Maxay Yihiin Dawooyinka Wakhtigan Loo Adeegsanayo Maaraynta COVID-19?
Majirto ilaa hada dawo loo ansixiyay in ay dawayn
karto xannuunka COVID-19. Labada hay’adood ee ugu saamaynta badan marka
dawooyinka cusub go’aan laga gaadhayo waa WHO iyo FDA, labaduna midna may
ansixin dawo gaar ah. tallaalna hadalkiisaba daa. Hasayeeshee, waxa jira in ka
badan 70 dawo oo ilaa hada lagu tijaabiyay dadka xannuunkan qaba bal in ay wax
uu ka dheefaan iyo bidhbidhiso loo saaro. dawooyinka rajada wayn laga qabo in
ay sifiican wax uga taraan COVID-19 oo si kumeel gaadh ah loo adeegsado inta
xog dhamays tiran laga helaayo waxa ka midd ah dhowrka aynu maqaalkan ku
faaqidi doono. Dawooyinkan waxa ugu muhiimsan kuwa dabra shaqada Interleukin 6
iyo saaxiibadeed.
Tocilizumad iyo Sarilumab:
16 kii Maarso 2020, ayaa shirkada maraykanka ah ee
Sonofi and Regeneron, waxay bilowday tijaabin derejada 2/3 ah oo lagu samaynayo
dawada Sarilumab (kevsara) ee dabarta shaqada Interleukin 6. Shirkad kale oo
layidhaa Genenteck ayaa iyaduna waxay wadaa tijaabo ay ku samaynayso dawado
kale (tocilizumab) oo iyaduna dabarta shaqada Inteleukin 6 oo sida caadiga ah
lagu maareeyo xannuunka Rheumatoid arthritis iyo Systemic Lupus Erythematosis
(SLE) oo labaduba ah xannuuno difaaca jidhka ku dhaca. Tijaabadan oo wajigii
saddexaad maraysa aya lagu eegayaa bal sida loogu adeegsan karo xannuunka
COVID-19: xadiga qofku qaadan karo, dhibaatooyinka kale ee dawada lafteeda ka
dhalan kara iyo sida ay u saamayn karto soo kabashada qofka ee mudada dheer.
Tijaabo kale oo tayadeedu hoosayso, dadka ka qayb
galayna ay aad u koobnaayeen (21 bukaan ah) oo lagu qiimeeyay dawadan
Tocilizumab oo ay sameeyeen dhakhaatiir shiine ah ayaa waxay tilmaantay in
dawadani ay aad u caawisay dadkaan u bukay COVID-19. Hasayeeshee, tijaabadan oo
aan buuxsan shuruudihii looga baahnaa darteed lama wada aamini karo natiijada
ay soo saartay. Ujeedadu tijaabooyinkan laga leeyahay waxa weeye in la helo
dawo si gaar ah u dabarta wayraxa Interleukin 6 iyo asxaabteeda isla markaana
aan wada qafilin shaqada difaaca jidhka oo dhan. Waxa la raadinayaa faro-qabsi
si gaar ah loogu liishaamo cytokine-storm ka, laakin aan waxaba u dhimin
difaaca guud ee jidhka oo ah mid loo baahan yahay.
Corticosteroids:
Dawooyinka Corticosteroid waa dawooyin si balaadhan
loogu adeegsado caafimaadka. Waa dawooyin lagama maarmaan u ah tobanaan xannuun
iyo xaalado badan oo marka xaalku cakirmo waxa loo eeradaa dhanka isteroydh-ka.
Nidaamka ay u howl galaan waxa weeye waxay dejiyaan difaaca jidhka marka uu
shaqadiisa ka badbadiyo ee uu cartamo. Talada ay soo saartay hay’ada
caafimaadka aduunka iyo FDA waxa ka mid ah in aan loo adeegsan xannuunka
COVID-10.
God-daloolooyinka Corticosteroid waxa ka mid ah, ma
kala reebaan noocyada difaaca jidhka ee way wada dabraan; taasina waxay keentaa in
unugyada qaar loogu baahan yahay si xannuunka looga guulaysto ay demiyaanba. Taasina
qorfii bukaanka ahaa dhib kasoo gaadho. Sidoo kale, hadii dawooyinkan
xadi aad u wayn laga qaato mudo kooban gudaheeda waxay dhaawac gaadhsiin karaan
xubno kale oo muhiim ah. Intaa waxa dheer, Corticosteroid-ka hore ayaa loogu
tijaabiyay fayrasyo SARS-CoV-2 shabaha oo qaarkood la qoys yihiin, waxaana la
xaqiijiyay in aanay waxba ka tarin infakshanka sanbabka ee fayrasyadu keenaan.
Hydroxychloroquine:
Dawada loogu hadal haynta badan yahay dawooyinka
ilaa hada lagula tacaalayo COVID-19, qiimo ahaana ugu jaban waa dawada
Hydroxychloroquine. Dawadan oo sida la yaqaan lagu daweeyo xannuunka duumada
iyo xannuunada roomatiisamka ayaa noqotay mid rajo buuran lagu xidho, ilaa aynu
ognahay in madaxwayne Trump uu ku sheegay dawo belo ka dhacday oo aad u fiican!.
