Sidee Soonku Jidhkeena uga caawin karaa iska Caabinta Xannuunada Sida COVID-19?.
![]() |
Yoshinori Ohsumi waxa uu sanadkii
2016 qaatay abaalmarinta Nobel ee
physiology or medicine cilmi-baadhista
uu kusameeyay Autophagy darteed.
|
Unugyada kala duwan ee jidhkeenu, mid kasta waxa ka dhex socda falgalo
aan tiro lahayn: barootiino ayuu burburiyaa, qaar kale ayuu dhisaa, oksajiin
ayuu gubaa si uu tamar uga sameeyo, Isla gubidaas waxa ka dhasha walxo sun ah
oo looyaqaan “oxygen free radicals” oo ay daruuri tahay in degdeg unuga looga
saaro. Unugyada jidhkeenu karbon ayay abuuraan, aysiidh ayay dhaliyaan, jeermid
ili-ma qabatay ah (fayras iyo bakteeriya) ayuu unugu liqaa oo uu ridqaa,
qashinkoodana uu u baahan yahay in uu tufo. Mararka qaarkood unugyadu si qaldan
ayay tarmaan waxaana loo baahdaa in unugaa sida qaldan u samaysmay degdeg loo
burburiyo si aanu usii tarmin isagoo iin leh.
Hadii aan qashinkaas kala duwan unuga laga saarin wuu buux
dhaafayaa, kadibna hab-sami u shaqayntiisii ayaa khalkhal gasha. Xannuuno ay ka
mid yihiin kansar, dhiig kar, macaan, alsahaymar, iyo dhaawac soo gaadha
maskaxda iyo neerfayaasha ayaa ka dhalan kara qashinkaas ku ururay unugyada.
Waxaas oo dhan si uu isaga nadiifiyo isuna cusboonaysiiyo, mar
labaad dhalin yaro u noqdo ayaa unugyadu waxay maraan howl-gal loo yaqaan Autophagy.
Autophagy waxa lagu qeexaa "A process of cellular
housekeeping in which cells maintain themselves by degrading faulty organelles
or accumulated proteins and recycling metabolites” Nature methods
Journal- autophagy: eat thyself, sustain thyself.
Jiritaanka in unugyada jidhkeenu is nadiifiyaan isna
cusboonaysiiyaan “autophagy” waxa la haahfuray 1960-nadii qarnigii tegay.
hasayeeshee cilmi-baadhis lagu sameeyay way koobnayd sababta oo ahayd
koobnaanta aqoonta molecular technology. Sanadihii 1980kii iyo bilowgii
sagaashanaadka saynis yahan udhashay jaban oo la yidhaa Dr Yoshinori Ohsumi
ayaa u banbaxay daraasadaynta mowduucan.
Dr Ohsumi waxa uu ogaaday in hide-sideyaasha ka mas’uulka ah howl-galka autophagy
laga helo nooleyaal badan oo ay ka mid yihiin yiista, bakteriyada, iyo dadka. Autophagy
faa’iidadiisa waxa ka mid ah in ay jidhka ka ilaaliyo khatarta ka dhalata
caabuqyada, inflamation-ka, kansarka, asaasaqa (dimentia), iyo xanuunada kale
ee maskaxda ku dhaca ee Parkinsonism ku ka mid yahay.
Dr Yoshinori Ohsumi iyo kooxdii la shaqaynaysay waxay ogaadeen in
hadii qofku cuntada ka afxidhnaado (soomo) laba iyo toban ilaa 18 saacadood taasi
istaadho howl-galka autophagy. Waana sababta, ayay yidhaahdeen, dadka joogteeya
soonku uga caafimaad badan yihiin ugna cimri dheer yihiin dadka kale. Xogtaas ay
heleen waxa sii xoogaynaya cilmi-baadhiso aad u tiro badan oo xaqiijinaya in
soonku wanaajiyo xakamaynta sonkorta dhiiga; yareeyo infalamayshanka ku dhaca
nudaha, in uu yareeyo miisaanka, iyo in uu fiicnaysiiyo shaqada maskaxda iyo gabowga
degdega ah.
Cilmi-baadhis ay soo saareen khubaro ka tirsan xarunta
daraasadaynta autophagy “Centre for Autophagy Research” oo hoos tagta
jaamacada Texas Southwestren Medical Centre, laguna faafiyay Journal ka
wayn ee Nature kuna saabsan jimicsiga iyo gaajadu saamaynta ay ku
leeyihiin howl-galka autophagy (Exercise-induced BCL2-regulated autophagy is
required for muscle glucose homeostasis) ayaa waxay sheegtay in isgaajaysiinta
saacado badan ay istaadho nidaam unugyada jidhka (body cells) iyo unug-yarayaasha
(cell organelles) kasifeeya sunta ka dhalata falgalada ka dhex dhaca. Nidaamkan
oo loo yaqaan “autophagy” ayaa dardar geliya ka faa’iidaysiga jidhka ee
insuliinta, dhimidda miisaanka, iyo dib u cusboonaysiinta unugyada dhaawacma,
si looga hortago kansarada iyo xannuunada maskaxda.
