Posts

Showing posts from May, 2019

Ramadaanta iyo Xannuunka Macaanka: Barakada soonka iyo Badbaadada nafta.

Maalmo kooban ayaa inaga xigta bishii barakaysnayd ee ramadaan. Dad badan oo la nool xannuunka Macaanka ama Sonkorow-ga ayaa jecel in ay soomaan bishan barakaysan oo ay ajarkeeda iyo naxariista ilaahay ku guulaystaan. Hasayeeshee xannuunka Macaanku waa xannuun la xidhiidha sonkorta jidhka oo uu miisaankii ka lumay. Uma jeedno in aan xannuunkan iyo sababihiisa ka sheekayno, laakiin waxaan dadka macaanka qaba la wadaagayaa tallooyin ka caawin kara in ay si fiican u fahmaan xannunka, ka dibna ay go’aan fiican qaataan: In ay soomaan ama ay iska dhaafaan. Marka hore aan fahano saamaynta soonku ku yeesho jidhka qofka Macaanka qaba. Khataraha ka dhalan kara soonka waxa ugu muhiimsan oo aynu halkan kusoo koobi doonaa afarta ugu waawayn. 1. In sonkortu aad kor ugu kacdo xiliga qofku uu soomanyahay ( Hyperglycaemia) 2. In sonkortu si aad u khatar ah ay hoos ugu dhacdo (Hypoglycaemia) 3. Xaalad loo yaqaan keto-acedosis oo ah in dhiiga qofka aysiidh ku samaysanto (Ketoacedos

Xoqado Xannuunka iyo Maarayntooda

Qaybta 2 aad Qalliinka Xoqadaha:      Dad badan oo ama iyagu qaba xannuunka Xoqadaha, ama cid ka tirsan ehelkoodu ay qabto ayaan xog fiican ka hayn Marka ay tahay in qaliin lagu sameeyo Xoqadaha oo la jaro. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in wax looga iftiimiyo sida Qaliinkaas loo sameeyo, Qaliinku se ma u bogsiin doonaa Xoqado xannuunka si dhamaystiran. Su’aalahan ayaan kaga jawaabi doonaa qormadan saddexaad ee kusaabsan Xoqado-xannuunka iyo Maarayntooda.   Goorma ayaa Qalliin lagu jari karaa Xoqadaha? Qalliinka lagu jaro Xoqadaha waxa loo yaqaan Tonsillectomy. Inkastoo qaliinkan samayntiisu hoos u dhacay labaatankii sano ee u danbeeyay hadana wali waa mid ka midd ah tobanka qaliin ee ugu badan ee la sameeyo dunida. Sababaha Qaliinka Xoqodaha loo samayn karo waxa ugu muhiimsan oo la isku raacsan yahay kuwan hoos aanku xusay:   1.       Xoqado-xannuunku in uu qofka awood darro gaadhsiiyo (disabling and disturb normal physical functioning) oo ay qofka ka horjoogsadaan nolol

Xoqado Xannuunka iyo Maarayntooda:

Image
Qaybta 1aad Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada. Ilaa hada lama hubo shaqada dhabta ah ee ay qabtaan, laakiin marka ilmuhu gaadho toban sanno labadan qanjidh way dhadhaan (atrophy) wixii intaa ka danbeeyana lama dareemo hadii aanay bukoon. Xannuunka ku dhaca labadaa qanjidh, oo inta badan infakshan uu Fayras ama bakteeriyo keento ah, waxaa la yidhaahdaa Tonsillitis. Waxa jira xannuuno kale oo Xoqado-xannuunka ka duwan laakiin lagu qaldi karo; sida infakshan ku dhaca dalqada ( Pharyngitis) oo ah barta ay ku kala baydhaan hunguriga iyo qasabada hawo mareenku. Sidoo kale waxa infakshan ku dhici karaa bilowga qasabada hawada oo loo yaqaan Laryngitis. Maxaa keena Xoqado xannuunka? Xoqado xannuunku wuxuu ku badan yahay caruurta iyo da’yarta ilaa labaatan jirka ah. Sababta ugu badan ee xannuunkan keentaa waa Virus. badanaa uma baahna in dhakhtar lala xidhiidho oo dawo loo qaato. Xannuunku wuxuu ku tagaa ugu badnaa afar maalmaad.  Sababta labaad ee Xoqado-Xannuunka keentaa waa Bak

Antibiotic: Isku Dawee, Ha Isku Dilin

     Waxay ahayd 1928 kii markii   Sir Alexander Flemming si nasiib ah u sahamiyay Penicillin-ta oo ahayd hordhacii Daawooyinka loo yaqaan Antibiotic-ga. Waxay ahayd dhacdo xiiso badan laakin aanan halkan kaga warami karin. waxay qaadatay 12 sanno in la adeegsaddo antibiotic-ga. Caqabada ugu wayn ee hor taagnayd in si fiican wax loogu daweeyo waxay   ahayd iyadoo aany jirin hab suuro geliya in si baaxad leh oo suuqa gelin karta loosoo saaro, sababta oo ah tiknoolajiga iyo horumarka wershadaynta oon halkaas gaadhin xiligaas.      Bishii August 1940 kii ayaa 10 kii qof ee ugu horeeyay lagu tijaabiyay dawada Penicillin. Wakhtigaas laga soo bilaabo ilaa maanta Antibiotic-ga waa nooc ka mid ah daawooyinka ugu muhiimsan ee maanta aynu haysano si aynu ugu babacdhigno   xanuunada faafa ee ay sababaan Ili-maqabatayga Bakteeriyadu ( Bacteria).        Antibiotic-ga waxaa lagasoo dhalaaliyay Bakteeriyada lafteeda, waxay ahaayeen maadado marka horeba kudhex kaydsanaa ayna adeegsan jirtay