Posts

Showing posts from April, 2020

Qofka Macaan Qaba iyo Khudrada: Sidee Miisaanka Sonkorta loo Dheeli tiraa Ramadaanta?

Image
Su’aalaha ugu badan ee dadka xannuunka macaanka qabaa iswaydiiyaan waxa ka mid ah cuntada noocyadee ayaan cunaa noocyadeena waan iska ilaaliyaa, gaar ahaan bishan ramadaan. Cuntadu way noocyo badan tahay hasayeeshe qormadan waxaan si kooban ugu iftiimin doonaa guud ahaan nooca aynuu soomaali ahaan u naqaan khudrad (fruits and vegetables) . Daraasad (meta-analysis) sanadkii 2014 lagu daabacay British Medical Journal ( Fruit and vegetable intake and risk of type 2 diabetes mellitus: meta-analysis of prospective cohort studies) . ayaa waxay tilmaamaysaa in dadka khudrada darayga ah badsadaa ay sifiican u xakameeyaan sonkortooda isla markaana ay ku yaryihiin xanuunada wadnuhu. Sidoo kale, T he National Institute of Diabetic and Digestive and Kidney Diseases (NIDDK): “ Diabetes Diet, Eating, & Physical Activity.” ayaa waxay dadka macaanka qaba kula talinayaan in ay iska ilaaliyaan khudrada la shiiday ee kartoonaysan, ta qasacadaysan iyo ta la qalajiyay. Khudradu waxay yaraysaa ca

Sidee Soonku Jidhkeena uga caawin karaa iska Caabinta Xannuunada Sida COVID-19?.

Image
Yoshinori Ohsumi waxa uu sanadkii  2016 qaatay abaalmarinta Nobel ee  physiology or medicine cilmi-baadhista  uu kusameeyay Autophagy darteed .       Faa’iidooyinka ruuxiga ah iyo kuwa jidhku ka helo soonka aad ayay u tiro badan yihiin. Soonka guud ahaan, gaar ahaan bisha ramadaan, xikmadaha ku jiraa waa qaar aad u qoto dheer oo aynaan guntooda wada gaadhi karin. Waxa aynu maqaalkan ku faalayn doonaa faa’iidooyinka caafimaad ee soonka iyo sida uu inooga caawin karo soonku ka hortaga iyo iska caabinta xannuuno tiro badan oo uu ka mid yahay COVID-19. Unugyada kala duwan ee jidhkeenu, mid kasta waxa ka dhex socda falgalo aan tiro lahayn: barootiino ayuu burburiyaa, qaar kale ayuu dhisaa, oksajiin ayuu gubaa si uu tamar uga sameeyo, Isla gubidaas waxa ka dhasha walxo sun ah oo looyaqaan “oxygen free radicals” oo ay daruuri tahay in degdeg unuga looga saaro. Unugyada jidhkeenu karbon ayay abuuraan, aysiidh ayay dhaliyaan, jeermid ili-ma qabatay ah (fayras iyo bakteeriya)

Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19.

Ereyga “Herd” afka Soomaaliga waxay la macna tahay “xayn” ama goosan. Waxa loo adeegsadaa xoolaha qooblayda ah sida dameer farowga amaba lo’da. “Immunity” waa u adkaysi ama iska caabin. Inkastoo kelmadu afka ingiriisiga adeegsiyo dhowr ah leedahay, hadana halkan erey bixintan waxay ugu jirtaa u adkaysiga jidhkeenu u yeesho xannuunada faafa marka difaaciisu u diyaar garoobo caabuqa ee uu samaysto agabkii uu isku difaaci lahaa. Labada erey ee Herd iyo Immunity marka la isku lifaaqo waxay noqonayaan “Difaac Wadareed”. Cilmiga Epidemiology-ga erey bixinta “Herd Immunity” waxay kusoo biirtay 1930-nadii. Xiligaas dhowr cilmi-baadhe ayaa faallooyin kooban ka bixiyay sida bulsho u kasban karto difaac wadareed ay iskaga caabiyayso xannuun faafa “infectious disease,” xannuunada xiligaas la faalaynaayay waxaa ka mid ahaa jadeecada, furuqa, dabaysha iyo hablo-baasta. Hasayeeshe kelmadani waxay si xoog ah inoo soo gaadhay oo warbaahintu qaadaa dhigtay bilowgii fayraska SARS-CoV-2. Dhowr wad

Maxay Yihiin Dawooyinka Wakhtigan Loo Adeegsanayo Maaraynta COVID-19?