Cilmi-baadhis kale (role of autophagy in alcohol
and drug induced injury) oo February 2020 lagu faafiyay journal ka Food
and chemical toxicology ayaa iyaduna waxay kusoo gunaanadaysaa
baadhitaankeeda in “autophagy” uu yareeyo khatarta beerka kaga iman karta
khamriga xad-dhaafka ah iyo dhaawaca uu keeno hadhaaga dawooyinku. “Autophagy”
isagoo adeegsanaya farsamo aad u kakan waxa uu unugyada beerka ka saaraa
maytakondariyada dhaawacantay (damaged mitochondria), iyo dufanka dheeraadka ah.
Faa’iidada kale ee aan la halmaami karin waxa weeye autophagy waxa uu jidhka ka
saaraa unugyada difaaca ee daalay (dysfunctional and damaged immune cells)
taasi waxay dariiqa u xaadhaa in unugyo cusub oo difaaca ah la sameeyo; taasina
waxay dardar gelisaa difaaca jidhka waana sababta soonku u xoojiyo difaaca jidhka.
Ivan Dikic oo ah agaasimaha guud ee Institute of
Biochemistry II ee hoos yimaada Geothe University, Frankfort oo machadkiisu
baadhitaan ku waday autophagy-ga toban kii sano ee lasoo dhaafay ayaa
yidhi,isagoo aad ugu muraaqaysan howl-galka autophagy; “waxaa la yaab leh sida
unugyada jidhkeenu awooda ugu leeyihiin in ay wakhti aad u kooban iska
nadiifiyaan qashin khatar ku ah noloshooda oo aad u badan.” Waxa uu raaciyay “xannuuno
badan oo halis ah ayaa uu inaga horjoogaa autophagy-gu; garanna maayo isaga la’aantii
sida jidhkeenu noqon lahaa.” “Autophagy is a strategy for cellular self-fortification, but it is also
a balance” autophagy-gu waa qorshe unugu uu isku waardiyeeyo, laakiin ,sidoo
kale, waa dheeli tire, ayuu Mr Ivan Dikic ku tiraabay.
Hadaba sidee ayuu soonku u istaadhaa howl-galka “autophagy”.
Marka qofku saacado ama maalmo ku joogo cunto la’aan waxa hoos u dhaca
sonkortii iyo tamarkii kale ee unugyadu ay helayeen.si unugyadu ugu shaqeeyaan
xaaladan adag ee soo foodsaartay, unugyada jidhkeenu waxay dib u isticmaalaan qurub
kii kasoo hadhay barootiino hore u burburay “ protein particles recycling”,
wixii unugyadu ay dib u isticmaali kariwaayaan dibada ayay isaga saaraan si ay
u yareeyaan tamarta kaga baxaysa kaydintooda, waxaa la odhan karaa waa unugyadii
oo tashiilanaya isla markaana dib u dhayaya wixii dhaawac soo gaadhay.
Ilaa hada,
arinta la hubo in ay istaadhi karto autophagy waa soonka ama isgaajaysiinta, waa
sida ay jecel yihiin in ay ugu yeedhaane. Waxaana laga fikirayaa bal in la
hindisi karo dawooyin sida soonka u istaadhi kara nidaamkan autophagy. Waxa kale
oo la is waydiinayaa waa kuwee unugyada ugu badan ee autophagy- uu ka dhacaa;
tolow unugyada jidhka oo dhan muyuu ka dhacaa mise qaar ayaa si gaar ah usii
firfircoon. Waxa lagu rajo wayn yahay in daraasadaha socdaa ay midho dhalaan oo
xili aan fogayn aynu ogaano sidii faragelin togan loogu samayn kari lahaa
autophagy-ga iyo in la ogaado sida falgaladiisu u dhacaan; taasi oo awood inoo
siin doonta in aynu wax wayn ka qabano xanuunada faraha badan ee hada lala
daalaa dhacayo. Waxa inala gudboon in aad soonka joogtayno si aan u ilaashano fayoqabkeena
jidheed iyo maskaxeedba.
Waa magaal aad u hufan oo waqtigiisii jooga.
ReplyDeleteFadlan halkan hoose ku dhaaf ra'yigaaga iyo mowduucyada caafimaad ee aad jeceshay in aad wax ka ogaato.
ReplyDelete