Maxaa ka Jira in Tallaalka Qaaxadu (BCG) ka Hortagi karo oo Yarayn karo Halista Xannuunka COVID-19.
Hordhac: Xal u raadinta
aafadan xannuunka COVID-19 ee aduunkii oo dhan saamaysay ayaa waxay soo
noolaysay doodo facwayn oo ku saabsan tallaalka xannuunka qaaxada (tuberculosis)
ee loo yaqaan Bacillus Calmette- Guerin (BCG). Cilmi-baadhiso da’wayn ayaa
mudooyin hore tilmaamay in tallaalka qaaxadu leeyahay awood uu kaga hortegi
karo xannuuno kale oo aan xidhiidh lalahayn qaadaxa; iyadoo taas la tixraacayo
ayaa waxa xiligan la baadhayaa bal in tallaalkani covid-19 wax ka tari karo.
Tallaalka qaaxada waxa sanadkii 1921, mudo hadda laga joogo hal qarni, hindisay
laba saynis yahan oo faransiis ah oo lakala odhan jiray Albert Calmette iyo
Camile Guerin.
Tallaalka
waxa laga sameeyay bakteeriyo nool laakiin laga saaray suntii ay xannuun ku
dhalin lahayd (live
attenuated vaccine);
bakteriyada oo layidhaa Mycobacterium
bovis ayaa asal
ahaan waxay sababtaa qaaxada lo’da ku dhacda waxaanay xagga hidde-sidayaasha
iska shabbahaan bakteeriyada xannuunka qaaxada ku keenta dadka ee Mycobacterium
tuberculosis. Sidaa darteed marka ilmaha lagu mudo tallaalkan, oo sida aynu
sheegnay ka samaysan bakteeriyo nool laakin bilaa xannuun-dhaliye ah, waxa
tallaalku cariyaa difaaca jidhka isagoo heegan gelinaya dhammaan unugyada
jidhka u qaabilsan ka hortaga bakteeriyada Mycobacterium
Tuberculosis (TB).
Marka bakteriya dhab ah oo xannuun dhaliyaheedii wadataa jidhka soo weerarto difaacii waa diyaar, si fiican
ayaana looga hortagaa oo loo baabiiyaa. Waasidaa sida tallaalkani u shaqeeyaa.
Nasiib
wanaag faa’iidada tallaalkani kuma koobna ka hortaga qaaxada oo kali ah. Tallaalkani
waxa uu ka mid yahay tallaalada loogu adeegsiga badan yahay aduunka. Sanadkasta
tobannaan kun oo caruur ah, gaar ahaan kuwa kunool wadamada dhaqaalahoodu
hooseeyo, ayaa tallaalkan kaga badbaada bukaanimo iyo dhimasho. Tallaalkani
waxa uu yareeyay caabuqyada ku dhaca neef-mareenka (respiratory infections),
sumowga dhiiga (sepsis), iyo guud ahaan dhimashada caruurta da’doodu ka
yartahay hal sano (neonatal mortality) iyo u dhimashada xannuuno aan xidhiidh
la lahayn bakteeriyadii loogu talo galay (overall childhood mortality).
Faa’iidooyinkan aan la filayn ee ka dhashay tallaalkan qaaxada (BCG) waxa loo
yaqaan “heterologous immunity,” waxayna ku qotontaa aragti cilmiyeed aynu
maqaalka qaybtiisa danbe ku sharaxi doono.
Aqoonta caafimaadku
waxay samaysay horumar aad u wayn labaatankii sano ee ugu danbeeyay, taasi
waxay keentay in fahmo in tallaalkan BCG
loo adeegsan karo daawaynta xannuuno aan wax xidhiidh ah la lahayn
qaaxada haba yaraatee. Xannuunada ay ka mid yihiin kansarka kaadi haysta
(Bladder cancer), noocyo kamid ah kansarka dhiiga, iyo kansarka maqaarka
(melanoma) ayaa lagu maareeyaa BCG.
Aynu
usoo degno biyadhaca maqaalka. Maxaa soo nooleeyey doodaa faca wayn, waase
maxay xidhiidhka u dhexeeya tallaalka qaaxada ee BCG iyo xannuunkan COVID-19?. Aynu eegno waydiinta ah maxaa soo nooleeyay?
Dhowr daraasadood oo aan rasmi loo daabicin ayaa waxay is barbardhigayaan sida
xannuunkan COVID-19 ugu faafay dhowr wadan oo dadkooda siiya tallaalkan qaaxada
iyo dhowr wadan oo mudo hore tallaalka ka joojiyay dadkooda. Daraasadahani
waxay istuseen in xannuunka COVID-19 halistiisa iyo faafidiisuba ay ku badnayd
wadamadii tallaalkan hore uga joojiyay bulshooyinkooda, laakiin wadamada
tallaalku wali ka socdo, xannuunka COVID-19 faafidiisa iyo halistiisuba, waxa
la arkayay, in ay ladifantay. Tusaale, burtaqiiska oo ah wadamada wali
adeegsada tallaalka BCG xannuunku waxa uu soo riday 16,000 qof, dhimashaduna
waxay ahayd 535; halka isbayn xannuunka COVID-19 uu soo riday 169,000 qof,
dhimashaduna tahay 17,000 (tirakoobkani waxa uu sax ahaa 13-April 2010).
