Maxaa Qofkasta oo cabasho goob caafimaad u taga Tayfoodh looga helaa?
Xannuunka tayfoodhka waxa sababta jilib hoose oo layidhaa reer Salmonella typhi oo ku abtirsada reerka balaahdan ee bakteeriyo Salmonella Enterica. U fiirso oo Bakteeriyadu waxay kala leedahay reero waawayn, jilibo, iyo laamo hoose!!.
Inkastoo dhakhtaradu uun kala yaqaaniin, hadana xannuunka tayfoodhku waa laba nooc oo ay ukala sabab yihiin laba Bakteeriyo oo isku reer ah laakiin kala jilib ah. Labada nooc astaamo xanuun oo badan ayay wadaagaan laakiin way kala khatarsan yihiin. Maqaalkan kooban kusii dhex gelimayno labadaas nooc wada ay ku kala duwan yihiin. Magacay tayfoodh (typhoid) waxa uu ka yimid kelmada Typhus oo giriig ah, micnadeeduna yahay qiiq. Qarniyadii dhexe oo xannuunkani reer Yurub gumaaday ayaa waxay aaminsanaayeen in uu ka dhasho qiiqo samada kasoo dega oo sun xanbaarsan. Waxa kale oo uu leeyahay magac kale oo ah Enteric fever.
Xannuunkan Tayfoodhku waxa uu ku dhacaa uun dadka, noole kale oo uu ku dhacay lama sheegin. In badan oo dadka uu ku dhacay ah, marka ay ka bogsadaan astaamaha xannuunka, jeermiska bakteeriyadu waxa uu kusii jiri karaa mindhicirkooda waxaanay noqdaan jeermis sidayaal, bakteeriyadu saxaradooda soo raaco siina faafiya. Sidaa darteed, dadka caafimaadka qaba waxay xannuunka ka qaadaan cunto iyo cabitaan uu sameeyay qof mindhicirka ku sida barteeriyada xannuunka keenta, nadaafadiisuna liidato. Xannuunku waa uu ka dhalan karaa oo kale biyaha la cabo oo ay isku darsamaan dhuumaha saxarada qaada.
Waxa jira gobolo aduunka ah oo xannuunkani degashaday. Wadamada Hindiya, Bangaladeesh, Bakistaan, Filibiin ayaa ah meelaha ugu badan ee xannuunkani biyo dhigay; Afrikada saxaraha ka hoosaysa ayaa kusoo xigta. Labadaas gobol waxay wadaagaan bulsho badnaan, dhaqaale yar, nadaafad xumo iyo wacyiga caafimaad ee bulshooyinkooda oo hooseeya. Markasta oo dadku biyo nadiif ah helaan, nadaafada cunto karinta iyo diyaarintana kor loo qaado, xannuunka tayfoodhku wuu yaraadaa. Tayfoodhku waxa uu qarxaa xiliyada cadceedu kululaato, hawaduna qalalantay, ama xiliyada roobabka hadii daadadku isku daraan bulaacadaha qashinka qaada iyo ceelasha laga cabo. Labadaas arimood oo caawiya taranka bakteeriyada.
Guud ahaan xanuunka Tayfoodh waxa uu maraa afar marxalladood oo isu gayntoodu noqon karto ilaa afar todobaad waa hadii aan la dawayne. Marxallad kasta waxa lagu qiyaasaa inay gaadhi karto hal todobaad mase aha mudo ay qasabtahay in qofkastaa maro. Astaamaha xannuunku way badan yihiin, waxaaba suuro gal ah in laba qof oo xanuunku wada hayo midba astaamo gaar ahi ku xoogaystaan, hasayeeshee, waxay u badan yihiin kuwan:
Xumad ( ≥40°C) si joogto ah wakhtiga ula korodha, maalintiina ugu daran. Qufac qalalan, garaaca wadnaha oo hoos u dhaca, madax-xanuun, jidhka oo dhan, gaar ahaan xaglaha iyo muruqyada oo kaara, sanboor, uur ku jirta oo xannuunta. Marxalladan hadii qofka dhiig laga qaado waxa dhiigiisa laga helayaa bakteeriyada xannuunka keenta, laakiin shaybaadhka Widal test waxa inta badan uu noqdaa nagatif.
Hadii la dawayn waayo xanuunkani waxa uu keenaa dhibaatooyin halis gelin kara nolosha qofka. Waxa dhici kara dibiro xad-dhaaf ah, axalo aad u qadhmuun oo mararka qaar shuban iyo dhiig la socdaan, iyo ugu danbayn mindhicirka oo dalooshama (intestinal perforation). Qofku waxa uu u dhintaa hadii aan la dawayn wadnaha oo istaaga, dhiig bax ka yimaada mindhicirka oo dalooshama, sunta bakteeriyada oo maskaxda gaadha (encephalitis) kadibna keena miyir doorsoon ama miyir beel.
