Saamaynta korinta iyo tababariddu ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka "The behaviourist approach"


Behaviourist approach waa aragti ku saabsan habka dadka iyo xayawaankuba wax u bartaan. waxa keli ah ee ay daneysaa waa daraasadaynta hab-dhaqannada la arki karo lana qiyaasi karo (observable and measurable behaviour). Iskuma lurto baadhitaanka shaqooyinka iyo howlaha maskaxda qofka ka dhex socda iyo suuro galnimada saamayn maskaxdu ku yeelan karto hab-dhaqanka noolaha. Dariiqada behaviourism ku waxay soo ifbaxday bilowgii qarniga labaatanaan waana dariiqada aqoonta saykoolajiga ka dhigtay aqoon saynis ah oo waafaqsan shuruudaha lagu qiimeeyo saynisnimda aqoon kasta: mowduucinimo (objectivity) iyo in markasta tijaabada lagu celiyo ay soo saari karto natiijo isku mid ah (replication). Behaiourims waxay xoogeedii ka bilaaban tahay maraykanta, aqoonta saykoolajigana waxay hogaaminaysay mudo nus qarni ah oon lagula tartarin. Inkastoo tijaabadii ugu horeysay ee Behaviourist approach ku saabsan uu sameeyay saynisyahan ruush ah Ivan Pavlov ((1849–1936), hadana laba psychologist oo maraykan ah ayaa seeska u dhigan faracan saykolojiga ah oo kala ahaa John B. Watson (1878–1958) iyo B. F. Skinner (1904–1990).

Mr.Watson waxa uu dedafeeyay habkii Introspection ku u shaqayn jiray. Waxa uu yidhi Introspection waxa uu dhalaa afkaar iyo humaagyo tiro badan oo aan la qiyaasi karin, si isku mid ahna loowada fahmi karin, qof waliba si gaar ah ayuu mowjadaha maskaxdiisa ka socda u soo gudbiyaa taasina waxay keentay in halbeeg isku mid ah aan lawada saari karin, xeerar lagu wada dabaqona aan laga soo dhirin-dhirrin karin. Taasi bedelkeeda John B. Watson waxa uu ku dooday in laabka la isticmaalo, hab-dhaqanka noolaha la xakameeyo si loo qiyaasi karo falcelintooda, la isuna dhinac dhigi karo. Aqoonyahanka “Behaviourist approach” dhisay waxay aqoonsadeen laba dariiq oo muhiim ah oo wax loo barto: classical conditioning iyo operant conditioning.

Classical conditioning: 

waxa hindisay Ivan Pavlov oo ahaa saynisyahan ruush ah oo dersay aqoonta physiology-ga. Tijaabadiisu waxay ka koobnayd ey, dawan, cunto iyo dhareerin. Eyga waa la yara gaajaysiiyay, kadib waxa loo tumaa dawan, inyar kadibna waxa loosoo dhigaa cunto. Bilowgii, eygu dan kama galin dawanka ee marka cuntada loosoo dhigo ayuu dhareeriyaa; laakiin markii mudo ay tijaabadii socotay ayuu isku xidhay dananka dawanka iyo cuntada. Kadib isla marka dawanka la garaaco ayuu dhareeriyaa iyadoo aanay cuntadii wali soo gaadhin. Bal u fiirso, halkii cuntada iyo dhareerku isku xidhnaayeen, oo ah wax la filan karo, waxa isku xidhmay dawankii iyo dhareerkii eyga oo an falcelin aan la filayn. Marka tijaabada la sii furfuro, qaybta hore ee isku xidhnaanta cuntada iyo dhareerinta waxa la yidhaa “unconditioned response”; qaybta danbe ee ka dhalatay ku celcelinta tijaabada ee isku xidhay dananka dawanka iyo dhareerinta waxa loo bixiyay “conditioned response.” Pavlov waxa uu xaqiijiyay in eyga la qabadsiin karo (conditioned) in uu ku dhareeriyo dananka dawanka hadii marar badan la isu raaciyo cuntada iyo garaaca dawanka. Waanuu ku guulaystay. Classical conditioning waxay tilmaamaysaa in wax lagu baran karo isla xidhiidhinta fariimaha “learning by association.” Waxaad arkaysaa in sidii marwalba la isugu lammaanaynayay dananka dawanka iyo cuntada, in markii danbe danankii dawanku qaatay shaqadii cuntada ee ka dhareerinta eyga. Tajribadan Mr.Watson waxa uu u daliishaday aragtidiisa ah in qofkasta, bulshada uu doono haka yimaadee, lagu tababari karo loona qaabayn karo sidii lala rabo.

