Waa Maxay Kolastaroolku (Cholesterol), Sidee baa Loo Maareeyaana?

Qaybta. 1aad

Kolastarol (Cholesterol) waa maadad muhiim ah oo qayb ka ah dhismaha dhamaan unugyada jidhka; gaar ahaan xuubka ku dahaadhan Unugyada (Cell membranes) ee nidaamiya isku socodka dhamaan waxa kujira gudaha unuga iyo dibadiisaba. 

Hormoonada iyo dheecaanada(enzymes) xubnaha jidhka fariimaha u kala qaada waxay inta badan ka samaysan yihiin kolastarool; tusaale hormoonada Istaroojiin, Barojestaroon, Testastaroon, Aldo-istiroon iyo kortisol waxaa samayn-tooda qayb wayn ka qaata kolastarool. 

Kolastaroolku waxa kale oo uu aasaas u yahay samaysanka faytamiino lagama maarmaan inoo ah sida faytamiin D. Aysiidha dheecaanka xamaytida (Bile acid) ee caawiya dheef-shiidka iyo qashin-saarka dufanka iyo subaga ayaa isna ka samaysan Kolastarool. 

Kaalinta kolastaroolku ku leeyahay shaqooyinka kala duwan ee jidhka qofka lama soo koobi karo, la'aantiina suurto gal maaha in nolosha qofku sii jirto.

Sidee u Samaysmaa Kolastaroolku?

Jidhku wuxuu sameeyaa Kolastarool ku filan. Beerku waa Wershada ugu muhiimsan ee  samaya Kolastarool-ka. Waxaa soo raaca subaga lacuno gaar ahaan oonta xoolaha sida Hilibka, ukunta iyo caanaha.

Kolastaroolka waxaa sidoo kale Jidhka ka saara Beerka isagoo kudara dheecaanka xamaytida, kuna shuba mindhicirka. Ilaa 97% Kolastarool-ka dheecaanka xamaytida la raaciyo  waxaa dib loogu celiyaa Beerka iyadoo marlabaad dib loo Isticmaalo, habkaa isku wareejinta ah waxaa loo yaqaan “Enterohepatic Circulation”. qaybta aan lagu soo celin Beerka waxaa la raaciyaa saxarada. In ku dhaw Hal giraam oo Kolastarool ah ayaa maalinkasta habkaas jidhka looga saaraa.

Kolastarool-ku kelidii dhiiga ma raaco oo meeshii looga baahan yahay ma tago. wuxuu u baahan yahay gaadiid xambaara. sidaa darteed waxa  qaada oo markasta ku lammaan xaddi Barootiin iyo xaydh ah oo isku lifaaqan loona yaqaan Laybo-Barootiin (Lipoprotein). 
Barootiinka iyo Xaydha uu ka samaysan yahay laybo-barootiin-ku waxay isugu xidhan yihiin hab sar go'an oo isu-dhigan miisaaman leh, qaabkoodu waa sida ukunta, qolofta sare waxay kasamaysan tahay Barootiin, guduhuna wuxu ka samaysan yahay xaydh.
Qaabkaa uu u samaysan yahay laybo-barootiin-ku iyo sida uu u xambaarsan yahay kolastarool-ka wuxuu muhiim yahay marka aynu ka sheekaynayno noocyada uu u qaybsamo kolastaroolku iyo saamaynta nooc kasta ku leeyahay jidhka qofka.

Qaybaha Kolastaroolka:

Marka aynu fududayno, Kolastaroolku wuxuu u qaybsamaa saddex nooc. farqiga ugu wayn ee saddexda nooc kala soocaa waa xadiga barootiinka iyo xaydha ee noockasta ku jira. markasta oo xaydha Isku-rarantaa ku jirtaa ay sarayso waxaa kordha khatartiisa, waxaana lagama maarmaan noqonaysa in hoos loo dejiyo.

