Sidee Qofka COVID-19 laga helay loogu Daryeeli karaa Guriga?
Sida aynu lawada socono todobaadkan waxa kor u kacay
tirada dadka laga helayo xannuunka COVID-19 iyo dadka la xaqiijiyay in ay u
dhinteenba. Waxa hubaan ah in tiro tobanaan jeer ku libin laabanta tirada ilaa
hada la shaaciyay ay fayraska siddo, amaba ay ka bogsatay iyadoo wax calaamado
ah aanay kasoo if-bixin. Duruufahan oo kale waxa loo
baahan yahay in qofkastaa ogaado wixii uu yeeli lahaa hadii uu isaga shakiyo in
uu qaaday xannuunkan COVID-19 ama qof la nooli uu qaaday. Maxaa kula gudboon ee
aad naftaada ku baxnaanin kartaa amase qofkaas qoyska ah aad ku caawin kartaa
inta uu bogsanayo. Waa in aynu ogaano in 85% dadka fayraska qaadaa ayay bilaa
astaamo yihiin, 10% in astaamo aad u fudud ay isku arkaan kuwaas oo ku bogsada
mudo todobaad kusiman. Halka in ka yar 5% ay u baahdaan in xarun caafimaad lagu
daryeelo.
Sidaa darteed qofka guud ahaan caafimaadkiisu wanaagsan yahay ee laga
helo fayrasku waa in aanu isku buuqin oo culays nafsi ah isku abuurin, waa in
uu aamino in uu xanuunka ka bogsanayo. Waana inuu raacaya dhamaan tallooyinka xakamaynta
Fayraska si uu u badbaadiyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo bulshadaba.
Talooyinkan degdega ah waxay ka kooban yihiin xogtii
ugu danbaysay ee kasoo korodhay maaraynta COVID-19, waxaana loogu talo galay
inay hage u noqoto hay’adaha ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa, xirfad
la’yaasha caafimaadka, iyo maamuleyaasha hay’adaha caafimaadka marka ay
maaraynayaan bukaan looga shakiyay in uu hayo xannuunkan COVID-19, amaba
bukaanka lagu arkay astaamaha xannuunka oo khafiif ah iyo dadka uu xidhiidhka
tooska ah la yeeshay. Dadka daryeel bixiyeyaasha ah ee talooyinku ku socdaa waa
dadka qofka buka u ah qareenka dhow; sida xaasaskooda, caruurtooda,
waalidiintood iyo cidii kale ee kaalmo toos ah ufidinaysa qofka buka meelna
kula nool.
Goorma ayuu qofku guriga isku baxnaanin
karaa?
Ururka Caafimaadka aduunta (WHO) waxa uu ku talinayaa
in qof kasta oo shaybaadh sax ah lagu xaqiijiyay in uu qabo xannuunka COVID-19
in la karantiimeeyo laguna daryeelo goob caafimaad oo qalabaysan. WHO waxay ku
talinaysaa qofkasta oo laga shakiyo in uu xanuunkan qaaday islamarkaana ay ka
muuqdaan astaamaha aadka u daran ee COVID-19 (severe acute respiratory
symptoms) waa in xaaladiisa si buuxda loogu qiimeeyaa xarunta ugu horaysa ee
adeega degdega ah lana siiyaa daawayn degdega ah (emergency treatment).
Marka ay jiraan duruufo adag oo aan suurto gelinayn
in dhammaan dadka xannuunka looga shakiyay lagu wada karantiimeeyo xarun
caafimaad, waa in doorka koobaad la siiyo dadka aan kasoo kaban karin daryeel
caafimaad la’aan: dadka qaba xanuunada raaga sida macaanka, xannuunada wadnaha
iyo dhiig karka, xannuunada neefsiga, kansarrada, kelyo xanuunka, iyo kuwa la
midka ah.
Dadka astaamahoodu ladifan yihiin isla markaana aan
lahayn wax khatar caafimaad oo culus waxa lagu karantiimayn karaa xarumaha dowladu
u gaaryeeshay xannuunka covid-19. Hadii aanay jirin xarumo adeegoodu fiican yahay oo
loogu tallo galay karantiimaynta bukaanka fududi waxay isku karantiimayn karaan
guryahooda iyagoo ilaalinaya borotakoolka karantiimaynta dadka buka.
Shuruudaha Isku
karantiimaynta Guriga.
Qofka xannuunkiisu fudud yahay ama aan lahaynba wax
astaamo xannuun ah looma baahna in cusbitaal lagu karantiimeeyo. Qofkaas waxa
lagu baxnaanin karaa gurigiisa hadii la helo cid sifiican u daryeesha oo
xaaladooda la socota. Sida ay tilmaamayaan daraasada ilaa hada soo baxay, dadka
aqoontoodu sarayso isla markaana awoodooda dhaqaale fiican tahay ayaa sifiican
uga faa’iida karankiimaynta guriga sababta oo ah waxay fahmi karaan dabeecada
xannuunka COVID-19, sida lagu kala qaado, astaamihiisa, sida la isaga ilaaliyo,
goorta ay tahay in qofku raadsado talo dhakhtar oo degdega ah iyo halka uu ugu
hagaagayo.
Waa in sidoo kale qofku heli karaa agabka caafimaadka
ee ka mid yihiin saabuunta ama isbiirtada gacmaha lagu nadiifiyo, maaska afka
lagu xidho, agabka guriga lagu nadiifiyo iyo qol isaga u gaar ah oo aan cidkale
la wadaagin. Waa in qofku xidhiidh la leeyahay dhakhtar dusha kala socda oo
hadii loo baahdo degdeg loo heli karo. Mudada qofku guriga isku karantiimaynayaa
waxay ku xidhan tahay ilaa inta astaamaha xannuunku ka suulayaan shaybaadhka
laga qaadaana sheegayo in fayraskii jidhkiisa ka baxay.
1. Waa
in qofka lagu hayo qol hawo fiican leh oo daaqaduhuna waa in ay furnaadaan.
2. Waa
in qofka karantiimaysan hal qof u adeego, qofkaasina markasta xidhnaado agabka
la isku ilaaliyo.
3. Qofka
waa in loo sameeyo weel keliya oo uu wax ku cuno, weelkaasna waa in aan lagu
dhex dhaqin weelka kale ee guriga.
4. Waa
in si joogto ah loo masaxo meelaha taabashadu ku badan tahay, sida handaraabka
albaabka iyo wixii la mid ah.
5.
Astaamaha
Tilmaamaya Khatar:
Hadii
qofku isku arko astaamahan soo socda waa in uu dhakhso ula xidhiidho dhakhtar.
1. Qofka
oo uu ku adkaado neefsigu
2. Kaar
joogto ama cadaadis uu ka dareemo laabta
3. Dawakhaad
iyo isagoo wax kala garan waaya
4. Qofka
oo awoodi kari waaya in uu tooso ama soo jeedo
5. Dibnaha
iyo wajiga oo buluug noqda taasi oo tilmaamaysa oksajiinta oo ku yar
Ugu danbayn, xannuunkani
inta badan waa astaamo fudud yahay. Khatartiisu waxay ka timaadaa sida degdega
ah ee uu u fido iyo dadka badan oo bulshadeena ah oo u jilicsan, gaar ahaan
dadka da’da ah iyo kuwa xannuunada kale gaba. Isku day inaad kuwaas, oo ah
dadka inta inoo qaalisan ee aynu jecelnahay, badbaadiso.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.