Qofka Macaan Qaba iyo Khudrada: Sidee Miisaanka Sonkorta loo Dheeli tiraa Ramadaanta?

Su’aalaha ugu badan ee dadka xannuunka macaanka qabaa iswaydiiyaan waxa ka mid ah cuntada noocyadee ayaan cunaa noocyadeena waan iska ilaaliyaa, gaar ahaan bishan ramadaan. Cuntadu way noocyo badan tahay hasayeeshe qormadan waxaan si kooban ugu iftiimin doonaa guud ahaan nooca aynuu soomaali ahaan u naqaan khudrad (fruits and vegetables) . Daraasad (meta-analysis) sanadkii 2014 lagu daabacay British Medical Journal ( Fruit and vegetable intake and risk of type 2 diabetes mellitus: meta-analysis of prospective cohort studies) . ayaa waxay tilmaamaysaa in dadka khudrada darayga ah badsadaa ay sifiican u xakameeyaan sonkortooda isla markaana ay ku yaryihiin xanuunada wadnuhu. Sidoo kale, T he National Institute of Diabetic and Digestive and Kidney Diseases (NIDDK): “ Diabetes Diet, Eating, & Physical Activity.” ayaa waxay dadka macaanka qaba kula talinayaan in ay iska ilaaliyaan khudrada la shiiday ee kartoonaysan, ta qasacadaysan iyo ta la qalajiyay. Khudradu waxay yaraysaa ca...