Warka fiican waxa weeye xanuunkan dawayn la hubo ayaa loo hayaa; waanay yartay cid wakhti xaadirkan tayfoodh u dhimataa. Mushkilada aynu halkan kaga hadlaynaa ma’aha in tayfoodh loo dhinto, waxa weeye in dad badan oo aan tayfoodh qabin laga daweeyo tayfoodh.
Tayfoodhka sida saxda ah ee loo shaybaadhaa waa in marka hore qofka laga waraysto astaamahiisa oo laga bogto. Kadibna laga qaado shaybaadh. Shaybaadhka ugu saxsan ee qofka lagu ogaan karo in uu xanuunkani hayo waa in laga qaado dhiig ama saxaro oo la beero. Kadibna si toos ah inta mikrastoobka la hoos dhito la raadiyo in la arko bakteeriyada Salmonella kujirto iyo inkale. Sida saxda ah ee Tayfoodh loo baadhaa waa sidaa. Inta shaybaadhku soo baxayo, oo inta badan ugu yaraan sadex cisho qaadata, qofka waxa loosii bilaabi karaa dawada hadii lagu arko astaamo si wayn u tilmaamaha tayfoodh.
Waxa dhacda arin taas ku caksi ah oo imika dhaqan noqotay. Shaybaadh yar oo la yidhaa Widal test oo samayntiisu aad u fududahay, aad u jabantahay, degdegna loo helo jawaabtiisa ayaa waxa uu yaalaa qol kasta oo dhakhtar fadhiisto, farmasi kasta, xarun kasta oo adeeg caafimaad bixisa. Waa shaybaadh fudud oo inta badan dad goobahaas samaystay lacag ka sameeyaan. Widal test waxa hindisay sanadkii 1896, Georges-Fernand Widal. Shaybaadhku waxa uu ku salaysan yahay laba ka mid ah barootiinada bakteriyada (H iyo O) oo lala falgeliyo barootiinada difaaca jidhka. Marka barootiinada bakteriyadu ka samaysan tahay qaarkood ay la kulmaan barootiinada difaaca jidhku ku howl-galo (antibodies) waxay sameeyaan guntimo lagu arki karo wayneeyaha (microscope).
Hasayeeshee, shaybaadhkan isku halayntiisu aad ayay u hoosaysaa waxaana jira duruufo aad u tiro badan oo saameeya saxsanaantiisa.
Cilmi-baadhis 2018 lagu sameeyay Daarasalaam, Tanzania, ayaa lagu baadhay 158 qof oo da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 82 sano. Dadkaas oo looga shakiyay inay tayfoodh qabaa ayaa waxa lagu baadhay sadex shaybaadh. Kow, waxax laga qaaday dhiig iyo saxaro si loo beero loogana eegno in laga helo bakteeriyda keenta tayfoodhka. Marka labaadna waxa laga qaaday shaybaadhkan Widal test. Bal u fiirso, tobankii qof ee Widal test laga qaaday ee uu sheegay in ay tayfoodh qabaanba, hal qof ayaa dhiigiisa ama saxaradiisa laga helay bakteeriyadii oo xaqiiq noqday (Actual prevalence 10.1%). Taasi waa fashil wayn oo shaybaadhkan lagu arkay. Waxa natiijada cilmi-baadhistan la mid ah daraasad kale oo lagu sameeyay dalka Camaroon sanadkii 2014. Cilmi-baadhistaasi waxay ku talisay in aan shaybaadhka Widal test kelidii lagu baadhin tayfoodhka, gaar ahaan wadamada xanuunku degaanka ku yahay, hadii qofku buka aan lagu arag astaama waawayn ee xanuunka oo aanuu baahnayn daryeel degdeg ah.
Cilmi-baadhis kale oo algu sameeyay hindiya sanadkii 2014 iyadoo adeegsatay 100 caruur ah oo xumadaysan ayaa iyana ku soo gebo gebaysay in Widal test aanu lahayn isku hallayn buuran oo lagu kala sooco caruurta xumadaysan ee tayfoodh hayo iyo kuwa xumadaysan ee xanuun kale hayo. In si aad u balaadhan loo adeegsado Widal test waxay keentay in dad badan oo aan tayfoodh qabin lagu sheego inay tayfoodh qabaan oo antibayootig aanay u baahnayn la siiyo. Taasina ay kordhiso faafitaanka dawooyinka antibiotic-ga iyo hoos u dhac ku yimid wax tarkoodii kadib markii dad badan jidhkoodu la qabsaday.