Operant conditioning

B.F skinner waxa uu aaminsanaa in “wax barashadu geedi socod firfircoon ay tahay oo qofka iyo xayawaankuba ay la fal galaan, waxna ku bartaan deegaankooda. Sidaa darteedna hab-dhaqanka/dabeecada noolaha waxa qaabeeya isla markaana joogteeya natiijada ka dhalan karta dhaqankiisa.” Tijaabadiisa ku saabsan waxbarashan waxa uu u bixiyay operant conditioning. Operant conditioning waxay ku shaqaysaa fikrad aad u fudud: ficilka soo jiita natiijo qofku jeclaysto (cawaaqib togan) ayay suuro gal tahay in qofka ama xayawaanku ku celceliyo. Marka cawaaqibta hab-dhaqanka la eegayo tijaabadan operant conditioning waxay leedhay saddex falcelinood midkood:

kow, “positive reinforcement”- waa natiijo ficilkiisa qofku sameeyay sii dhiiri gelinaysa. tusaale arday su’aal macalinku waydiiyay sifiican uga jawaabay kadibna si fiican loo ammaanay. Amaantu waa “positive reinforcement” waxaanay ardayga ku dhiiri gelinaysaa in uu su’aalaha danbena si fiican uga jawaabo. Negative reinforcement- oo ay natiijo qofka ama xayawaanka ku dhiiri gelisa in uu iska ilaaliyo ku celinta falka. Tusaale, arday ayaa shaqadii guriga ee loo diray wakhtigeedii ku keenay isagoo ka baqaya in fasalka lagu dhex fashiliyo ama shaqo dheeraad ah loo diro. Cawaaqib xun oo uu ka baqayo ayaa ku dhiiri gelisay in uu howshiisii ka soo baxo taasina waa “negative reinforcement.

Punishment”- waa cawaaqib aan la jeclaysan oo qofka ama xayawaanka ku dhiiri gelisa in aanu ficil loo diidan yahay samayn. Punishment waxay leedahay laba nooc positive punishment iyo negative punishment.

            A. Positive punishment: laba wiil oo aad dhashay ayaad kala kari wayday oo markasta way is dilayaan oo is afxumaynayaan. Waxaad tidhi markasta oo aad is dishaan ama is afxumaysaan waxaan kordhinayaan howsha aad guriga ka qabataan. Kadibna is ay isaga ilaaliyaan howshaa loo dirayo waxay joojiyeen is dilkii iyo is afxumayntii.

            B. Negative punishment: labadii wiil waxa umaad diran laakiin waxaad tidhi markasta oo aad is dishaan waxaan idinka qaadayaa ama idinka mamnuuci wax aad jeceshihiin, sida video gameka, ciyaaraha kale, ama waxyaalaha aan daruuriga ahayn ee lagu marxabaysiiyo caruurta, taasina waa negative punishment.

Dabcan saddexdaa arimood midkastaa waxay leedahay qaybo iyo tafaasiil aad u badan, guud ahaanse waxay sees cilmiyeed u noqotay dariiqada behaviorism ka ee saykolajiga. Behaviourism ka oo ay hormuud u John B. Watson iyo B F skinner waxay awood u yeesheen in ereybixintii iyo habkii cilmi-baadhista ee sayniska dabiiciga ahi adeegsan jiray ay ku dabaqaan saykoolajiga. Kadibna uu noqdo aqoon tijaabin, baadhid, iyo qiyaas qaadid sugan ku shaqaysa.

