Sanadkan iyo Nobel prize ka Physics ka: Mustaqbalka Caalamka iyo is dhex-galka Sayniska, Siyaasada iyo Dhaqaalaha


  • Todobaadkan waxa lagu dhawaaqay abaal marinta faca wayn ee Nobel oo Royal Swedish Academy of Sciences ay sanad kasta guddoonsiiso aqoonyahanka ay u arkaan in ay a kusoo kordhiyeen aqoonta bani'aadamka. Sanadkan waxa xiise gaar ah leh qaybta physics ka oo la wada gudoonsiiyay saddex saynisyahan oo kasoo kala jeeda saddex wadan: Syukuro Manabe (Japan), Klaus Hasselmann (Germany) iyo Giorgio Parisi (Italy). Marka hore aynu eegno saddexda nin aqoontooda iyo taariikhda ay lasoo mareen cilmaadhista ku saabsan physics ka iyo cimilada. Ka dibna waxynu yara guud mari afkaarta aasaasiga ah ee daraasadahoodu ku kala duwan yihiin.

Dr. Klaus Hasselmann waa 89 jir, konton sano ayuu ka shaqaynayay cilmiga badaha iyo qaabayta mowjaha badda (oceanographer/ waves modeller). Waxa uu wali ka shaqeeyaa Max Planck Institute for Meteorology, kuyaal Jarmalka. Sanadkii 1970 waxa uu xubin ka ahaa koox saynisyahano ah oo Eurpean space agency u xilsaartay in ay curiyaan hab hawada sare lagaga soo sahamiyo isbedel-cimileedyada dhulka ka dhacaya. Mashruucaasi iyo aqoontii kooxdaasi curisay waxa ka dhashay Mashruuca Yurub dhulka kasoo sahamiya hawada sare.
Dr. Hasselmann waxa uu soo kordhiyay hab lagu sawiro mowjadaha badaha sawir saddex xaglood ah (3D modelling) iyadoo la adeegsanayo raadaarada abuura muuqaalada sadex xagloodka ah "synthetic aperture radar (SAR) imaging." farsamadan uu hindisay waa farsamada ay hadda adeegsadaan satellite ya lagu sahamiyo isbedelka cimilada ee sida gaarka ah u cabira ulana socda isbedelka mowjadaha badaha waawayn, nabaad-guurka ciida, socodka daruuraha, cufnaanta kaymaha waawayn; isbedelka ku dhaca socodka wabiyahada, fatahaadaha, dhul-gariirrada iyo burburka iyo milanka barafka labada cidhif ee dhulka. Xiligan mashruuca ugu wayn ee farsamadii Dr Hasselmann ku shaqeeyaa waa mashruuca "European Copernicus Sentinel-1 radar mission" oo ah satellite-yo lagu daawado mowjadaha badaha si loo saadaaliyo isbedelada soo socda taas oo ilaalisa amaanka kumanaanka maraakiibta ganacsiga aduunka isaga gooshisa badaha waawayn.
Dr Syukuro Manabe waa 90 jir ku xeel-dheer aqoonta sahaminta hawada "Memeteorologist" waxa uu wax ka dhigaa jaamacada Princeton University ee New Jersey. Saynisyahankani waxa uu baadhay saamaynta Carbon Dioxide (CO2) ka faraha badani uu ku leeyahay heer kulka dhulka ee sii siyaayadaya. Dr Munabe, 1969 kii ayuu daraasadiisii ugu horeysay ee isbedelka cimilada ku saabsan faafiyay isagoo odorosay in " heer kulka dhulku waxa uu kordhi doonaa 2 derajo oo Celcius ah, hadii uu laban laabmo Carbon dioxide ka hawada lagu siidaynayaa." Saadaashaas waxa uu sameeyay iyadoo aanay jirin computer iyo barnaamijyada casriga ah ee rogrogi kara, gorfaynna kara xogta Dr Munabe kaydinayay.
Bilowgii waxa keli ah ee uu xisaabiyay waxay ahayd carbon dioxide ka iyo heer kulka (tempreture), laakin mar danbe ayuu sii horumariyay model kiisii oo uu ku daray cadaadiska hawada iyo jihada dabayluhu u dhacayaan. Farsamadiisu waa ta ay maanta ku shaqeeyaan xarumaha saadaalinta hawada iyo daba galka cimilada ee lagu saadaaliyo roobabka, kulka dhulka, dabaylaha, iyo isbedelada mudada dheer " climate change." Waxa la odhan karaa waxa uu salka u dhigay nidaam isku xidhaya dabeecada cimilada maalin laha ah (weather) iyo isbedelka cimilada ee mudada dheer (climate). Bilowgii hore, aragtidiisu waxay lahayd waxoogaa qalqalooc ah oo uu u jid-bixin kari waayay, laakiin waxa sii hagaajiyay oo qaloocii ka saaray Dr klaus Hasselmann. Dr Munabe waxa uu sheegan karaa oo aan lagula murmayn inuu foolaad u ahaa nidaamka "computer climate modeling" oo bedelay aragtidii cilmigu ka haystay nolosha aadanaha iyo isbedelka lama huraanka ah ee kownkan ka socda. Cilmi-baadhista Dr. Munabe darteed ayaynu maanta ku qanacsannahay in carbon dioxide uu halis ku yahay nolosheena oo ay inala gudboon tahay in aynu yarayno.
Daraasadaha Munabe waxay suuro geliyeen in la ururiyo isbedelada cimilida lagana sameeyo xog iyo cadaymo lagu qanciyo hogaamiyeyaasha dunida. Cilmi-baadheyaal reer Jabaan ah ayaa diyaariyay xogtii lagu saleeyay heshiiskii U.N. Framework Convention on Climate Change, sanadkii 1992, iyo heshiiskii Kyoto Protocol ee 1997, iyagoo adeegsanay farsadii uu hindisay Dr Munabe.
Prof. Giorgio Parisi waa 73 jir, wax ka dhiga Jaamacada Sapienza University ee Rome, shaqadiisu, dusha marka laga eego, aad ayay uga duwan tahay shaqada labada nin ee hore ee tooska ugu xidhan isbedelka cimilada. Hasayeeshee, marka hoos loogu dego lana fahmo, inkastoo fahankeedu dad badan ku adkaan doono, waxa la odhan karaa waxay ku arooraysaa isla fikrad. Prof. Parisi muu daraasadayn dabaylaha, kulka, iyo barafka toona; waxa uu dersay atamka iyo walxihiisa.
Prof. Parisi aragtidiisu waxay leedahay "waxa jira qawaaniin qarsoon oo nidaamiya hab-dhaqanka fowdada u muuqda ee walxaha atamada biraha (metalic alloys) ee adag" - guushiisa ugu wayni waxa weeye "qawaaniintaa qarsoon jiritaankooda inuu xisaab ku sharaxay kuna xaqiijiyay." waxa uu jawaab u helay aragti qabyo ahayd oo mudo dheer la xalin kari la'aa oo la yidhaa "spin glass." cilmi-baadhistiisu waxay ku saabsan tahay degel-aqooneed aad u kakan oo culimo aad u tiro yare ku mashquulsan yihiin oo qolyaha physics ay u yaqaanaan "Complex systems."
Mr Parisi waxa uu ina tusayaa in fowdada iyo nidaam darada walxaha uu ka samaysan yahay atamku ay u sansaan egyihiin fowdada iyo isbedelada ka socda meereheena. Waxa uu leeyahay isbedelka cimilada ku socdaa waxa uu leeyahay laba waji. Waji aynu aragno oo nolol maalmeedkeena saamaynaya iyo mid qarsoon oo bedelaya nuxurka maadada iyo hab-dhaqanka atamka oo gun dhig u ah jiritaanka nolosha (duality between study of Earth's climate and Parisi' work which is a microcosm for the complex behaviour of the Earth's climate)- shaqada Parisi waxay sawir yar u tahay isbedelka wayn ee kownka ka socda.

