Posts

Showing posts from October, 2020

Maxaad ka taqaan Dhambaal-laliye yaasha Jidhka?

Image
Hay’ada jidhkeena u qaabilsan maamulka iyo maarayntu waa qaybta Nervous system-ka. Shaqada hay’adani waxay ku soo ururaysaa saddex adeeg oo isku xidhan; midd koodna la’aantiis shaqadoodu aanay suuro gelayn. Saddexdaa adeeg waxay kala yihiin:   Adeega xog keenida (sensory input). Adeegan waxa qaabilsan unugyo layidhaa “sensory nerves” oo ku xeel dheer sida xattaa inta ugu yar ee macluumaad ah looga soo ururiyo deegaanka inagu xeeran. Waxkasta oo dareemayaashaadu la falgalaan, wax kasta oo kugu xeeran, wax kasta oo deegaanka iska bedela, iyo isbedelada ka dhex socda xubnaha kala duwan ee jidhkaaga gudihiisa ayay si aan daal lahayn usoo ururiyaan. Adeega fasiraada, isku duba-ridka iyo kala naqaynta xogta (Integration and analysis of data). Adeegan waxa qaabilsan qaybaha sare ee “Nervous System” oo ka kooban maskaxda iyo xangulaha. Adeega fariin dirida (motor output), marka xogtii lasoo ururiyo, la kala naqeeyo, lana gorfeeyo ayaa waxa la diraa jawaab ka falcelinaysa xogtii la helay, taasn