Maxaad ka taqaan Dhambaal-laliye yaasha Jidhka?

Hay’ada jidhkeena u qaabilsan maamulka iyo maarayntu waa qaybta Nervous system-ka. Shaqada hay’adani waxay ku soo ururaysaa saddex adeeg oo isku xidhan; midd koodna la’aantiis shaqadoodu aanay suuro gelayn. Saddexdaa adeeg waxay kala yihiin:


  1.  Adeega xog keenida (sensory input). Adeegan waxa qaabilsan unugyo layidhaa “sensory nerves” oo ku xeel dheer sida xattaa inta ugu yar ee macluumaad ah looga soo ururiyo deegaanka inagu xeeran. Waxkasta oo dareemayaashaadu la falgalaan, wax kasta oo kugu xeeran, wax kasta oo deegaanka iska bedela, iyo isbedelada ka dhex socda xubnaha kala duwan ee jidhkaaga gudihiisa ayay si aan daal lahayn usoo ururiyaan.
  2. Adeega fasiraada, isku duba-ridka iyo kala naqaynta xogta (Integration and analysis of data). Adeegan waxa qaabilsan qaybaha sare ee “Nervous System” oo ka kooban maskaxda iyo xangulaha.
  3. Adeega fariin dirida (motor output), marka xogtii lasoo ururiyo, la kala naqeeyo, lana gorfeeyo ayaa waxa la diraa jawaab ka falcelinaysa xogtii la helay, taasna waxa qaabilsan qaybaha sare waxaana fuliya muruqyada iyo xubnaha darafyada.

Saddexdaa qodob ayaa lagu soo koobi karaa shaqada nidaamka nervous system-ka. Hadaba, hay’ad kastaa waxay leedahay shaqaale hoosaad howsha wada, shaqada maalin laha ahna fuliya; shaqaalahan waxaa loo yaqaan foot-solders. Hay’adan, waa nervous system-ka e, unugyada u howl gala “foot-solders-keedu” waxa loo yaqaan Neurons. Neuron-nadu waa unugyo xirfadooda iyo howl karnimadooda laga wareeray marka la eego sida ay fariimaha ugu kala qaadan qaybaha jidhka ee kala duwan. Shaqooyinka Neuron-nadu qabtaan aad ayay u kala duwan yihiin sidaa darteed neuron-nadu waxay ku kala duwan yihiin qaab-samaysan kooda, xajmigooda, iyo astaamahooda kimikaad ee ay ku kala war qaataan

Sidaas oo ay tahay,ayaa waxa jira dhowr xaqiiqo oo ay tahay in aynu fahano si aynu uga boggano walxaha kimikaad ee maqaalkani ka faaloonayo. Xaqiiqada koobaad waxa weeye; neuron-nadu islama gaadhaan dacalada oo isma taabtaan. Laba neuron oo kasta waxa u dhexeeya isgoys bannaan. Isgoyskaas bannaan waxa loo bixiyay Synaptic Cleft. Sua’aashu waxa weeye hadii aany neuron-nadu is taaban oo dacallada islaba gaadhin sidee ayay fariimaha isugu dhiibaan? Siday u wada hadlaan? Miyaanayse xogtii labada neuron kala qaadan lahaayeen isgoyskaas bannaan ku lumayn?.

Waa su’aalo meesha qabta. Maqaalkani waxa uu ka jawaabayaa su’aalahaas aad is waydiisay. Waxaan dhex quusi doonaa caalam dhan oo aad u xeel-dheer, waxaynu ka sheekayn doonaa walxo ka samaysan maadado kimiko ah oo neuron-nadu ku wada hadlaan. Soo dhawaw oo Ilaahay “subxaanahu wa tacaalaa” mahadiisa xasuusnow.

Bal suuree laba neuron oo isku xidhiidhsan, laakiin isgoys bannaani u dhexeeyo, oo raba in ay kala war qaataan. Midkood ayaa xog sida waxaana uu rabaa inuu ka kale usii gudbiyo si kaasina midka kusii xiga ugu sii gudbiyo,ugu danbaynna waa in xogtaa yoolkii loo waday la gaadhsiiyo. Neuron-kii xogta siday walax kimiko ka samaysan ayuu kusiidaayaa isgoyskii bannaanaa; maadadaas ayaa dhex dabbaalata isgoyskii una gudubta dacalkii soo xigay ee neuron-ka kale. 