Abaal marintu maxay tilmaamaysaa?

Abaal marintu waxay tilmaaaysaa dhowr arinmood:

Waxay xoojinaysaa aqoonta isbedelka-cimilada "clamite change studies" oo bulshooyin badani ku naanaysaa pseudo-knowldge. waxa siisay misdaaqiyad iyo ictiraaf ay ku dhiiradaan, xogta ay soo saaraanna lagu howl geli karo. Abaamarintani waxay aqoonsatay in uu jiro isbedel taban oo halis ku ah jiritaanka bani'aadamka oo ay tahay in laga howl galo sidii loo joojin lahaa. taasi waxay culays saaraysaa dunida horumartay in ay dib u eego siyaasadaha dhaqaale ee ku salaysan hydrocarbon ka iyo dhuxul dhagaxda.
Waxay jihaynaysaa dhinaca dhaqaalaha mustaqbalku u socdo oo ah dhaqaalaha tiknoolajiyada tamarta joogtada ah (renewable energy) ku salaysan iyo beekhaaminta hantida dabiiciga ah. Abaal marintan iyo kuwo ka horeeyay oo la gudoonsiiyay mowduucyada la xidhiidha isbedelka cimiladu waxay dardar cusub gelinaysaa ururada u ololeeya deegaanka, xisbiyada ku tartama siyaasadaha deegaan dhowrida ah, iyo wadamada faqiirka ah ee aafooyinku kasoo gaadhaan dhibaatada ay deegaanka gaadhsiiyeen wadamada waawayn ee qaniga ah.
Aqoonyahan tiro badan oo dunida saddexaad u dhashay waxay aaminsan yihiin in aragtiyaha cusub ee sayniska oo tan isbedelka cimiladu ka mid tahay ay sii xoojinayaan uun xuurtadii dunida reer galbeed ku haysatay dhaqaalaha, aqoonta iyo siyaasadaba. isla markaana ay yihiin aqoon la rabo in lagu wiiqo koritaanka dhaqaale ee hada uun raad dhaqaajisay ee dunida saddexaad.






Comments

Popular posts from this blog

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?

Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19.