Posts

Maxaad ka taqaan Dhambaal-laliye yaasha Jidhka?

Image
Hay’ada jidhkeena u qaabilsan maamulka iyo maarayntu waa qaybta Nervous system-ka. Shaqada hay’adani waxay ku soo ururaysaa saddex adeeg oo isku xidhan; midd koodna la’aantiis shaqadoodu aanay suuro gelayn. Saddexdaa adeeg waxay kala yihiin:   Adeega xog keenida (sensory input). Adeegan waxa qaabilsan unugyo layidhaa “sensory nerves” oo ku xeel dheer sida xattaa inta ugu yar ee macluumaad ah looga soo ururiyo deegaanka inagu xeeran. Waxkasta oo dareemayaashaadu la falgalaan, wax kasta oo kugu xeeran, wax kasta oo deegaanka iska bedela, iyo isbedelada ka dhex socda xubnaha kala duwan ee jidhkaaga gudihiisa ayay si aan daal lahayn usoo ururiyaan. Adeega fasiraada, isku duba-ridka iyo kala naqaynta xogta (Integration and analysis of data). Adeegan waxa qaabilsan qaybaha sare ee “Nervous System” oo ka kooban maskaxda iyo xangulaha. Adeega fariin dirida (motor output), marka xogtii lasoo ururiyo, la kala naqeeyo, lana gorfeeyo ayaa waxa la diraa jawaab ka falcelinaysa xogtii la helay, t...

Sidee Qofka COVID-19 laga helay loogu Daryeeli karaa Guriga?

Image
Sida aynu lawada socono todobaadkan waxa kor u kacay tirada dadka laga helayo xannuunka COVID-19 iyo dadka la xaqiijiyay in ay u dhinteenba. Waxa hubaan ah in tiro tobanaan jeer ku libin laabanta tirada ilaa hada la shaaciyay ay fayraska siddo, amaba ay ka bogsatay iyadoo wax calaamado ah aanay kasoo if-bixin.  Duruufahan oo kale waxa loo baahan yahay in qofkastaa ogaado wixii uu yeeli lahaa hadii uu isaga shakiyo in uu qaaday xannuunkan COVID-19 ama qof la nooli uu qaaday. Maxaa kula gudboon ee aad naftaada ku baxnaanin kartaa amase qofkaas qoyska ah aad ku caawin kartaa inta uu bogsanayo. Waa in aynu ogaano in 85% dadka fayraska qaadaa ayay bilaa astaamo yihiin, 10% in astaamo aad u fudud ay isku arkaan kuwaas oo ku bogsada mudo todobaad kusiman. Halka in ka yar 5% ay u baahdaan in xarun caafimaad lagu daryeelo.  Sidaa darteed qofka guud ahaan caafimaadkiisu wanaagsan yahay ee laga helo fayrasku waa in aanu isku buuqin oo culays nafsi ah isku abuurin, waa in uu aamin...

Waa maxay Sababta Faytamiin-D Yaraantu ugu Badantay Dumarka, Sidee Ayaana Loo Saxi Karaa?

Image
Hordhac: Faytamiin-D waxa sameeya unugyada maqaarka iyagoo kaashanaya falaadhaha cadceeda. faytamiin-d gu waxa muhiim uu u yahay koritaanka iyo caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada; difaaca jidhku inuu iska caabiyo xannuunada ayaa iyana u baahan faytamiin D si uu shaqo fiican u qabto. Faytamiin D waxa u baahan unugyada maskaxda iyo dareen wadayaasha waxaanu ka qayb qaataa dheeli tirka dareenada kasoo fula maankeena. Waxa xaqiiqo ah in faytamiin-D gu inaga caawiyo iska caabiga qulubka, nafsad darrada, isku buuqa iyo werwerka. Waa walax aan sinaba looga maarmi karin oo xudub u ah dhinacyo badan oo caafimaadkeena ah. Daraasado lagu sameeyay Wadamada Iran, Saudi Arabia, iyo kuweit oo sadexduba ah wadamo muslim ah, dumarkoodu qaataan xijaab aad ugu dhow ka dumarkeenu qaataan, cadceeda ay helaana ay kaba kulushay ta wadankeena ka dhacda ayaa lagu ogaadhay in in kabadan boqolkiiba sideetan dumarku ay qabaan hoos u dhac wayn oo Vitamin-D ga ah. Wadanka Saudi-ga oo dhowr daraasado...

Maxaa ka Jira in Tallaalka Qaaxadu (BCG) ka Hortagi karo oo Yarayn karo Halista Xannuunka COVID-19.