Walxaha noocan ah waxa loo bixiyay Neurotransmitter: Sida magaceeda laga dheehan karo waa dhanbaal laliye fariimaha ka tallaabiya isgoys-yada bannaan. Howl-galkaa fariinta lagaga tallaabinayo Isgoyska waxa lagu magacaabay “Neurotransmission”. Dhanbaal laliye-yaal “neurotransmitters” bilyanno ka badan ayaa ukala war qaada jidhkeena ilbidhiqsi kasta oo aynu noolnahay. Waxay maamulaan, maareeyaan, oo isku dheeli tiraan shaqo kasta oo jidhkeenu qabanayo laga bilaabo garaaca wadnaha, needsiga, hurdada, baqdinta, farxada, muragada, dhadhanka, jacaylka iyo shaqo kasta oo jidhku qabto.

Hadaba maxaa laga ogyahay sida Neurotransmitter-ku u shaqeeyo?

Xaqiiqada labaad; neuron-nadu waxay gudbiyaan fariinta oo ku lifaaqan mowjad danab ah “electric impulses”, mowjadaas oo dhex qulqulaysa neuron-ka ayaa gaadha dacalka uu ku dhamaado ee isgoyska kulaalayay. Neuron ku waxa uu dacalka kuleeyahay kiishash ay ku jiraan walxaha kimikada ah ee u shaqeeya habkaas dhanbaal lalinta ah. Walaxda kimikada ah “neurotransmitter” ayaa lagu wareejiyaa fariintii uu neuron ku siday; iyadaana kala tallaabta isgoyska oo fariintii (electric impulse) u dhiibta unugii loo waday, hanoqodo unugyada neerfeyaasha (neuron) ama unugyada muruqyada (myocytes).

Dhanbaal laliyuhu “neurotransmitter” marka uu ka gudbo isgoyska u dhexeeya labada neuron ee uu la midoobayo unuga uu u socday, meel gaar ah oo loogu talo galay ayuu kaga xidhmaa; inta kale ee unuga lama falgeli karo. Meeshaas gaarka ah ee uu dhanbaal laliyuhu qabsanayo waxa loo yaqaan risabtar “receptor”. Dhanbaal laliyaha iyo risabtarkiisu waxay isku yihiin sidii quful iyo fure oo kale oo macnaheedu yahay risabtar kasta dhanbaan laliye keli ah uunbaa la midoobi kara oo ka shaqaysiin kara.

Dhanbaal laliye-yaasha “Neurotransmitter”-waxa loo qaybiyaa dhowr nooc iyadoo la eegayo saamaynta ay reebto fariinta ay sidaan. Hadii dhanbaal laliyaha fariinta uu sidaa ay dardar geliso unuga ay u tagtay oo uu howl-gal bilaabo ama howl socotay sii karaariyo, waxa la odhanayaa waa dhanbaan laliye dardar geliye ah (excitatory neurotransmitter). Noocan waxa tusaale u ah epinephrine (adrenaline) iyo norepinephrine ( noradrenaline).

Hadii dhanbaal laliyahu fariinta uu sidaa ay hakis geliso unuga ay u tagtay oo howl-gab ay ka dhigto, shaqadii uu wadayna uu joojiyo, waxa la odhanayaa waa dhanbaal laliye howl-dabre ah (Inhibitory neurotransmitter). Noocan waxa tusaale u ah Gama-aminobutyric acid (GABA). Waxaase jira nooc saddexaad oo iyagu marna dardar geliye noqda marna howl-dabre noqon kara taasoo ku xidhan hadba neuronka ay xadanteeyaan. Noocan danbe waxa tusaale u ah acetylcholine iyo dopamine. Nooc afraad ayaa jira oo dhowrkaa nooc ee hore ka duwan. Noocan waxa uu saamayn karaa Neuronno aad u badan, meelo badanna kula yaal, waxaana lagu magacaabaa “Neuromodulators.”

