Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?


Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga haflaynaa waa nooca labaad oo inta abdanku dhaca dadka da’doodu ka wayntahay 40, miisaankoodu culusyahay, cuntadoodu aanay miisaanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho da’da qofka iyo mudada uu hayay. Waxa laga yaabaa in bilowga xanuunka, qofku lagu maareeyo hal dawo oo fudud, laakiin wakhtigu sii dheeraadoba dawada lasii kordhiyo ilaa la gaadho irbad in uu qaado. Hasayeeshee, dadka macaanka qaba su’aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna iwaydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aad mar uun dawada joojiyo? Labadaa su’aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo. 

Marka hore aynu doorano ereyga meesha ku habboon. Bogsasho “reversal” waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si barman ah u tagga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero; markaa ereyga su’aasheena ku habbooni waa ladnaansho (remission). Macaanka malaga laddnaan karaa? Aynu ku bilowno in aynu qeexno maxaynu uga jeednaa ladnaansho? Dhowr hay’adood oo waawayn ayaa siyaabo kala duwan u qeexa ladnaanshaha aynu u jeedno.

1.     American Diabetes Association waxay laddnaansho u arkaan: marka qofka HbA1c giisu ka hooseeyo 5.7% isla markaana uu ka maarmo dhammaan dawooyinka macaanka ugu yaraan sanad. 

2.   𝘋𝘪𝘢𝘣𝘦𝘵𝘦𝘴 𝘙𝘦𝘮𝘪𝘴𝘴𝘪𝘰𝘯 𝘊𝘭𝘪𝘯𝘪𝘤𝘢𝘭 𝘛𝘳𝘪𝘢𝘭 (𝘿𝙞𝙍𝙀𝘾𝙏) oo sameeyay Cilmi-baadhista layidhaa DiRECT laguna diyaariyay Scotland, waxay laddnaanshahs ku qeexeen: in HbA1c ga qofku ka hooseeyo 6.5%, isla markaana uu ka maarmo dhammaan dawooyinka macaanka ugu yaraan laba bilood.

3.  International Diabetes Consensus Group waxay laddnaanshaha ku qeexeen: in HbA1C ga qofku ka hooseeyo 6.5%, isla markaana uu ka maarmo dhammaan dawooyinka macaanka marka laga reebo Metformin ugu yaraan sanad.

Saddexda qeexitaan kii aad doorataaba waxa uu xooga saarayaa HbA1c ka hooseeya 6.5%.  Hba1C waa shaybaadh laga qaado dadka Macaan qaba ugu badnaan saddexdii biloodba mar; waxaana lagu ogaadaa in qofka macaankiisu sifiican u xakamaysnaa muddadaa lasoo dhaafay. Su’aasheenu waxay ahayd qofka macaanka lanooli ma ka ladnaan karaa? Marka lasoo koobo waxa la odhan karaa, dadka qaarkood, haa.

Qofka oo macaanka ka laddnaada waxa lagama maarmaan u ah in beerta iyo ganaca laga sifeeyo subagga “fats” ku urura ee cuntada kalorigeedu badan yahay sababto. Subagga beerka iyo ganaca fadhiistaa waxa uu sababaa in beerkuna nidaamin kari waayo sonkorta, ganacuna sifiican usoo dayn kari waayo insuliinta. Sidoo kale, xaydha iyo duxda aadka u badan ee miisaanka la socota waxay keentaa in dhammaan unugyda jidhkeenu sifiican ula fal geli kari waayaan insuliinta oo xattaa iyadoo Insuliin badani dhiiga ku jirto, hadana ay dejin kari waydo sonkorta. Labadan arrinba waxa lagu hannan karaa, macaankana lagaga laddnaan karaa hadii ugu yaraan saddexda arimood ee soo socda midkood qofku si dhamaystiran u fuliyo

  • In qofku joojiyo dhamaan cuntooyinka Karbohaydarayt ku ku badan yahay “low carb
  • In qofku qabatimo oo daa’imo cuntooyinka tamartu ku yartahay “Low calorie diet”
  • Qaliinada lagu dhimo miisaanka ee caloosha qayb lagu saaro “Bariatric Surgery”

1. Low Carbohydrate Diet𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨 𝐤𝐚𝐫𝐛𝐨𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚𝐫𝐚𝐲𝐭-𝐤𝐮 𝐤𝐮 𝐲𝐚𝐫 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲.