Marka aynu eegno sida fikradahaa ay tilmaanay loogu adeegsaday nolosha caadiga ah waxaynu arki in “operant conditioning” si baaxad leh loogu isticmaalay jeelaha iyo cusbitaalada dhimirka. Waxa loo yaqaan “token economy system” ee lagu abaabul kasaaro maxaabiista jeelashu waxa uu ku fadhiyaa “operant conditioning.” Sidoo kale “classical conditioning” iyana waxa loo adeegsaday dawaynta noocyo badan oo xanuunka foobiyada (phobias) ah. Ugu danbayn, waxa jira dhaliil loo jeediyo Behaviourism approach ka. Waxa lagu dhaliilayl in ay noolaha (dadka iyo xayawaanka) kasoo qaadeen mishiin aan dareen iyo rabitaan “free will” lahayn oo u hogaansan uun duruufaha deegaankiisa. Waxay iska indho tireen in nooluhu leeyahay aragti (insight), iyo garaad saamayn ku leh hab-dhaqankiisa.

Sidee Behaviorism ku u saameeyay nolosha bulshooyinka:

Waxaynu kasoo hadalnay fikradaha iyo tijaabooyinka sal dhigga u noqday dariiqada behaviourism ka. Qormadan waxaynu ku eegaynaa sida behaviourist approach u saameeyay nolosha dadka kontonnadii iyo ilaa maanta iyo qaybaha nolosha ee uu dhex xulay. Saddex degel oo waawayn ayuu behaviourism xoog ku leeyahay: ugu horreyn, waxbarashada iyo caafimaadka. iib geynta siiba xayaysiinta, iyo tababarka xayawaanka.

Waxbarashada waxa lagu dhisay behaviourism approach; Laga soo bilaabo xanaannada, saddexda marxalladood ee dugsiga ilaa heer jaamacdeed, nidaamka waxbarashadu waxa uu ku dhisan tahay skinnerian behaviourism. Sida ugu fudud ee loo qaabayn karo hab-dhaqanka ardaygu waa in laga falceliyo dhaqankiisa. Sida ugu degdega badan ee looga falceliyaana waa dhiiri-gelin maskaxeed, ammaanid, abaal marin muuqata-sida iyadoo lagu dhex guddoonsiiyo fasalka dhexdiisa-  iyo billadaha. Xattaa imtixaanadu waxay qayb ka yihiin operant conditioning. Si gaar ah waxa skinnerian behaviourism lagu tijaabiyay waxbarrida caruurta xaalada autism ka la nool iyadoo la adeegsanayo dariiqo loo qaabeeyay xasillinta, waxbaridda, iyo daba galka horumarka ay sameeyaan caruurta autism ka la nool. Dariiqadaa waxa loo bixiyay applied behavior analysis (ABA)”. Caruurta qaba xannuunka xasil la’aanta“attention deficit hyperactivity” ayaa iyagana lagu maareeyaa behaviourist approach.

Hadii aynu xasuusano, the behaviourist approach waxa uu aaminsan yahay in aynu dhalano inoo xaashi cad ah (tabula rasa); wax aqoon iyo khibrad ah toona wadan. Waxa aynu qormadii hore kusoo sheegnay in waxbarashadu ku timaad laba dariiq midkood uun: classical conditioning- oo wax lagu barto in xidhiidho la abuuro, iyo operant conditioning oo ah in wax kagu barto cawaaqibta ficilada (learning from consequences of our actions). Inagoo fikradaas ka duulayna ayaynu sharax kooban ka bixin doonaa laba ka mid ah hababka ugu fiican, ugu faa’iidada badan looguna kalsooni badan yahay ee lagu daweeyo khalkhallada saykoolajiga ee dadka ku dhaca. Waa “Aversion therapy” iyo “systematic desensitisation therapy”.

