Posts

Showing posts from March, 2021

Kacdoon: xaqiijinta yool aan guuro gal ahayn- "Guusha halganka waxa horseeda hogaamiyaha"

Image
Waxa la yidhaa “Siyaasadu waa fanka ka dhabaynta yool suuro gal ah”, inaguna waxaynu odhan karnaa “Kacdoonku (revolution/ الثورة) waa fanka ka dhabaynta yool aan suurto gal ahayn”sababtu waxa weeye aminta kacdoonku ma aha amin caadi ah oo lagu dabaqi karo xeerarka siyaasada caadiga ah. Waa amin uu furka tuuro fulkaano; waa ammin dabarka ka jarta tamar aan fakateen hadii aan kacdoon jirin. Waa ammin diirisa hanka iyo halyaynimada geesiga si aan dhacdeen hadii aanu kacdoon jirin . Waa ammin bulshada kasoo dhalaalisa astaamaha ugu bilan, ugu boqran uguna bilicsan.    Qore: Maxamed Mukhtar Alshanqiti Turjume: Dr Abdikarim D Hassan Kacdoonku waxa uu u baahan yahay dareen istiraatijiyadeed iyo qorshayn sugan. Waxa uu u baahan yahay hilaadin siyaasadeed; waxay intaasba kala mid tahay yool kasta oo siyaasadeed. Laakiin shayga kacdoon ugu baahi badan yahay waa niyad adayg, rabitaan aan la loodin karin, iyo in iimaan dhidban loo yeesho xaqnimada qadiyada loo halgamayo; in lagu dheganaado gaadh