Image
Hordhac:    Xal u raadinta aafadan xannuunka COVID-19 ee aduunkii oo dhan saamaysay ayaa waxay soo noolaysay doodo facwayn oo ku saabsan tallaalka xannuunka qaaxada (tuberculosis) ee loo yaqaan Bacillus Calmette- Guerin (BCG). Cilmi-baadhiso da’wayn ayaa mudooyin hore tilmaamay in tallaalka qaaxadu leeyahay awood uu kaga hortegi karo xannuuno kale oo aan xidhiidh lalahayn qaadaxa; iyadoo taas la tixraacayo ayaa waxa xiligan la baadhayaa bal in tallaalkani covid-19 wax ka tari karo. Tallaalka qaaxada waxa sanadkii 1921, mudo hadda laga joogo hal qarni, hindisay laba saynis yahan oo faransiis ah oo lakala odhan jiray Albert Calmette iyo Camile Guerin. Tallaalka waxa laga sameeyay bakteeriyo nool laakiin laga saaray suntii ay xannuun ku dhalin lahayd (live attenuated vaccine) ; bakteriyada oo layidhaa Mycobacterium bovis ayaa asal ahaan waxay sababtaa qaaxada lo’da ku dhacda waxaanay xagga hidde-sidayaasha iska shabbahaan bakteeriyada xannuunka qaaxada ku keenta dadka e...

Qofka Macaan Qaba iyo Khudrada: Sidee Miisaanka Sonkorta loo Dheeli tiraa Ramadaanta?

Image
Su’aalaha ugu badan ee dadka xannuunka macaanka qabaa iswaydiiyaan waxa ka mid ah cuntada noocyadee ayaan cunaa noocyadeena waan iska ilaaliyaa, gaar ahaan bishan ramadaan. Cuntadu way noocyo badan tahay hasayeeshe qormadan waxaan si kooban ugu iftiimin doonaa guud ahaan nooca aynuu soomaali ahaan u naqaan khudrad (fruits and vegetables) . Daraasad (meta-analysis) sanadkii 2014 lagu daabacay British Medical Journal ( Fruit and vegetable intake and risk of type 2 diabetes mellitus: meta-analysis of prospective cohort studies) . ayaa waxay tilmaamaysaa in dadka khudrada darayga ah badsadaa ay sifiican u xakameeyaan sonkortooda isla markaana ay ku yaryihiin xanuunada wadnuhu. Sidoo kale, T he National Institute of Diabetic and Digestive and Kidney Diseases (NIDDK): “ Diabetes Diet, Eating, & Physical Activity.” ayaa waxay dadka macaanka qaba kula talinayaan in ay iska ilaaliyaan khudrada la shiiday ee kartoonaysan, ta qasacadaysan iyo ta la qalajiyay. Khudradu waxay yaraysaa ca...

Sidee Soonku Jidhkeena uga caawin karaa iska Caabinta Xannuunada Sida COVID-19?.

Image
Yoshinori Ohsumi waxa uu sanadkii  2016 qaatay abaalmarinta Nobel ee  physiology or medicine cilmi-baadhista  uu kusameeyay Autophagy darteed .       Faa’iidooyinka ruuxiga ah iyo kuwa jidhku ka helo soonka aad ayay u tiro badan yihiin. Soonka guud ahaan, gaar ahaan bisha ramadaan, xikmadaha ku jiraa waa qaar aad u qoto dheer oo aynaan guntooda wada gaadhi karin. Waxa aynu maqaalkan ku faalayn doonaa faa’iidooyinka caafimaad ee soonka iyo sida uu inooga caawin karo soonku ka hortaga iyo iska caabinta xannuuno tiro badan oo uu ka mid yahay COVID-19. Unugyada kala duwan ee jidhkeenu, mid kasta waxa ka dhex socda falgalo aan tiro lahayn: barootiino ayuu burburiyaa, qaar kale ayuu dhisaa, oksajiin ayuu gubaa si uu tamar uga sameeyo, Isla gubidaas waxa ka dhasha walxo sun ah oo looyaqaan “oxygen free radicals” oo ay daruuri tahay in degdeg unuga looga saaro. Unugyada jidhkeenu karbon ayay abuuraan, aysiidh ayay dhaliyaan, jeermid ili-ma q...

Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19.

Ereyga “Herd” afka Soomaaliga waxay la macna tahay “xayn” ama goosan. Waxa loo adeegsadaa xoolaha qooblayda ah sida dameer farowga amaba lo’da. “Immunity” waa u adkaysi ama iska caabin. Inkastoo kelmadu afka ingiriisiga adeegsiyo dhowr ah leedahay, hadana halkan erey bixintan waxay ugu jirtaa u adkaysiga jidhkeenu u yeesho xannuunada faafa marka difaaciisu u diyaar garoobo caabuqa ee uu samaysto agabkii uu isku difaaci lahaa. Labada erey ee Herd iyo Immunity marka la isku lifaaqo waxay noqonayaan “Difaac Wadareed”. Cilmiga Epidemiology-ga erey bixinta “Herd Immunity” waxay kusoo biirtay 1930-nadii. Xiligaas dhowr cilmi-baadhe ayaa faallooyin kooban ka bixiyay sida bulsho u kasban karto difaac wadareed ay iskaga caabiyayso xannuun faafa “infectious disease,” xannuunada xiligaas la faalaynaayay waxaa ka mid ahaa jadeecada, furuqa, dabaysha iyo hablo-baasta. Hasayeeshe kelmadani waxay si xoog ah inoo soo gaadhay oo warbaahintu qaadaa dhigtay bilowgii fayraska SARS-CoV-2. Dhowr wad...