            1. Aversion therapy: 

Nidaamkani waxa sal u ah fikrada behaviourist ka ee odhanaysa dabeecad iyo hab-dhaqan oo waa la bartaa. Cabsida, qulubka, xasil la’aanta, khamriile nimada, isticmaalka daroogada, xakamayn la’aanta cadhada, farasaaridda qoyska; dhaqanadaas oo dhan qofku kuma soo dhasho ee waxay ka dhashaan la qabsi xumo, ama qalooc wax u barasho sidaa darteed waa in uu barto sidii dib ugu baran lahaa sida saxda ah (re-learning). Tusaale, qofka khamriilaha ah khamriga waxa uu u cabbaa waxa uu isku xidhay khamriga iyo raaxaysi. Markaa si uu u joojiyo waa in khamriga lagu lammaaneeyo natiijo xun oo uu iska ilaaliyo -sida in uu matago ama in lagu qabto koronto. (classical conditioning). Sidoo kale dowladaha qaar qofka khamriilaha noqda waxay ugu bedelaan dawooyin siiya deganaansho iyo dareen raaxo hadii uu khamriga iska daayo (positive reinforcement). Waxyaalaha khamriilenimada lagu daweeyo waxa ka mid ah koronto.  Filimo dhowr ah ayaa Aversion therapy laga metalay. Waxa ka mid ah filimka A Clockwork Orange ee uu sameeyay Stanley Kubrick’s. filimku waxa uu ku saabsan yahay nin dhalin yaro ah oo danbi galay ayay booliisku qabanayaan kadib waxay ku isticmaalayaan aversion therapy iyagoo adeegsanayo koronto,dhowr wiig kadibna waxay dib ugu celinayaa bulshada isagoo cunfigii nacay oo aan wax danbi gelayn. 

Daraasado dhowr ah ayaa sheegaya in Aversion therapy ay ka yara fiican tahay mudada dheer Couselling ka. Hasayeeshee, iinteeda ugu wayn waa dadka oo aan dhamaysan mudada daawaynta oo hore uga yaaca.  Waxa kale oo su’aal laga keenaa in aversion therapy lagu dawayn karo dadka dabaqadaha hoose iyo in la isku hallayn karo isbedel ay ku keento maxaabiista jeelasha ee danbiyada halista ah galay. Aqoonyahan badan ayaa aaminsan in lagu maarayn karo uun balwadaha iyo xannuunada maskaxda laakiin aanay lagu maarayn karin danbiya culus.  Behaviourist appraoch waxa kale oo lagu eedeeya in ay astaamaha guud ee xannuunka la tacaalaan laakiin aanay hoos ugu dhaadhicin sababta dhabta ah ee mushkilada. Ma baadhaan sababta keenta khamriilenimada, taasina waxy keentaa in qofku joojiyo khamriga oo uu bilaabo khamaarka. Waxa dhacaya xaalada ay u bixiyeen “symptom substitution,” mushkiladii way jirtaa laakiin waxa is bedelay uun astaantii guud. Lixdameeyadii qarnigii tegay waxa jirtay in dhakhtarada saykolajigu ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay aaminsanaayeen in homosexuality gu (ficilkii qawmu luud sameeya) khalkhal maskaxda kudhaca yahay; waxaana lagu dawayn jiray “aversion therapy,” si dhaqankaa qarriban looga daweeyo- 2006 dii uunbay ahayd markii ururka maraykanka ee saykolajigu aragtidoodii bedeleen.

            2. Systematic Desensitization: 

Xannuunada ay kamid yihiin fir ka naxa anxiety, cabsida “phobia” iyo “panic disorder” waxa lagu maareeyaa hab layidhaa “Systematic Desensitization” oo uu hindisay dhakhtar koonfur afrika u dhashay oo la odhan jiray Joseph Wolpeoo kuna salaysan tijaabooyinkii classical conditioning iyo operant conditioning oo la isku daray. Inkastoo hab kani u baahan tahay tababar aad u badan hadana wuu dhaliyaa natiijo fiican. Aragtida uu ka duulayaa waxay odhanaysaa “qofku waxa uu baran karaa in shayga uu ka baqayaa aanu ahaynba wax laga baqo” sida qof ka baqaa xayawaan sida caarada (Arachnophobia), ama waxu uu ka baqaa meelaha soo xidhan sida wiishka (Claustrophobia), ama waxa uu ka baqaa meelaha dadku ku badan yihiin ee lagu kulmo sida xafladaha (Agoraphobia). Cabsida noocan ah waxa lagu dawayn karaa in qofka la horkeeno waxa uu ka cabsanayo si talaabo talaabo ah taasi oo baqdintii ku bedeli doonta dareen cusub oo bilaa cabsi ah; yacni dabeecadii uu qabatimay mid ku caksi ah ayaa la qabatinsiinayaa (counter conditioning).  Dadka maaraynta noocan ah khibrada u leh waxay sameeyaan laba tallaabo. Marka koobad qofka isagoo deggan oo xaalad nasasho kujira ayaa lagu dhiiri geliyaa in uu ka fikiro oo maskaxdiisa ku sawiro wixii uu ka baqe-qabay. Marxalladaa waxa la yidhaa covert desensitisation. Marka labaad shaygii ama xaaladii uu ka baqayay ayaa la horkeenaa si uu u waajaho si isasoo taraysa. “In vivo desensitization” ayaa loo bixiyay marxalladanna. Daraasaduhu waxay xoojinayaan in in vivo desensitization ay ka natiijo fiican tahay covert desensitization, in labada la isku lamaaneeyona ay kaba sii fiican tahay.

