Posts

Showing posts from May, 2020

Waa maxay Sababta Faytamiin-D Yaraantu ugu Badantay Dumarka, Sidee Ayaana Loo Saxi Karaa?

Image
Hordhac: Faytamiin-D waxa sameeya unugyada maqaarka iyagoo kaashanaya falaadhaha cadceeda. faytamiin-d gu waxa muhiim uu u yahay koritaanka iyo caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada; difaaca jidhku inuu iska caabiyo xannuunada ayaa iyana u baahan faytamiin D si uu shaqo fiican u qabto. Faytamiin D waxa u baahan unugyada maskaxda iyo dareen wadayaasha waxaanu ka qayb qaataa dheeli tirka dareenada kasoo fula maankeena. Waxa xaqiiqo ah in faytamiin-D gu inaga caawiyo iska caabiga qulubka, nafsad darrada, isku buuqa iyo werwerka. Waa walax aan sinaba looga maarmi karin oo xudub u ah dhinacyo badan oo caafimaadkeena ah. Daraasado lagu sameeyay Wadamada Iran, Saudi Arabia, iyo kuweit oo sadexduba ah wadamo muslim ah, dumarkoodu qaataan xijaab aad ugu dhow ka dumarkeenu qaataan, cadceeda ay helaana ay kaba kulushay ta wadankeena ka dhacda ayaa lagu ogaadhay in in kabadan boqolkiiba sideetan dumarku ay qabaan hoos u dhac wayn oo Vitamin-D ga ah. Wadanka Saudi-ga oo dhowr daraasado

Maxaa ka Jira in Tallaalka Qaaxadu (BCG) ka Hortagi karo oo Yarayn karo Halista Xannuunka COVID-19.

Image
Hordhac:    Xal u raadinta aafadan xannuunka COVID-19 ee aduunkii oo dhan saamaysay ayaa waxay soo noolaysay doodo facwayn oo ku saabsan tallaalka xannuunka qaaxada (tuberculosis) ee loo yaqaan Bacillus Calmette- Guerin (BCG). Cilmi-baadhiso da’wayn ayaa mudooyin hore tilmaamay in tallaalka qaaxadu leeyahay awood uu kaga hortegi karo xannuuno kale oo aan xidhiidh lalahayn qaadaxa; iyadoo taas la tixraacayo ayaa waxa xiligan la baadhayaa bal in tallaalkani covid-19 wax ka tari karo. Tallaalka qaaxada waxa sanadkii 1921, mudo hadda laga joogo hal qarni, hindisay laba saynis yahan oo faransiis ah oo lakala odhan jiray Albert Calmette iyo Camile Guerin. Tallaalka waxa laga sameeyay bakteeriyo nool laakiin laga saaray suntii ay xannuun ku dhalin lahayd (live attenuated vaccine) ; bakteriyada oo layidhaa Mycobacterium bovis ayaa asal ahaan waxay sababtaa qaaxada lo’da ku dhacda waxaanay xagga hidde-sidayaasha iska shabbahaan bakteeriyada xannuunka qaaxada ku keenta dadka ee Mycobac