Culimada
ku doodaysa in tallaalka Bacille Calmette Guerin (BCG) leeyahay awood muctabar
ah oo uu ku yareeyo faafida xannuunka COVID-19 isla markaana uu ku yareeyo
halista xannuunka waxay daliishanayaan xaqiiqooyin laga bartay habka difaaca
jidhkeenu u shaqeeyo. Laba erey bixinood ayaad in badan lakulmi doontaa hadii
aad is tidhaa wax ka akhri maqaalo cilmi-yeedka ilaa hada laga qoray mowduucan
kusaabsan tallaalka qaaxada iyo covid-19. Labadaa erey bixinood oo kala ah “Trained Immunity” iyo “Heterologous Immunity” ayaynu
si kooban halkan ugu sharaxi doonaa si akhristaha ugu fududaato in uu fahmo
xidhiidhka ka dhexeeya tallaalka BCG-ga iyo xannuunkan COVID-19 ee aafada
noqday.
Waa maxay trained immunity?
Cilmiga
difaaca jidhka ee la yidhaa Immunology waxa uu aaminsan yahay in difaaca
jidhkeenu ka kooban yahay laba qaybood oo waawayn. Qayb la yidhaa Innate
immunity oo ah difaaca safka hore. Unugyada qaybtani waxay ka hortagaan
dhammaan wixii xannuun dhaliye ah ee jidhka soo weerara (they defend against
all invading pathogens) umana kala soocna fayrasyada iyo bakteeriyadu sidaa
darteed malaha takhasus gaar ah, mana yeeshaan xasuus raagta, howl-galkooduna
waa degdeg (fast action, nonspecific response, memoryless). Tallaalka BCG waxa
la ogaaday in uu unugyada Innate Immunity-g u yeelo xasuus guud oo ay ku
gartaan xannuun dhaliyeyaal ay ka mid yihiin fayrasyo ay isku qoys yihiin
SARS-CoV-2. Xasuustan cusub ee tallaalku
keenay ayaa layidhaa “Trained Immunity”
waana arinta la quud daraynayo in ay wax ka tarto kahortaga COVID-19.
Waa maxay Heterologous Immunity?
Qaybta
labaad waxa la yidhaa Adaptive Immunity waa difaaca dufcada labaad waxa uu ka dhashaa
marka unugyada difaacu bartaan xannuun dhaliyaha ee kadibna isku diyaariyaan. Adaptive
immunity waxa lagu kasban karaa tallaal ama in xannuunku qofka mar ku dhaco oo
uu marka labaad u diyaar garoobo. Adaptive immunity waxa astaan u ah inuu gaabis
yahay, xasuus dheer u yeesho xanuun dhaliye yaasha isla markana u gaar yahay
uun xannuun dhaliye keli ah. Sidaa ayaa hore loo aamin sanaa; laakiin waxa la
dhawaan la ogaaday in tallaalka BCG uu adaptive immunity-ga ka dhigi karo in uu
xasuusto kana hortago xannuun dhaliyeyaal aan hore u soo marin. Daahfurkan cusub
waxa lagu magacaabaa Heterologous immunity.
Marka aynu soo koobno tallaalka qaadaxa ee BCG labadii garab ee difaaca jidhkaba si wayn ayuu wax uga bedelay waxaanu kusoo kordhiyay awoodo cusub oo aanay hore u lahayn. Awoodahaas oo la rabo in la hubsado bal in ay wax ka tari karto faafida fayraska SARS-CoV-2, yarayn kartona halista COVID-19.
Majiraan wax tijaabooyin ahi?
Natiijada
mutuhiska ah ee kasoo baxda Isbarbar dhig lagu sameeyay dhowr wadan noqon mayso
xaqiiqo cilmi ah, sidaa darteed ayaa ugu yaraan lix dal ayay kasocdaan
daraasado rasmi ah oo lagu baadhayo in tallaalka qaaxada ee BCG uu awood u
leeyahay in uu ka hortago xannuunka COVID-19.
Yaase ugu
habboon ee daraasadahan lagu tijaabiyaa ee ka ahayn shaqaalaha caafimaadka. Mac-hadka
Murdoch Childrens
Research Institute, oo kuyaal Melbourne, Australia, ayaa
noqday xaruntii ugu horeysay ee shaqaalaheeda caafimaad ku tijaabisa tallaalka
BCG bal in uu ka ilaaliyo xannuunkan COVID-19. Daraasad nooceedu yahay
“Randomised controlled trail” ayaa waxa ka qayb gelaya 4170 qof oo shaqaale
caafimaad ah; dadkaas waxa qayb kamid ah lagu turqi doonaa tallaalka, qaybna
waxa ay kushaqayn doonaan qalabka imikaba la isku ilaaliyo. Waxa la eegi doonaa
in kuwa tallaalka qaatay ay ka adkaysi bataan kuwa aan qaadan.
Daraasadan
oo kale waxa laga wadaa Jaamacada Radboud University, Netherlands oo ay ka qayb gelayaan 1500 oo shaqaale caafimaad
ah. Daraasad saddexaad oo ay iska kaashadeen Harvard
school of medicine iyo Texas A&M University oo ay ka qayb gelayaan 1800 oo shaqaale
caafimaad ah ayaa iyana ka socota dalka maraykanka. Saddexdaa cilmi-baadhisood
iyo qaar kale oo kasocda masar iyo
israa’iil waxay baadhayaan bal in ay dhab tahay awooda la sheegay in uu
leeyahay tallaalka qaaxadu ee uu ku caabiyo caabuqa ay dhaliyo fayraska
SARS-CoV-2. Jawaabta kama danbaysta ah waxay kasoo bixidoontaa daraasadahaa
socda hadii la xaqiijiyo in tallaalkani caabiyi karo COVID-19 waxay noqon
doontaa tallaabo wayn oo loo qaaday xaga loodinta COVID-19.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.