Qofka oo joojiya ama aad u dhima cuntooyinka Karbohaydaraytku ku badan yahay waxay yaraysaa kaydka dufanka ee jidhka, waxay yaraysaa dareemidda gaajada, waxaanay kordhisaa in jidhku tamar badan oo u kaydsanayd adeegsado. Qofka cuntooyinka  karbohaydarayta ah aad u cuna markasta Insuliinta ganaciisu sameeyaa way badan tahay. Ujeedadu waa in sonkortaas xad-dhaafka ah inta dux iyo dufan loo bedelo la kaydiyo. Qofkaas miisaan ayaa ku kordha, duxdaa badan ee la kaydinayaa hadhow waxay khalkhalisaa habsan u shaqayntii Insuliinta, waxaanay dhashaa macaan. Ka waran hadii uu karbohaydarayt kii ibir ka dhigo oo joojiyo. Bilowga hore jidhkiisu waxa uu adeegsan doonaa duxdii iyo dufankii kaydsanaa, taasina in uu miisaan lumiyo ayay sababi. Kadibna waxa uu ku shaqayn doonaa waxoogaaga tamarta ah ee cuntadiisa kooban la socota; waxaa meesha ka bixi doonta sonkortii dheeraadka ahayd ee la kaydinayay. Insuliintu heerkii dabiiciga ahaa ayay ku noqon, suntii iyo qashinkii sonkorta xad-dhaafka ah ka dhalatayna jidhka waa la sifayn. Halkaas caafimaad iyo laddnaansho ayaa uga bilaabmaya. Model kan laba shay ayaa wada socda karbohaydarayt ka oo aad loo yareeyo (<60gram maalintii) iyo barootiinka oo la kordhiyo si jidhku tamarta dheeraadka ah uga helo barootiinka. Way adagtahay in qofku sonkortiisa caadi ka dhigo isagoo aan miisaankana dhimin karbohaydarayt kana yarayn.

2.          Law calorie diet- 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨 𝐭𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐮 𝐤𝐮 𝐲𝐚𝐫 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲.

     Nidaam kani waxa ku talisay daraasad aad u balaadhan Diabetes Remission Clinical Trial (DiRECT) oo lagu eegayay saamaynta calorie-ga oo la dhimaa ku yeelan karto macaanka nooca labaad (T2DM). dadka daraaada ka qayb galay waxa loo qaybiyay laba kooxood. Koox qaadanayay cunto calorie-geedu aad u yar yahay 850 cal maalintii (caadi ahaan waxa layidhaahdaa raggu waxay u baahan yihiin 2500 calorie, dumarkuna 2000 calorie), iyo koox xadigoodii caadiga u ahaa qaadanayay. Shan bilood kadib ayaa dib loo qiimeeyay.  46% kuwii calorie ga yar qaadanayay macaankoodu waxa uu kusoo noqday heerkii caadiga ahaa oo way laddnaadeen (remission), halka 4% kooxdii kale ay muujiyeey waxoogaa horumar ah. dadka daraasada ka qayb galay celcelis ahaan miisaankoodu waxa uu ahaa 101 kg. faa’iidada ugu wayn waxa helay kuwii miisaanka ugu badan uu ka dhacay.

o   Mudadii daraasadu socotay, dadkii miisaan ku kordhay qofna wax kasoo rayn ah muu samayn (zero remission)
o   Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeyay 0-5kg, 7% ayaa ayaa ladnaaday “remission”
o   Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 5-10 kg, 34% ayaa macaankii la laddnaaday.
o   Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 10-15 kg, 57 % ayaa macaankii ka laddnaaday. 
o Dadkii uu ka dhacay miisaan ka badan 15 kg, 86% ayaa macaankii ka laddnaaday.

Laba sano kadib ayaa dadkii daraasada ka qayb galay qiimayn danbe lagu sameeyay waxaana la ogaaday in 70% dadkii ladnaaday (remission ka noqday) ay kusii jireeen oo sii xejisteen ladnaanshihii intoodii miisaan danbe iska ilaalisay. Dadka badan koodu waxay caqabad kala kulmeen in ay sidii loo jijdeeyay u raacaan cuntada. hadii miisaankii xad-dhaafka ahaa iyo cuntadii karbohaydarayt ka u badnayd qofku dib ugu noqdo, waxa suuro gal ah in uu macaankiina soo nqodo; taas ayaynaan u odhan karin qofku wuu bogsaday. Waxa jira bukaan macaan la nool oo tiro badan kuwaas oo miisaankoodu xad-dhaaf yahay (Body Mass Index ≥ 30 m2) oo cilado caafimaad darteed awoodi karin in ay miisaan wax ku ool dhimaan ayaa iyadoo loo eegayo hab-raacyada caalamiga ah waxa loo gudbiyaa qalliin caloosha lagu yareeyo oo miisaankana dhima. 