Aqoonyahanka Saykoolajigu waxay tilmaamaan in systemic desensitisation aanuu ku habboonayn cabsiyaha qaarkood. Kuwa la yidhaa “evolutionary fears” ayaa ka mid ah dareennada baqasho ee ay adagtay in la suuliyo. Sidoo kale, xanuunnada Schizophrenia, mania, iyo depression ayaan iyagana lagu dawayn karin nidaamkan. Sababtu waxa weeye si systemic desensitisation u guulaysto waa in qofku marka hore ogolaansho bixin karo, in uu geedi socodka dawaynta ka qayb qaadan karo isagoo aan la qasbin, iyo in uu fahmi karo natiijada la rabo in la gaadho. Dadka xanuunada aynu soo xusnay qabaa waxay adagtay in ay saddexdaa arimoodba koobsadaan.

Waxa xusid mudan in behaviourism approach ay ka faa’iidaysteen shirkada sameeya algoritm ka ciyaaraha computer games, khamaarka iyo xayaysiiska. Sanadkii 2008 ayaa cilmi-baadhe layidhaa David Wong waxa uu sameeyay daraasad uu u bixiyay 5 Creepy ways video games are trying to get you addicted, doodiisa oo uu ku xoojiyay tusaaleyaal aad u tiro badan waxa weeye in aqlabiyada video games ay adeegsadaan skinnerian behaviourism, oo da’yarta maskaxdooda ku daba positive reinforcement heersare loo qaabeeyay.

Dhaliilaha lagu duray Behaviourist Approach.

Qormadan waxaynu ku soo qaadanaynaa sidex ka mid ah duritaannada tirada badan ee lagu ganay the Behaviourist approach. Ujeedadu waa in aynu isla fahano halka aragtidani ku wiiqantay ee aragtida ku xigtaana ka karaar qaadato. Waxaynu soo sheegnay in Behaviourism ku seeska u dhigay aqoonta saykoolajiga, hasayeeshee, xiliyadan danbe saamayntiisu hoos ayay u dhacday. Degelo kooban mooyee cilmi-baadhiso badan masoo baxaan, xiisihii loo hayayna aad ayuu u gudhay. Waxa jabadkiisii ka biqlay laba laamood oo cusub:

            1. Deegaanka iyo dadnimada kee xoog badan?.

The behaviourist approach waxay si xad-dhaaf ah muhiimad u siiyaan deegaanka qofka ku xeeran iyagoo u arka in deegaanku yahay shayga keliya  ah hab-dhaqanka iyo babeecada qofka. Qoladan behaviourists layidhaa waxay awoodi karin waayeen in ay ku xisaabtamaan saamaynta hidde-sidayaashu ku yeelan karaan hab-dhaqanka qofka iyo dabeecadiisa, iyo xattaa garaadkiisa. Hadii tababarrida iyo wax baridu ay yihiin waxa keli ah ee shakhsiyada qofka qaabeeya, qofkastaa dhakhtar, Injineer ama baylood ayuu noqon lahaa; laakiin qofnimadeena iyo awoodaheena shakhsi waxa sargooya awoodo tiro badan, qaar deegaanku keeno iyo kuwo gudaheena kasoo fufa. Dhiiri gelinta, xaadifadda qofka, xamilka uu u leeyahay maaraynta caqabadaha, awooda uu u leeyahay kasoo kabashada niyad jabka iyo qaar kale ayaa qayb wayn ka qaata, hab-dhaqanka kama danbaysta ah ee qofka. Behaviourirst arimahaas oo dhan may garowsan ee indhaha ayay ka laliyeen.