Low Density Lipoprotein (LDL-cholesterol):

 Noocani waxa uu kasoo baxaa marka dufankii qofku cunay la dheefshiido. Barootiinka dhisma LDL-Cholesterol-ka ku jiraa aad ayuu u yar yahay(10%). Ku dhawaad 90% dhismahiisu waa kolastarool saafi ah, taas oo macnaheedu yahay noocani waa ka ugu kolastarool badan saddexda nooc. Nooocani wuxu kolastarool-ka ka qaadaa Beerka oo uu geeyaa qaybaha kala duwan ee jidhka.
Low Density Lipoprotein ( LDL-cholesterol)  waxa kale oo lagu naanaysaa kolastaroolka xun ama khatarta badan ( Bad cholesterol).

High Density Lipoprotein ( HDL-Cholesterol):

Noocan waxa sameeya Beerka,sida aynu soo sheegnay, waa nooca ugu barootiinka badan. Ilaa 60% oo barootiin ah ayaa qayb ka ah dhismihiisa. Noocan waxaa kale oo lagu naanaysaa kolastaroolka fiican ama faa’iidada leh, sababtu waxa weeye; wuxuu kolastarool-ka ka ururiyaa dhiiga iyo unugyada jidhka isagoo ku celinaaya Beerka, si jidhka looga sifeeyo. Sidaa darteed wuxuu noocan HDL-Cholesterol ka qayb-qaataa hoos u dejinta kolastaroolka.

Triglycerides:

Waa nooca saddexaad ee noocyada kolastaroolka. Wuxuu ka yimaad dufankii, baruurtii, iyo subagii uu qofku cunay, laakiin noocani kuwii hore wuxuu kaga duwan yahay, waxa weeye inta badan kolastarool sooc ah oo aan wax barootiin ah wadan.  Marka la doonayo in baruurta jidhka lagu kaydiyo waa nooca kaydka gala ee ka mas’uulka ah korodhka miisaanka.

Xaqiiqada marka laga hadlayo, habka abla-ablaynta kolastaroolku intaa wuu ka kakan yahay, waxaan saddexdaa nooc usoo qaadanay in aan fududayno fahamkiisa oo aan soo koobno. Laakin nooc kastaa waxa uu usii qaybsamaa faracyo iyo qaybo hoosaadyo aan halkan looga baahnayn sharaxooda.

Qodobka muhiimka ah waxa weeye, in la ogaado qiyaasta guud ee kolastarool-ka qofka waxa ka muhiimsan in la ogaado saddexdaa nooc midd kastaa heerka uu taagan yahay. sababta oo ah labada nooc ee koobaad iyo saddexaad (LDL-Cholesterol iyo Triglycerides) waxaa loo baahan yahay inay hooseeyaan, halka nooca labaad( HDL-Cholesterol) loobaahan yahay inuu sareeyo mar haduu yahay ka faa’iidada wayn inoo leh.


Khatarta uu Keeno kolastarool-ka Sareeyaa:

    1. Saamaynta Xididada:

Marka kolastarool-ku heerkii dabiiciga ahaa ee loogu talo galay dhaafo, wuxuu fadhiistaa oo ku rasaysmaa gidaarka gudaha ee xididada dhiiga qaada.  Waxa uu si gaar ah u jecelyahay halbowlayaasha  wadnaha waraabiya ee looyaqaan (coronary arteries), kuwa maskaxda waraabiya(cerebral arteries), kuwa kelyaha waraabiya(renal arteries) iyo kuwa xubnaha darafyada waraabiya(Peripheral arteries) sida cagaha hoose.
 
Tasi waxay keentaa in dhuuntii xididku yaraato oo dhiigii marilahaa hoos u dhaco.  Arintani waxay caan ku tahay oo loo yaqaan erey bixinta cilmiga ah ee  (Atherosclerosis).  Marar badan waxa dhacda in kolastaroolkii xididka ku rasaysmay in uu qoomo oo nabar ku sameeyo dahaadhka jilicsan ee u dhexeeya kolastarool-ka ururay iyo dhiiga xididka dhex socda.

Halkaasna waxa ka dhalanaya nabbar ilma qabatay ah oo xididka gudaha kaga yaal. Nabarkaasi wuxuu soo jiitaa xinjiro, taasi oo sii dedejisa in xididku si buuxda u xidhmo.