Hadii dhinac kale looga wareego, neurotransmitter-rada waxa loo qaybiyaa dhowr kooxood iyadoo markan la eegayo maadada kimikaad ee ay ka samaysan yihiin. Waxa jira dhanbaal laliye-yaal ka samaysan amyno- aysiidh (amino acids) sida GABA iyo Glutamate; qaar kale ayaa ka samaysan Peptide oo ay tusaale u yihiin oxytocin iyo endorphin. Koox kale oo tiro badan, noocyo kala duwana leh ayaa iyaguna ka samaysan maadada Monoamine, kuwan waxa ka midd ah epinephrine, norepinephrine, histamine, dopamine, iyo serotonin.

Maxaa laga yeelaa dhambaal-laliyaha marka uu guto shaqadii laga rabay?

Marka uu howshiisa dhamaysto, dhambaal laliyihii waa in meesha laga saaro si aanu fariintii loo soo dhiibay usii xad-dhaafin. Saddex arimood midkood ayuunbaa dhacday:

  1. Degradation: insaym ayaa loosoo diraa dhambaal laliyaha bedela qaabka uu u dhisan yahay, si isaga iyo risabtarkiisu aanay isu fahmin, shaqadiina loo joojiyo.
  2. Diffusion: dhambaal-laliyihii meeshii loogu talo galay in uu ka howl galo ka guura oo meelo kale oo aanu dowr ku lahayn la isu dhaafiyo.
  3. Re-uptake: dhambaal-laliyiha, gebigiisaba, in dib loogu celiyo kiishkii laga soo daayay oo dib loo cabbeeyo.

Dhambaal-laliye yaasha khalkhal ma ku dhici karaa?

Sida ay u khalkhali karto shaqada xubno badan oo jidhka ah, ayaa dhanbaal-laliye yaashuna u khalkhali karaan. Siyaalaha khalkhalkaasi u dhici karo waxa ka mid ah:

  • Unugyada neerfaha (Neuron-nada) oo samayn kari waaya mid ka mid ah dhambaal laliye yaasha (neurotransmitter)
  • Waxa dhici karta in dhambaal laliyaha si degdeg ah loogu celiyo kiishkii uu ku kayd sanaa ee laga soo daayay; taasina ay soo gaabiso wakhtigii larabay in uu fariinta gudbiyo.

  • Waxa dhici karta in lasoo daayo xadi aad u badan oo dhambaal-laliye keli ah,taasina ay xadka ka saarto shaqadii u qaban lahaa isuna bedesho xannuun.

Marka dhambaal-laliye yaasha ay saameeyaan xannuuno ama dawooyinka qaar waxay qofka ku keenaan xaalad caafimaad daro oo ay adagtay in la buuxda loo saxo. Tusaale ahaan, xannuunada Alzheimer, Suuxdinta (epilepsy), Parkinson’s dhamaantood waxay ka dhashaan khalkhal ku yimid dhambaal-laliye. Khubarada caafimaad maskaxda ayaa aad u daraasadeeda dhambaal laliye yaasha maskaxda iyo neerfayaasha isaga dab-qaada. Waana sababta inta badan dadka ay haleelaan xannuunada maskaxdu loogu qoro dawooyinka la aaminsan yahay in ay isu-dheeli tiraan dhambaal-laliye yaasha (neurotransmitter) ka jidhka.

Xannuunada maskaxda sida qulubka (Depression), anxiety, waswaaska (obssessive compulsive disorder), schizophrenia iyo kuwo kale oo badan ayaa lagu daweeyaa dawooyin u shaqo eg dhambaal-laliye yaasha sida dawooyinka la isku yidhaa (selective serotonin reuptake inhibitores (SSRI), kuwa qulubka lagu maaayeeyo ee Tricyclic anti-depression (TCA), iyo kuwa la yidhaa Benzodiazepines.    

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"

Saamaynta korinta iyo tababariddu ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka "The behaviourist approach"