Posts

Showing posts from October, 2019

هل تقدم جامعاتنا أكثر من إحتفالات التخرج الصاخبة؟

في سبتمبر مـِنْ كُلِ عام نِحْتفلُ بـِتَخْرِيج دُفَعات جديدة من الخريجين من مختلف الكليات.و كل مناسبة يُصَاحبها كثيرٌ من البَهْرجة واستعراض غير عادي للإثارة، حيث تُفرِطُ الجامعات في الإنفاق على الحفلات مـِمَا يزيد مـِنْ الأعباء الإقتصادية عَلى كَاهـِل الأسر المُثَقَلةِ أصلاً بأزمة مَعيشـِية غير مسبوقة. فضلاً عَن ْهذا التَكَلف المادى الغير مبرر، فإن كل هذه الاحتفالات السنوية تغمرنا جميعا بالسعادة، وتُحْيـِي في نفوسنا الأمل بمستقبلٍ أفضل.  إضافة إلى ذلك، إن مَشَاهـِد الفرحة والابتسامات على وُجُوه الخريجين وأسرهم، ورضَاهُم عن كل ما بذلوه منْ جهدٍ جبَّارٍ و تضحيات من أجل حياة ٍكَرِيمة لأولادهم يبعث على الفخر والاعتزاز. من ناحية الأخرى فإن الأعداد الهائلة من الخريجين، والتي تزداد في كل سنة، يعتبرها البعض دليلا واضحا على ما حققنا منْ إنجازات في مجال التعليم علي مدار العقدين الماضيين. فلا شك أن أعداد الطلاب المُقَيدين في المراحل التعليمية المختلفة تَزايَدَت بـِشكل مطرد  ومتواصل، مـِما سَاعدَ في تَقلِيل نسبة الأمية بين طبقة الشباب في المجتمع، وأثّر بالإيجاب علي الوعي العام، و

Rousseau: Faylasuufkii Gadoodsanaa. Qaybta III

Aragtida Rousseau ee Waxbarasha “Child-raising is the difficult art of ruling without a mandate and of doing everything by doing nothing”. Rousseau waxa uu qoray buugiisa “ EMILE, or On Education” . Buugu waxa weeye dood cilmiyeed   uu ku sharaxayo aragtidiisa ku saabsan guud ahaan Waxbarashada iyo ahamiyada ay u leedahay dhismaha qofka iyo qarannimada. Si loo fahmo aragtida Rousseau ee Waxbarashada aynu dib u milicsano fikrada udub dhexaadka u ah gebi ahaanba falsafada Rousseau. “Qofka bani’aadamka ahi wuxuu ku dhashaa xaalad dabiici ah (natural goodness of man) isagoo damiirkiisu nadiif yahay; qofkaa wanaaga ku dhashay, bulshada ayaa fasahaadisa iyadoo adeegsanaysa waxbarashada”. Waxa uu hordhaca kitaabka ku bilaabay:  “God makes all things good; man meddles with them and they become evil .”  Ilaahay wax kasta si qurux badan ayuu u sameeyay, laakin faro-gelinta dadka ayaa qaribta oo wax xun ka dhigta”. Rousseau waxbarashada waxa uu u arkaayay inay sababi karto shar w

Jean jacques Rousseau: Faylasuufkii Gadoodsanaa: Qaybta II

Aragtida xukunka iyo  dowladnimada Malaha   aragtida  ugu  saamaynta   wayn  ee Rousseau  uuka  tegay   ilaa   maantana  lagu  xasuustaa  waa  aragtida  siyaasadeed ee uu ku  gardaadiyay   falsafadiisa  uu ku  sharaxay  sida ugu  fiican  ee  xukun  iyo  dowlad  sharci ah bulsho ku  dhici   karto . Labada  buug  ee “Social Contract (1762) iyo Emile on Education” waxay  sababeen  is  rousseau  ay isku  dhacaan   dowladii  iyo  kaniisadii , oo  labadaasi   isu   bahaystaan  la  dagaalan   kiisa .  Labada  buug  oo isku  sanad  soo baxay,  markiiba  waa laga  mamnuucay  dalka  faransiista  iyo Geneva, Rousseau- na  waxa loo soo  jaray   waaran  lagu  xidho ,  iyadoo  lagu  eedaynayo   Iimaan-daro  (Impiety),  Alle-koodnimo  (Blasphemy) iyo  Qaran-dumisnimo (treason). Waxa lagu  qasbay  in uu  dhuumasho  ku  noolaado   dhowr   sano ,  ilaa  uu 1765 u  baxsaday   Iglan  oo uu  dhowr   sano  la  noolaa  David Hume, oo ahaa qoraa  Ingiriis  ah.Ugu  danbayn  Rousseau wax