            2. Ma xorbaynu nahay mise waynu xukumanahay?.

Determinism (العقيدة الجبرية) waa caqiido odhanaysa dhadmaan dhacdooyinka nolosha, oo ay ugu horeeyaan falalka inaga soo fula, waxa go’aamiyay awood inaga baxsan oo shaqo kuma laha go’aano aynu qaadanay. Waxay leeyihiin qofku wuu ku qasban yahay inuu raaco dariiq hore loogu sii jeexay oo aanu ka leexan karin, mana laha awood u gaar ah oo uu ku bedeli karo masiirkaas loosii asteeyay. Hadaba, behaviourist approach waxa lagu eedeeyay in ay caqiidadan si dadban ayay u aqbaleen mar haday yidhaahdeen hab-dhaqanka qofka waxa keliya ee saameeyaa waa abaalmarin uu rajaynayo ama ciqaab uu ka digtoon yahay (operant conditioning). Kuwa aaminsan caqiidada Determinism ku kuma xisaabtamaan fikirka iyo gorfaynta maskaxda qofka ka dhex dhacda inta aanu fal ku tallaabsan, waxaanay ku adkaystaan in qofku aanu go’aan qaadan ee keliya uu raaco waxa deegaanku u jideeyo. Taasina waxay ka hor imanaysaa xaqiiqada ah in qofku doorasho xor ah leeyahay. Waxay jidaynaysaa in la yidhaa qofka kama masaarna mas’uuliyad akhlaaqeed iyo mid sharci toona ficilkiisa, iyo hab-dhaqankiisa. Arin khatar ah ayaa aragtidan ka dhalan karta oo in qof denbi galay aan loo ciqaabi karin marhadii aanu go’aan xor ah lahayn (free will).


            3. Dadka iyo Dugaaga keebay ku habboon tahay?

Waxaynu xasuusanahay in tijaabooyinkii lagu saleeyay aragtida behaviourism ka lagu sameeyay xayawaan, sida cilmi-baadhistii Pavlov iyo Skinner. Tijaabooyinka systemic desensitization ee uu sameeyay saykolajistkii reer koonfur Afrika (Wolpe ) iyana waxay ku bilaabantay xayawaan- bisado ayuu cabsi ku abuuray kadibna ka saaray isagoo adeegsanaya danabka kooraanka iyo cunto. Dadka aragtidan naqdiya waxay leeyihiin, tijaabooyinkan lagu sameeyay xayawaanka laguma dabaqi karo dadka, hadii lagu dabaqona natiijo isku mid ah ma keenaan. Waxay tusaale usoo qaataan Dr Wolpe laftiisa oo is yidhi tijaabadii uu bisada ku sameeyay natiijadeedii ku dawee gabadh cabsi xad-dhaaf ah ka qabtay ninkeeda, oo ku fashilmay in uu sidii uu bisada u daweeyay, gabadhana u daweeyo. Sidaa darteed, waxa la odhan karaa aragtida behaniourist approach inkastoo horumar fiican ay ka samaysay dhina tababarka xayawaanka, sida ayda booliiska, fardaha, iyo shimbiraha; laguna dabaqay ciyaaraha (video games), bakhtiyaa nasiibka, iyo khamaarka, laguma aamini karo in lagu bedelo dabeecadaha kakan ee bani’aadamka ee u baahan in la isla falgeliyo dhinacyo badan oo shakhsiyada qofka ah. 

Dhaliilaha loo jeediyay dariiqada dhaqanka iyo baceecada qofka daraasadaysa ee Behaviourist Approach oo ah kuwo qoto dheer dood aad u badanna ay ka dhalatay, waxa ka soo biqlay aragti kale ay falkiyeen aqoonyahan saykoolajiga ku xeer dheer. Si ay uga gudbaan caqabadihii sida adag uga hor yimid The behaviourist approach, waxay hindiseen The conginitve approach

Comments

Popular posts from this blog

From May-91 to Tolwaanaje 2: Somaliland at Critical Juncture

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"