Maqaal cilmiyeed (Enteric Fever Diagnosis: Current Challenges and Future Directions) oo lagu faafiyay April 2021, mareegta magaca wayn ee Pathogens oo hoostimaada mareeg aqoonneedada MPDI ayaa waxay is dhinac dhigayaa dhammaan shaybaadhada kala duwan ee lagu baadho xannuunada tayfoodh ka. Qorayaashu waxay xoojiyeen in shaybaadhka ugu habboon ee lagu ogaado tayfoodh in uu yahay dhuuxa ama dhiiga oo la beero (marrow or blood culture) hasayeeshee, labaduba waxay u baahan yihiin qalab casri ah, xirfad aad u saraya, waxayna qaataan wakhti dheer. Waxa kusoo xiga saxarada oo ah midda ugu habboon, gaar ahaan wadamada faqiirka ah.
Shaybaadhka Widel test, laba arimood ayaa lagu kordhin karaa hubaalnimadiisa ayay yidhaadeen. In laba jeer la sameeyo. Marka hore ee qofku astaamaha xannuunka lasoo dhaco walina loo bilaabin dawooyinka; marka labaadna waa marka qofku galo bogsashada oo noqon karta toban maalmood dabadood, si loo eego in korodh kuyimid barootiinada difaaca jidhka. Korodhkaas oo tilmaan u ah in qofku tayfoodh qaaday. Waxa kale oo la samayn karaa si hubaalnimada shaybaadhkan loo fiicnaysiiyo in wadankastaa qiyaaso degaankiisa iyo dadkiisa ku salaysan samaysto (country wide cutoff ranges) oo dhamaan shaybaadhaduna qiyaasaha wadanka raacaan. Nasiir daro arintan labaad uma suuro gelin wadamo badan oo dunida sadexaad ah.
Gebagebada maqaalku waxa uu leeyahay, waxa la gaadhay xiligii la raadin lahaa shaybaadho isku halayntoodu sarayso, degdeg ah, qiimo jaban, si fududna shaqaalaha loogu tababari karo oo bedela shaybaadhka gaboobay ee Widal test.
Cilmi-baadhis kale oo WHO ay ku faafisay mareegteeda February 2011 (Sensitivity and specificity of typhoid fever rapid antibody tests for laboratory diagnosis at two sub-Saharan African sites), oo lagu sameeyay Koonfur Afrika iyo Tanzaaniya ayaa isku dhererisay afar ka midd ah shaybaadhada degdega ah ee lagu baadho tayfoodhka iyadoo is dhinac dhigaysa laba arimood oo kala ah sensitivity iyo specificity. Daraasada oo aad u tafaasiil badan, waxa gunaanadkeedu yahay “Widal test hubaalnimadiisu aad ayay u hoosaysaa marka la dhinac dhigo dhiiga iyo saxadrada, sidaa darteed waa in aan la adeegsan duruufaha degdeg ah mooyee, sida marka tayfoodh uu noqdo saf mar dad badan saameeya oo ay sarayso fursada in qofka tayfoodhka qabo”. Mar hadii aanay jirin xaalad degdeg ahi isla markaana qofku aanu ku sugnayn xannuun khatar ah waa in baadhitaankiisa lagu bilaabo beerida saxarada”.
Hay'ada CDC (Centre for Diease Control and Prevention) oo ah hay'ada maraykanka u qaabilsan ka hortaga xannuunadu waxay ku talinaysaa in in tayfood lagu shaybaadho dhiiga iyo saxarada isla markaana shaybaadhka widel test aan la isku halayn karin waayo awood umalaha inuu kala saaro qof tayfoodh hada u buka, mid hore u qaaday oo ka boqsaday iyo mid tallaal qaatay oo dhiigiisa uu ku jiro. Marhadii aanuu jirin shaybaadh degdeg ah oo hubaalnimadiisu sarayso oo lagu baadho tayfoodhka, waa in dhakhtarku culaysta saaro in uu qofka ka qaado waraysi balaadhan isla markaana waa in uu ku go'aan qaado astaamaha xanuun ee qofka ka muuqda.
Ugu danbayn, daraasadaha shaybaadhkan laga sameeyay aad ayay u badan yihiin oo halkan laguma soo koobi karo; biyo kama dhibcaankuna waa in shaybaadhkani yahay mid yool habaabin kara dawada qofka. Inaga, si xad-dhaaf ah ayaa wadanka loogu sameeyaa. waxa jira dhakhtaro qof kasta oo usoo gala shaybaadhkan ka qaada xataa qofka oo aan tayfoodhba ka caban oo markiiba antibiotic gadhka u geliya. dhaqanka noocaas ah waxa uu keenay dhibaatooyin caafimaad oo badan waana in nidaamka caafimaadku dib u eego. Bal hadaba, imika ma fahantay sababta qofkasta ood taqaan tayfoodh looga helo sida durayga, mararka qaar sanadkii dhowr jeer!!!.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.