Waxa muhiim ah in la ogaado, ilaa hada ma jirto cilmi-baadhis dhamaystirantay
oo cadaynaysa in dawadani faa’iido u leedahay dawaynta COVID-19 iyo inkale.
Waxa socda cilmi-baadhiso, ta ugu wayn oo loo bixiyay “Solidarity” waxa
hogaaminaysa WHO, waxaana lagu baadhayaa dhowr dawo oo Hydroxychloroquine-tuna
ka mid tahay.
Wararka la isla dhex marayo ee la leeyahay dawadani
fayraskan waxbay ka tari kartaa waxa lagu salaynayaa cilmi-baadhis shaybaadhka
lagu sameeyay (In vitro trails) oo aan dad la adeegsan (In
vitro inhibition of human influenza A virus replication by chloroquine. Virol
J. 2006;3:39). ayaa muujisay in
dawooyinka Hydroxychloroquine and Chloroquine ay leeyihiin awood ay ku dabri
karaan fayraska SARS-CoV-2. Waxa iyaduna jirta cilmi-baadhis faransiis ah (Hydroxychloroquine and
azithromycin as a treatment of COVID-19: results of an open-label
non-randomized clinical trial. Int J Antimicrob Agents). oo itaal daran, si
halhaleel ahna loo sameeyay oo aan lagu dabaqin xeerarka caalamiga ah ee
cilmi-baadhisaha ayaa iyaduna tilmaantay waxaa horumar oo ay dawadani keentay. sidaa
darteed lama hayo xog rasmi ah oo taageeraysa ama burinaysa in dawadani wax ka
tari karto COVID-19.
Waxa jira macluumaad hore loo hayay oo sheegaya in
dawadani leedahay awood waxoogaa ah oo ay ku yarayn karto guud ahaan tarmidda fayrasyada. hadaba, maxay yihiin xogta hore loo hayay ee qaar ka mid ah culimada caafimaadku ay cuskanayaan.? Marka koobaad, dawadani waxay kor u qaadaa PH ka unuga dhexdiisa taasi oo
yaraysa aysiidhnimada unuga, isbedelkaas ay ku keentay deegaankii unuga ayaa
fayrasyo dhowr ah iyo jeermiska
kaneecada keenaba caqabad ku noqday. Sababta oo ah fayrasyo badan oo ay ka mid
yihiin qoyska coronaviruses ayaa jecel inay ku tarmaan deegaan aysiidhiisu
sarayso.
Laakin qofkasta oo dawadan xiise u qabaa waa in uu
ogaado, dawadani waa dawo amaankeedu aad u yaryahay (narrow safety margin).
Waa dawo hadii ay inyar ka kormarto xadkii loogu talo galay dhimasho keeni karta.
Intaas waxa dheer waa dawo keenta liis aad u dheer oo mashaakil ah. Waxay
dhaawac u gaysataa wadnahay oo ay garaaciisa khalkhal geliso (arrhythmias),
waxay taabata maskaxda oo ku keento gariir suuxdinta oo kale ah (convulsions);
shuban, uur kujirta oo qofka xannuunta (abdominal pain), madax-xannuun (severe
headache), finan iyo maqaarka oo qofka ka hoora (skin rush and desquamation),
iyo araga oo taga (vision disorder and retinopathy), intaas oo dhan ayay keentaa.
Intan aynu taxnay waa kuwa ugu caansan, laakin waxa jira dhibaatooyin kasii
culus oo ay dawadani keento.
Gebagebo
Sidaa darteed, waxa dadkeena la gudboon in aanay
intay iska shakiyaan aanay is odhan waa tii lasheegayay in ay wax tarto
dawadniye bal tijaabi, oo aanay noloshooda khatar gelin. Farmasiiyada dawadan
hayaa waa in aanay dawada ka iibin dadka caadiga ah ee iska socda; waa in
dhakhtar uun qofka uqoro hadii loo baahdo.
Hadiiba mudada dhow la helo dawo fiican oo lagu
xakameeyo COVID-19, waxa hadana jira caqabado farsamo iyo kuwo dhaqaale oo
is hortaagi kara in dawadaasi dad badan oo u baahan gaadho. 400 mg oo dawada
Tocilizumad ah waxay suuqa maraykan ka joogtaa $2765 (average wholesale price),
halka 360 mg ay suuqa ingiriiska ka joogaan
$2078. Hadii bukaanku u baahdo in uu todobaad ama wax ka badan qaato
dawada waad suurayn kartaa lacagta loo baahan doono. Dawada hore ee Sarilumad
(Kevsara) waabay kasii qaali santay (2 prefilled syringes oo ah 150mg/1.4ml)
waxay suuqa kaga qiimaysan tahay 1,670 dollar. Waxa iswaydiin mudan sidee
dawadan loo wada gaadhsiin karaa dunida fayrasku aafeeyay, wadama faqiirka ah,
sida dalkeeda iyo inta badan wadama afrika, maxaa la gudboon. Masidii
dawooyinka HIV/AIDS ayaynu sugnaan tobanaan sano inta dawooyinku qiimo jabayaan
ee kadibna la inoogu deeqayo, inta ka horaysana waynu iska aasanaa mayd keena.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.