3.     Bariatric surgery- Qalliinada Miisaanka lagu dhimo ee caloosha yareeya.

American Diabetes Association waxay aqoonsatay in qaliinada caloosha lagu yareeyaa ay ka midyihiin wasiilooyinka miisaanka lagu dhimo ee macaankana lagaga ladnaan karo, gaar ahaad dadka Body mass index koodu aad u sareeyo. Sida ay xaqiijiyeen Ururka maraykan ee dersa qaliinada calool yaraynta (American Society of Metabolic and Bariatric surgery) 78% dadka lagu sameeyo qaliinka caloosha lagu yareeyaa way ka ladnaadan macaanka. Daraasad lagu sameeyay dalka Iswiidhan ayaa iyana ogaatay kadib markii ay qiimayn ku sameeyeen dad lagu sameeyay qaliinka caloosha laba sano kadib in ay 72 % wali kusii jireen ladnaanshihii, halka 30 % macaankii ka ladnaayeen shan iyo toban sano kadib qaliinkii. Sababta ugu wayn ee ladnaanshaha keentay, sida aynu soo carabownay, waa miisaan dhimid iyo cuntadii sonkortu ku badnayn oo qofka ku yaraata. Waa maxay sababta qalliinka calooshu miisaanka u yareeyo isla markaana u xakameeyo macaanka? waa su'aan u baahan in mar gaar ah loo ban baxo oo si qoto dheer looga jawaabo. Waxaase aan la filayn in qalliin caloosha iyo mindhicirka qayb lagu jaraa noqon karo maaraynta ugu danbaysa ee xakamaynta sonkorta. 

Gunaanadkii, macaanka nooca labaad waa laga ladnaan karaa iyadoo loo marayo saddexdaa dariiq ee aynu soo sharaxnay, waana fikrad la isku waafaqsan yahay. Waxaadse xasuusnaataa in hadii qofku dib ugu laabto dhaqankiisii hore ee cuntada, miisaankiina dib u fuulo, macaankii wuu soo noqonayaa. Ladnaanshuhu w
axa uu toos ugu xidhan yahay inta qofku miisaan rido iyo inta uu yareeyo karbohaydarayt-ka. Isagoo labadaasba aad u wanaajiyay ayay dhici karkaa in aanuu ladnaanshaha helin duruufo badan oo kale dartood.


References

Lean, M. E., Leslie, W. S., Barnes, A. C., Brosnahan, N., Thom, G., McCombie, L., Peters, C., Zhyzhneuskaya, S., Al-Mrabeh, A., Hollingsworth, K. G., Rodrigues, A. M., Rehackova, L., Adamson, A. J., Sniehotta, F. F., Mathers, J. C., Ross, H. M., McIlvenna, Y., Stefanetti, R., Trenell, M., Welsh, P., … Taylor, R. (2018). Primary care-led weight management for remission of type 2 diabetes (DiRECT): an open-label, cluster-randomised trial. Lancet (London, England)391(10120), 541–551. https://doi.org/10.1016/S0140-6736(17)33102-1

Feinman, R. D., Pogozelski, W. K., Astrup, A., Bernstein, R. K., Fine, E. J., Westman, E. C., Accurso, A., Frassetto, L., Gower, B. A., McFarlane, S. I., Nielsen, J. V., Krarup, T., Saslow, L., Roth, K. S., Vernon, M. C., Volek, J. S., Wilshire, G. B., Dahlqvist, A., Sundberg, R., Childers, A., … Worm, N. (2015). Dietary carbohydrate restriction as the first approach in diabetes management: critical review and evidence base. Nutrition (Burbank, Los Angeles County, Calif.)31(1), 1–13. https://doi.org/10.1016/j.nut.2014.06.011

Singh, A. K., Singh, R., & Kota, S. K. (2015). Bariatric surgery and diabetes remission: Who would have thought it?. Indian journal of endocrinology and metabolism19(5), 563–576. https://doi.org/10.4103/2230-8210.163113

Comments

Popular posts from this blog

From May-91 to Tolwaanaje 2: Somaliland at Critical Juncture

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"