Image
Majirto ilaa hada dawo loo ansixiyay in ay dawayn karto xannuunka COVID-19. Labada hay’adood ee ugu saamaynta badan marka dawooyinka cusub go’aan laga gaadhayo waa WHO iyo FDA, labaduna midna may ansixin dawo gaar ah. tallaalna hadalkiisaba daa. Hasayeeshee, waxa jira in ka badan 70 dawo oo ilaa hada lagu tijaabiyay dadka xannuunkan qaba bal in ay wax uu ka dheefaan iyo bidhbidhiso loo saaro. dawooyinka rajada wayn laga qabo in ay sifiican wax uga taraan COVID-19 oo si kumeel gaadh ah loo adeegsado inta xog dhamays tiran laga helaayo waxa ka midd ah dhowrka aynu maqaalkan ku faaqidi doono. Dawooyinkan waxa ugu muhiimsan kuwa dabra shaqada Interleukin 6 iyo saaxiibadeed.   Tocilizumad iyo Sarilumab: 16 kii Maarso 2020, ayaa shirkada maraykanka ah ee Sonofi and Regeneron, waxay bilowday tijaabin derejada 2/3 ah oo lagu samaynayo dawada Sarilumab (kevsara) ee dabarta shaqada Interleukin 6. Shirkad kale oo layidhaa Genenteck ayaa iyaduna waxay wadaa tijaabo ay ku samaynayso dawa

Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?

Image
Sida ay tilmaamayaan baadhitaannada hordhaca ah ee kasoo baxaya xarumaha lagu dawaynayo dadka uu ku dhacay xannuunka COVID-19, in ka badan 99% dadka dhimanayaa waxay u dhimanayaan sanbabadooda oo shaqadii joojiyay; xaalad loo yaqaan Acute respiratory distress syndrome (ARDS). Xaaladani waa marxalada ugu danbaysa afar marxalladood oo uu maro xannuunkan uu keenay SARS-CoV-2. Xannuunku waxa uu ka bilaabmaa sanka isagoo ku bilaabmaa xumad, qufac qalalan, iyo waxoogaa daal iyo damqasho guud ah; waxa uu uga sii gudbaa xumad xad-dhaaf ah (>39 ℃ ) iyo neef-qabad, qofka oo neefsigu ku adkaado iyo sakaarka oo si gaar ah u damqada, kuwani waxay astaamo u yihiin xannuunkii oo sanbabka gaadhay. Hadii uu kasoo rayn waayo Fayrasku (SARS-CoV-2)  waxa uu u degaa sanbabka halkaas oo uu ku sameyo caabuq (viral pneumonia). hadiiba xannuunku sanbabka gaadho waxa bilaabantay marxalladii adkayd; aqlabiyada dadka heerkan xaalkoodu gaadhaa waxa la xaqiijiyay in ay ubaahan doonaan mishiinka neefsiga c

Halkay maraysaa Dawo u raadinta xannuunka Covid 19.

Image
Vurus is “ simply a piece of bad news wrapped up in protein,” fayrasku waa fariin aad u xun oo lagu soo duubay barootiin.   Sawirkani waa qaab dhismeedka Fayraska SARS-CoV-2. Hal ku dhigaas waxa laga hayaa Sir Peter Brian Medawar oo ahaa saynis yahan ku guulaystay abaal marinta NOBEL-ta, oo ku xeeldheraa aqoonta barashada noolaha ee Biology-ga. Sidaa uu sheegay Dr Medawar, Fayrasku waa il-maqabatay dood wayni ka taagan tahay in uu yahay wax nool iyo in aanu ahayn. Awoodiisa ugu wayni waa hida-side ay ku duuban tahay xogta laga turjumo sida uu u shaqeeyo iyo sida uu u weeraro unugyada jidhka noolaha. Fayraska SARS-CoV-2 ee keena xanuunkan aduunka wareeriyay ee Covid-19 waxa uu ka samaysan yahay waxyar oo hide-side ah iyo sagaal iyo labaatan barootiin. Sagaal iyo labaatan barootiin ayaa waxay ka hortegayaan boqolaal milyan oo barootiino ah oo uu ka samaysan yahay jidhka bani aadamku. Hadii in uun laga rejo qabo in la helo si lagu joojiyo weerarka Fayraskani ku hayo bani’