Posts

Showing posts from December, 2019

Koritaanka Garaadka Caruurta: Qaybta 1 aad

Saamaynta Aragtida Jean Piaget ee “Cognitive Development” ay ku Yeelatay Waxbaridda iyo kobcinta garaadka Dhalaanka. Afeef: Inkasta oo maqaalkan aan udub dhexaad uga dhigay midd ka midd ah Aragti-cilmiyeedka miisaanka leh ee "Developmental Psychology", hadana tafaasiisha iyo talloonka ay bixinaysaa waxay ku qotomaan dardaaranada casriga ah ee korinta caruunta. Jean Piaget (1896-1980) wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga Saykoolajiga (Psychologist) oo u dhashay dalka Switzerland. Waxa uu caan ku yahay Aragti-cilmiyeed uu ka hindisay koritaanka Garaadka caruuta (Cognitive Development of children). Aragti-cilmiyeedkani waxay eegaysaa habka garaadka caruurtu ula kobco da’dooda iyadoo odorostay in koritaanka Garaadka ilmuhu (child intelligent) in uu ka gudbo afar marxaladdood oo isku xiga. Jean Piaget wuxuu ku koray dalkiisa Switzerland. Isaga oo aad u yar ayuu jacayl u qaaday cilmiga sayniska, gaar ahaan hab-dhaqanka xayawaanka. Waxa la sheegaa in isagoo kow iy

Xoree Garaadkaaga oo Jebi dabarka "Confirmation Bias" -ka!!

Halkee aragtiddaada, fikradahaaga iyo waxyaalaha aad sida yaqiinta ah u aaminsan tahay ka yimaadaan? Hadii aad ka midd tahay dadka caadiga ah waxa xaqiiqo ah in aad naftaada ka aaminsan tahay qof caqliga si sax ah u adeegsada, qof afkaartiisu isu miisaamantahay, qof garaadkiisu ku salaysan yahay sannado badan oo khibrad ah iyo gorfayn mug wayn oo aad ku samayso xogta aad hesho, waxaad iska aaminsantahay qof go’anadiisu ku qotomaan ka fiirsi, dhexdhexaadnimo iyo deganaan. Sidaa darteed dadka intooda badan way damaqdaa hadii si toos ah ama si dadban loo duro aragtidooda ama su’aal looga keeno caqli-galnimada afkaartooda. Xaqiiqadu waxay tahay, dhamaanteen waxaynu khatar ugu jirnaa mushkilad aynaan aalaaba dareemin in ay usoo dusto garaadkeena. Arrintan cilmiga saykoolajigu waxa uu u yaqaanaa Confirmation bias. Ururka saykolojiga ee maraykanku (American Psychologists Association) waxay “ Confirmation Bias” ku qeexaan: “Maskaxdeenu waxay xulataa oo si gaar ah ugu xaglisaa