Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"
Ereyga "Artificial sweeteners" waxa lagu macnayn karaa Macaaneeye aan dabiici ahayn. Somaalidu waxay u yaqaanaan magacyo kala duwan oo ay ugu caansan tahay "Sonkorta Macaant"a. Walxahani 200 ilaa 700 boqol oo jeer ayay sonkorta ka macaan bdan yihiin; sida ay jidhka u soo galaan ayay uga baxaan oo dheefshiidka jidhkeenu ma burburin karo, wax tamar ahna lagama helo. Walxahan oo aad u tiro badan ayaa Hay'ada cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanku "Food Drug Agency" waxay ogolaansho in laga ganacsan karo, lana adeegsan karo ah siisay lix ka mid ah kuwaas oo kala ah: 1. Aspartame 2. Saccharin 3. Acesulfame p otassium (Ace-K) 4. Sucralose 5. Neotame 6. Advantame Waxaynu qormadan ku eegaynaa dhowrka ugu caansan looguna adeegsiga badan yahay oo aynu mid walba sharax kooban ka bixin doono si qofka doonaya in uu adeegsado u helo xog uu kaga go'aan qaato nooca uu is leeyahay way kugu habboon tahay iyo si dadka aad u adeegsada walxahan, gaar ahaan dadka xanuunk...