspartame saamaynta ay ku yeelan karto kansarka, waana la waayay.
Sidoo kale, isla xaruntii daraasadaas hore samaysay ayaa 2016 soo saartay daraasad kale oo ay ku andacoonayso in Sucrolose ay jiirka ku keento kansarta dhiiga, taasna markii laga daba tegay waxay noqotay wax aan cago adag ku taagnayn. Macaaneeyaha Cyclamate ayaa isna lagu tuhmay in uu keeni karo kansarka kaadi haysta waxaanay FDA du mamnuucday 1969 ilaa hadana dib looma furin lagumana isticmaalo maraykanka. Saccharin ayaa isna bilowgii todobaatanadii lagu eedeeyay in uu keeno kansarka kaadi haysta. gaar ahaan labka jiirka. Hasayeeshee, daraasado tiro badan oo ka danbeeyay ayaa xaqiijiyay in eedeyntaas aanay waxba ka jirin. Waxa kale oo ay tilmaameen in kansarka jiirka iyo dadku kala duwan yahay oo aan la isaga tusaale qaadan karin. Daraasadaha aynu soo sheegnay dhamaantood waxa lagu sameeyay jiir, mana jirto daraasad lagu sameeyay dadka oo xidhiidhkaas tilmaantay.
Inta aynaan ka bixin waxyeelooyinka ka dhalan kara macaaneeyeyaasha aynu xusno in Aspartame la sheego in ay depression to keento dadka u nugul ama la nool xanuunada dhimirka. Sidoo kale waxay uga sii dartaa dadka uu ku soo noqnoqdo madax xanuunka nooca layidhaa migraine ka.
Ugu danbayn, waxa fiican in laga digtoonaado isticmaalka xad-dhaafka ah ee macaaneeyeyaasha sababta oo ah waa walxo kimiko oo aan ilaa hada la hubin saamaynta dhabta ah ee ay ku yeelan karaan caafimaadkeena. Sida aanay u jirin xog rasmi ah oo xaqiijisay wax yeeladooda, ayaanay u jirin xog rasmi ah oo xaqiijisay waxyeelo la'aantooda. Dooda walxahan ku saabsan wali laguma kala bixin, waxaana loo baahan yahay cilmi-baadhis dhamaystiran oo ka warkeenta xaqiiqadooda.


Comments

Popular posts from this blog

From May-91 to Tolwaanaje 2: Somaliland at Critical Juncture

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?