Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?
Sida ay tilmaamayaan baadhitaannada hordhaca ah ee
kasoo baxaya xarumaha lagu dawaynayo dadka uu ku dhacay xannuunka COVID-19, in
ka badan 99% dadka dhimanayaa waxay u dhimanayaan sanbabadooda oo shaqadii
joojiyay; xaalad loo yaqaan Acute respiratory distress syndrome (ARDS).
Xaaladani waa marxalada ugu danbaysa afar marxalladood oo uu maro xannuunkan uu
keenay SARS-CoV-2. Xannuunku waxa uu ka bilaabmaa sanka isagoo ku bilaabmaa
xumad, qufac qalalan, iyo waxoogaa daal iyo damqasho guud ah; waxa uu uga sii
gudbaa xumad xad-dhaaf ah (>39℃)
iyo neef-qabad, qofka oo neefsigu ku adkaado iyo sakaarka oo si gaar ah u
damqada, kuwani waxay astaamo u yihiin xannuunkii oo sanbabka gaadhay. Hadii uu
kasoo rayn waayo Fayrasku (SARS-CoV-2)
waxa uu u degaa sanbabka halkaas oo uu ku sameyo caabuq (viral
pneumonia). hadiiba xannuunku sanbabka gaadho waxa bilaabantay marxalladii
adkayd; aqlabiyada dadka heerkan xaalkoodu gaadhaa waxa la xaqiijiyay in ay
ubaahan doonaan mishiinka neefsiga caawiya (ventilator).
Sida ay sheegayso cilmi-baadhis hordhac ah oo lagu
daabacay “The Journal of American Medical Association (JAMA)” oo cinwaankiisu
ahaa “Clinical Characteristics of 138 Hospitalized Patients With 2019 Novel
Coronavirus–Infected Pneumonia in Wuhan, China” dadka xannuunku hayo tiro aad u yar (<1%)
ayuunbaa heerkan gaadha, waxaanay ku qaadataa mudo u dhaxaysa todobaad ilaa
toban maalmood in ay xaaladan khatarta ah gaadhaan marka laga bilaabo maalinta
ugu horaysa ee ay astaamaha xannuunka isku arkaan.
Dadka da’doodu wayn tahay (>65 sano), xannuuno
kalena qabay COVID 19 kahor, ayaa u badan dadka mashiinka neefsiga caawiyaa
waxba u tari waayo ee geeriyooda. Waxay u dhintaan xubno badan oo jidhka ah oo
markeli ah shaqada wada joojiyaa multi-organ failure (MOF). Waxa is waydiin leh
sababta fayraskani si gaar ah u dhaawaco sanbabta ee uu uga khatar batay
Fayrasyo aad u tiro badan oo dhamaantood wax yeela sanbabka laakin aan
khatartan oo kale lahayn, oo xattaa qaarkood ay SARS-CoV-2 isku qoys yihiin.
Sababtu waa laba arimood oo aad u muhiim ah oo uu
Fayraskani kaga duwan yahay fayrasyada kale, waa inta ilaa hada la xaqiijiyaye.
Sababta koobaad waa iyadoo unugyada sanbabku hodan
ku yihiin jeebabka (receptors) ay qabsadaan farraarada Fayrasku (SARS-CoV-2 spike proteins). Jeebabkaa oo
loo yaqaan ACE2 xubinta ugu badan ee ay jidhka kaga jiraan waa sanbabka,
waxaase soo raaca kelyaha, mindhicirka iyo xididada dhiiga qaada. Marka
fayrasku farraaradiisa (spikes) ku dhejisto jeebabkaas waxa ka dhasha saamayn aad u
layaab badan oo u gaar ah fayraskan: dhamaan xididada dhiiga geeya nudaha
sanbabku way balaadhaan (vasodilation) waxaana kordha dhiiga soo gelaya
sanbabka. Dhiigaas xad-dhaafka ah kuma ekaado xididada dhexdooda ee waxa uu
kusoo fatahaa rucubaha oksajiin qaybiyayaasha ah ee alfiyoolay-ga (Alveoli). Arintani
waxay keentaa qofkii oo dhiigiisa iyo bihihiisa ku qarqooma, oo neefsan kari
waaya biyo sanbabkiisa buux dhaafiyay darteed.
Sababta labaad waxa weeye dhiigaa ku soo butaacay
sanbabku waxa uu wataa tobanaan nooc oo unugyadii difaaca ah oo dhamaantood
kaqayb qaata iska caabinta jeermiska ay ka midd yihiin Fayras-yada iyo
Bacteeriyadu. Hasayeeshee, qaar unugyadaa difaaca ka midd ah, sida unugyada loo
yaqaan Macrophage iyo Lymphocytes waxay
yeeshaan saamayn taban marka ay wayraxaan ee ay fal-celintoodu wisiisi noqoto.
Unugyadani waxay dhiiga kusii daayaan maadado fariin qaadayaal ah oo layidhaa
cytokines.
Cytokines waxay qaabilsan yihiin in ay fariin dhiilo ah gaadhsiiyaan
dhamaan unugyada difaaca si ay usoo gurmadaan; waxaana ugu caansan marka
fayrasyada laga hortegayo cytokine la yidhaa Interleukin 6, Interleukin 1, iyo
Interleukin 12. Natiijada kama danbaysta ah ee kasoo baxda carinta
Inteleukin 6 iyo saaxiibadeed waxa weeye in difaacii jidhka la geliyo heegan
aad iyo aad uga badan intii loobaahnaa, taasi oo burburisa unugyadii jidhka ee
fayrasku aafeeyay iyo kuwii caafimaadka qabay labadaba. Taasi waxaad ka arki
kartaa in jidhka qofka laba danab kudhacayaan: mid fayrasku la beegsanayo iyo
midd difaaca jidhku la beegsanayo; arinku waa hal laba midigle dhengedeeyay
dhanna uma fayooba. Xaaladani waa ta loo bixiyay cytokine storm.
Sanbabkii qofka biyo dhiigiisa kasoo tafay ayaa
buuxdaafiyay, difaacii jidhkiisuna waxa uu burburinayaa unugyadaa fayoobaa ee
fayraska iska caabiyi lahaa taasi waa laba mushkiladood oo sanbabka qofka ku
kulmay taasi ayaa keentay in uu shaqadaba joojiyo , sidaana qofku u geeriyoodo.
Arintan waxa sii xoogeeya dadka xannuunada hore qabay, sida asthma, COPD, wadno
xannuun, macaan iyo dhiig kar. Waxa taal la mid ah dadka mudo dheer sigaarka
cabayay ee sanbabkoodu itaalka daran yahay.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.