Halkay maraysaa Dawo u raadinta xannuunka Covid 19.
Vurus is “ simply a piece of bad news wrapped up in protein,” fayrasku waa fariin aad u xun oo lagu soo duubay barootiin.
![]() |
Sawirkani waa qaab dhismeedka Fayraska SARS-CoV-2. |
Hal ku dhigaas waxa laga hayaa Sir Peter Brian Medawar oo ahaa saynis yahan ku guulaystay abaal marinta NOBEL-ta, oo ku xeeldheraa aqoonta barashada noolaha ee Biology-ga. Sidaa uu sheegay Dr Medawar, Fayrasku waa il-maqabatay dood wayni ka taagan tahay in uu yahay wax nool iyo in aanu ahayn. Awoodiisa ugu wayni waa hida-side ay ku duuban tahay xogta laga turjumo sida uu u shaqeeyo iyo sida uu u weeraro unugyada jidhka noolaha.
Fayraska SARS-CoV-2 ee keena xanuunkan aduunka
wareeriyay ee Covid-19 waxa uu ka samaysan yahay waxyar oo hide-side ah iyo
sagaal iyo labaatan barootiin. Sagaal iyo labaatan barootiin ayaa waxay ka
hortegayaan boqolaal milyan oo barootiino ah oo uu ka samaysan yahay jidhka
bani aadamku. Hadii in uun laga rejo qabo in la helo si lagu joojiyo weerarka
Fayraskani ku hayo bani’aadamka waa in la helo wado lagu xakameeyo sagaal iyo
labaatankaa barootiin ee fayraskani ka samaysan tahay.
Saynisyahano ka socda tobanaan dal ayaa sadexdii
bilood ee lasoo dhaafay waxay isku deyayeen in ay ogaadaan sida uu dhab ahaan u
samaysan yahay Fayraska SARS-CoV-2. Waxayna ogaadeen in fayraskani dhamaantii
uu leeyahay 29 barootiin oo keli ah. Dedaalka lagu jiraa waxa uu ku aadan yahay
in la helo sida fayrasku ula fal-galo jidhka; in la fahmo si uu u afduubo
wershada u adeegta unugyada jidhka qofka ee uu ugu qasbo in ay isaga u shaqayso;
iyo sida uu uga dhuunto difaaca jidhka ee uu uga dhabaco gantaalaha jidhku ku
beegsado wixii cadow ah ee dibada kasoo weerara.
Waxa la raadinayaa in laga helo god-daloolo laga
dhabar jebiyo. Hadii arimahan la ogaado waxa hadana la raadinayaa dawooyin
fayraska ka hor istaagta in uu jidhka ku fido, in uu afduubo unugyadiisa, iyo
in uu farabato. Waxaynu tilmaamaynaa dhowr meelood oo culinmadu ay beegsanayaan
oo suuro gal ka dhigi karta in dawo ama tallaal loo helo fayraska.
La dagaalanka Fayrask COVID-19 waxay ka bilaabmi
kartaa halka ugu horaysa oo ah in fayraska laga hor istaago in uu dhuumasho ku
galo unugyada jidhka. Sida in badani la socoto, Fayraskan qaabkiisu waxa uu u
egyahay madaxa-nacnac qoriga oo farraaro leh. Farraaradu waa kuwa fayraska loogu
magac daray, markii la arkay in ay u egyihiin taajka boqoradu madaxa ku
qaataan. Farraaradaasi waa kuwa fayraska ka caawiya in uu unugyada dhuumasho ku
galo marka ay madaxa la galaan jeebab ay leeyihiin qaar ka midd ah unugyada jidhkeenu. Jeebabkan waxa la yidhaa
ACE2 waana albaabka uu abbaaro fayrasku marka uu unuga u dhuumanayo.
Hadaba si aynu u sii fahano arimaha socda aynu is
waydiino maxaa dhaca marka fayrasku jidhka soo galo? Marka fayrasku jidhka soo
galo, ee difaaca jidhkuna ka war helo, waxa la sameeyaa barootiino loo yaqaan
Antibodies oo jidhku isku difaaco. Barootiinadani waxay ku dhegaan farraaradii
fayraska oo ay ka hor istaagaan in uu unuga dhex galo. Cusbitaalo badan oo
Shiinaha, Maraykanka iyo Yurub-ba ku yaal ayaa waxay dadka buka ku mudayeen
Antibody laga soo miiray dad fayrasku ku dhacay laakin ka bogsaday. Taasina
waxay noqotay talaabada koobaad ee la dagaalanka fayraska.
Docda labaad ee fayraska laga wareemi karo waa
iyadoo laga faa’iidaysto tallaabo xiiso badan oo uu fayrasku qaado marka
Farraaradiisu madaxa la galaan jeebabka unugyada. Si fayrasku unuga u dhex
galo, waa in farraarka laba lookala jebiyo oo laga soo daayo barooriino caawiya
gelitaanka. Mataqaan cida ka caawisa fayrasku in uu kala jebiyo farraaradiisa.