   2. Saamaynta Xinjirowga:

Waxa dhacda in xinjirtaasi faliidhanto oo qayb yar oo ka midd ahi dhiiga raaco, kadibna ay xidho xididada aadka u yaryar ee waraabiya xubnaha muhiimka ah sida kelyaha, Indhaha, iyo gomodaha hoose, waa xaalad dawaynteedu adagtahay oo loo yaqaan (Thrombo-embolism)

Xubintii dhuuntaasi waraabinaysay waxaa ku yaraanaya dhiigii gaadhayay, waanay oomaysaa. Waxa yaraanaya oksajiintii (oxygen) iyo nafaqadii (nutrients) ay helaysay, sidoo kale  waxa ku ururaya qashinkii ka samaysmay shaqada ay qabanayso  oo ay ugu badantahay uguna khatarsan tahay aysiidha loo yaqaan lactic acid.

Oksajiin iyo nafaqo la’aantaas iyo waliba aysiidha xubinta ku ururtay waxay keentaa xanuun uu qofku dareemo, gaar ahaan marka xubintaas shaqadeedu korodho ee ay u baahato oksajiin iyo nafaqo dheeraad ah.  
Qofku wuxuu xannuunka ka dareemaa xubinta uu badh-xidhmay xididkii waraabinayay.

Tusaale; hadii uu badh-xidhmo xididka midd kamidda xididaha waraabiya wadna oo qofku waxooga howl saa’id ah qabto wuxuu xanuunka ka dareemaa laabta, gacanta midig iyo raqabada, waaa xaalad loo yaqaab (Angina Pain) oo sababteedu tahay qaybka midd ah wadnaha oo dhiigii waraabinayay yaraaday.

Hadii xididkasi wada xidhmo waxaa dhacaya in qaybtaa uu waraabinayay ay dhimato, waa xaalad khatar ah oo nolosha qofka khatar wayn gelinkarta.
Dhaawaca wadnaha soo gaadhayaa waxay ku xidhan tahay hadba inta uu leeg yahay xididka xidhmay iyo gurmadka caafimaad ee qofkaasi helo.

Hadii uu badh-xidhmo xidid ka midd ah kuwa maskaxda waraabiya, qofka waxaa ku dhaca wax looyaqaan faalij-yare ama mini-stroke (Transient ischaemic attack), oo ah qayb maskaxda ka midd ah oo dhiigii ku yaraaday ama muddo yar uu ka xidhmay.  Hadii xididkaasi si buuxda uu u xidhmo markaas waxaa ku dhaca faalij dhan (Stroke) oo aynu wada garan karno sawirkiisa iyo riiqdiisa.

Xaaladahan khatarta ah ee aynu magacownay waxay tusaale dhab ah u yihiin khatarta kolastaroolka aadka u sareeya. Waxaa xusid muddan in aan uu lahayn astaamo lagu garto oo laga hortagi karo. Musiibooyinkaasi waxay u dhacaan si kedis ah, mar danbe uunbaa la ogaadaa in qofkaasi muddo dheer qarsanayay kolastarool aad u sareeya.

    3. Saamaynta Lugaha:

Waxaa dhamaan khubarada caafimaadku isku waafaqsan yihiin in kolastaroolku yahay khatar dhalliyaha ugu muhiimsan ee xannuunada dhiig karka, faalijka, kelya-xannuunka, iyo xannuunka xididada darafyada (Peripheral vascular disease).

Hadii kolastaroolku ku lammaanaado khatar dhaliyayaasha waawayn ee kale sida Macaanka, qiijinta sigaarka, dhiig-karta, buurnida; gaar ahaan buurni-calooleedda, da’da ka wayn konton jirka, kuwaas middkood ama in ka badani way sii toban jibbaaraan khatarta kolastaroolka ka dhalan karta.

Marka laga yimaaddo xannuunadaa waawayn kolastaroolku waxa kale oo uu  saamayn wayn ku leeyahay indhaha, maqaarka, hammada raga iyo xaglaha jidhka.


Comments

Popular posts from this blog

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?

Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19.