Posts

Showing posts from October, 2021

Sanadkan iyo Nobel prize ka Physics ka: Mustaqbalka Caalamka iyo is dhex-galka Sayniska, Siyaasada iyo Dhaqaalaha

Image
Todobaadkan waxa lagu dhawaaqay abaal marinta faca wayn ee Nobel oo Royal Swedish Academy of Sciences ay sanad kasta guddoonsiiso aqoonyahanka ay u arkaan in ay a kusoo kordhiyeen aqoonta bani'aadamka. Sanadkan waxa xiise gaar ah leh qaybta physics ka oo la wada gudoonsiiyay saddex saynisyahan oo kasoo kala jeeda saddex wadan: Syukuro Manabe (Japan), Klaus Hasselmann (Germany) iyo Giorgio Parisi (Italy). Marka hore aynu eegno saddexda nin aqoontooda iyo taariikhda ay lasoo mareen cilmaadhista ku saabsan physics ka iyo cimilada. Ka dibna waxynu yara guud mari afkaarta aasaasiga ah ee daraasadahoodu ku kala duwan yihiin. Dr. Klaus Hasselmann waa 89 jir, konton sano ayuu ka shaqaynayay cilmiga badaha iyo qaabayta mowjaha badda (oceanographer/ waves modeller). Waxa uu wali ka shaqeeyaa Max Planck Institute for Meteorology, kuyaal Jarmalka. Sanadkii 1970 waxa uu xubin ka ahaa koox saynisyahano ah oo Eurpean space agency u xilsaartay in ay curiyaan hab hawada sare lagaga soo sahamiyo