Waxa shaqadaa u qabtay oo fayrasku ku guuraa insaym (Enzyme) unuga laftiisu
leeyahay oo looyaqaan Furin ama TMPRSS2. Bal ka waran hadii aynu insaymkan ka
hor istaagno in uu mooganaan fayraska ku caawiyo, miyaynaan markaas fayraskii u
diidin in uu unuga soo galo. Dawadan
Taraam ku khafiifay ee
Hydroxychloroquine, ee lagu daweeyo xannuunka duumada, ayaa la
saadaalinayaa inay sidan u shaqayso. Dawadan (Hydroxychloroquine) waxa la
quud-daraynayaa in ay is hortaagto in Farraarada fayrasku madaxa la galaan Jeebabka
unugyada iyo waliba in la kala jebiyo Farraarka si looga soo daayo
barootiinadii fayrasku ku sii shaqayn lahaa.
Doc saddexaad ayaa lagaga iman karaa fayraska hadii
arimahaas hore loodin waayaan. si aynu isula fahano kasoo qaad in Fayraskan
SARS-CoV 2 uu caqabadahaas ka gudbay; farraaradiisana la dardar geliyo wuxuu u
gudbayaa unugyada dhexdooda. Tallaabada koobaad ee uu qaadaa waa in uu miiq yar
oo hide-sidihiisa ah (RNA) ku tolo hide-sidaha unuga qofka (DNA); taas oo keenta
in unugii dhamaantiiba u afduubmo fayraska kana shaqeeyo sidii uu fayraska ugu
noqon lahaa degaan uu ku farabato (Viral replication). Replication ama
faro-badashada fayrasku waa howl aad u kakan oo u baahan barootiino tiro badan,
hadii lagu guulaysto in la hakiyo ama la joojiyoba waxay hordhan u noqonaysaa
in si buuxda looga guulaysto Fayraskan SARS-CoV 2 iyo xannuunkan COVID-19 ee uu
keenoba. Dhowr dawo oo asal koodii loo adeegsan jiray joojinta faro-badashada
Fayraska HIV ee dilaaga ah, ayaa lagu tijaabinayaa in ay bal wax ka taraan
Fayraskanna.
Lironlimab, Lobinavir/ritonavir waa dawooyin loo
adeegsado la tacaalida HIV?AIDs, awooda ay u leeyihiin in ay joojiyaan
farabadashada fayraska darteed, hadana waxa lagu tijaabinayaa in ay wax ka
taraan xannuunkan COVID-19; hasayeeshee ilaa hada lama hayo dawo natiijo la
taaban karo soo hoysay.
Aan dhan kale kaga nimaadno dhabar jabinta fayraska,
laakiin intaynaan u daadagin arrin kale oo muhiim ah ayay tahay in lagu
baraarug sannaado:dawooyinka lagula tacaalo fayrasyadu (Antiviral drugs) waxay
sifiican u shaqeeyaan bilowga hore ee xannuunka inta aanu fayrasku jidhka ku
baahin ee aanu afduubin unugyada jidhka. Hadiise uu heerkaas gaadho dawooyinka
fayrasku wax badan ma taraan.
Culimada caafimadaka Shiinaha, Talyaaniga iyo Isbayn
ee ku howlanaa daawaynta dadka COVID 19 uu dhulka dhigay, waxay ogaadeen in
dadka xaaladoodu ay aad u liidatay una baahday mashiinka neefsiga (Ventilator)
dhibta ugu wayn waxa soo gaadhsiiyay Difaacii jidhkooda oo karkaarka goostay. Marka
difaaca jidhka la cariyo waxa uu galaa xaalad aanu kala sooci karin unugyadii
fayrasku afduubay iyo kuwii fayoobaa xaaladaa talo-faro ka haaday waxa loo
yaqaan Cytokine storm.
Xaaladaas Cytokine storm kuma koobna COVID 19 oo
keli ah.waxay ku dhici kartaa dadka qaba xannuunada difaaca jidhka ku dhaca
sida roomatiisamka, dadka qaba xannuunada xasaasiyada, iyo kuwa lagu beeray
xubno kale,sida qof loo gelyay keli, ama dhuux. Hadaba waxa jira koox dawooyin
ah oo lagu dejiyo difaaca jidhka ee xayraamay. Dawooyinkaas waxa la midd ah
dawada Anakinra oo ah dawo sida rasmiga ah lagu daweeyo xanuunka roomatiisamka
ayay koox culimo Shiine ahi ku tijaabiyeen dadka lasoo dhacay COVID 19 ee
difaaca jidhkoodu gaadhay heerta aynu nidhi cytokine storm. Inkastoo aanay horumar buuran oo lagu farxo
tijaabadaasi soo hoyn, hadana wali rajo ayaa laaban oo lagama wada quus goyn.
Tijaabooyin kale oo ay culimo Maraykan ah wadaan ayaa socda; iyaguna waxay
adeegsanayaan labada dawo ee Tocilizumab iyo Ruxolitinib
oo ah dawooyin lagu dejiyo difaaca jidhka.
Ujeedadu waa in la yareeyo dhaawaca
khatarta ah ee difaaca jidhkeenu gaadhsiinayo unugyadiisa taasi oo mararka qaar
kaba halis badan fayraska. Inta badan cilmi-baadhista socotaa waxay ku salaysan
tahay sidii dawooyin hore u jiray oo la yaqaan amaankooda iyo wax tarkoodaba
loogu eegi lahaa in ay wax ka taraan Fayraskan cusub. Waxaase iyana bilow uun
ah in la raadiyo qaar u gaar ah fayraskan oo isaga lagu tijaabiyay, hasayeeshee
dawo cusubi wakhti dheer ayay u baahan tahay inta laga hubsanayo wax tarkeeda
iyo amaankeedaba. Taasna xaalka taagani inagu simi maayo.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.