Taariikhda Argagixisanimada Dowladaha iyo Ereyga "Terrorism" halka uu kasoo Unkamay.
Inkasta oo ereyga Argagixiso (terrorism) uu ka mid yahay erey-yada warbaahinta, siyaasiyiinta iyo bulshada akademigu ugu adeegsiga badan yihiin hadana ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku waafaqsan yahay. Taasi waxa u sabab ah kala fogaanta danaha quwadaha aduunka oo mid kastaa rabo inuu ereygan u xambaariyo macne iyo nuxur isaga raali geliya si uu ugu fushado danaha istiraatijiga ah ee uu wato.
Dooda qeexitaanka dib
ayaynu u dhigannay laakiin qormadan waxaynu ku eegaynaa Taariikhda
ereyga “Terrorism”, iyo halkuu kasoo
jeedo, siduu inagu soo gaadhay, iyo cida hidaha u lahayd. Inaynu erey bixin
kasta asalkeeda ogaano waxay inaga caawinaysaa in aynu fahano dagaal diimeedka
ee inagu socda iyo weerarka Nebiga (SCW) lagu hayaa ujeedad laga leeyahay.
Fikrada iyo adeegsiga argagaxisonimadu waxay si adag
ugu soohantahay taariikhda, falsafada, iyo dhaqanka yuhuuda iyo kiristanka, waa labada la isku yidhaahdo “Judo-christian”. Marka la raad guro dibna loo
raaco bilowgii Ereyga argagixiso waxa markiiba taariikhda ka dhex muuqda kooxo Yuhuud
xag-jir ahaa oo la odhan jiray Sicarii, kuwaas oo ku hubaysnaan jiray golxobyo
afwayn, oo ay ku khaarajin jireen dadka ay is qabtaan; kooxahan oo uu xusay
Josephus Flavius waxay ka horyimaadeen dawladii Rome sanadkii 70 AD, waxay ka
mid yihiin mucaaradkii ugu horeeyay ee loogu yeedho Argagixiso. Inkasta oo
ururo yaryar oo yuhuud ahi ay ka koryimaadeen Rome, hadana marka laga hadlayo
adeegsiga siyaasad habaysan oo ku qotonka argagixin iyo cabsi abuurida waxa ugu
horeeyay kacaankii faransiiska.
Taariikhda inta la
ogyahay Ereyga terrorism waxa uu ka yimid ereyga faransiiska ah ee Terrorisme, oo isna laga soo dhanbalay
ereyga Latin-ka ah ee Terror
macnihiisuna yahay “cabsi xad-dhaaf ah” .
Markii u horaysay ee
ereyga “terror” xeer sharci ah lagu
dhex xuso waxay ahayd sanado yar uun kadib kacaankii faransiiska; markaas oo
sanadkii 1793 golihii guud ee kacaanka faransiisku soo saaray xeer uu ku aqbalayo in
argagixin wax lagu maamulo; dadka kacaanka faransiiska ka soo korjeedana lagu kiciyo guluf argagixineed. Mudadaad xeerka argagixinta faransiiska lagu maamulayay waxa
loo bixiyay La Terreur (Reign of Terror) oo noqonaysa xukunkii argagaxa. Maximilien Robespierre oo
ahaa hogaamiyaha kacaanka faransiiska waxa uu ku andacooday "Terror is nothing
other than justice, prompt, severe, inflexible” argagixintu waxa weeyaan uun
caddaaladii oo degdeg ah, xannuun kulul oo aan la leexleexin.
Gudi lagu magacaabay “nabad-gelyada
dadwaynaha” oo loo xilsaaray fulinta siyaasadaha “argagixinta” ayaa iyana loogu
yeedhi jiray “Terrorists” argagaxiye-yaal. Xiligaas ereygan argagaxiso waxa uu
dalka faransiiska ka ahaa wax lagu faano oo loo fasiray in ujeedadiisu tahay
ilaalinta kacaanka iyo horumarka dalka.Waxa taariikhdu sheegtaa in ilaa shan
boqol oo kun oo qof lagu xidhay dalka faransiiska iyadoo la adeegsanayo
sharciga argagixinta; todoba iyo toban kun oo qof ayaa la khaarajiyay iyadoo la
adeegsanayo sharcigan argagixinta. Waxa la yaab leh in ninkii sharciga
argagixinta hindisay ee kumanaanka qof ku khaarajiyay, waa Maximilien Robespierre’e, isna ugu
danbayntii, kurka laga jaray iyadoo loo adeegsanayo isla sharcigii uu isagu
alifay.
Muran kama
jiro in Maximilien
Robespierre iyo kacaankii faransiisku
ay ahaayeen aabaha sharciga ah ee Argagixin wax ku hogaaminta: ciijinta
mucaaridka, weetaynta iyo baraq-jabinta bulshada si ay u fududaato
maamulideedu. Hasayeeshee, marka laga hadlayo falsafada aqoonneed ee usii
bud-dhigtay suura galnimada Argagax-gelin wax lagu
maamulo, waxaan la hilmaami karin faylasuuf iyo lataliye-siyaasadeed
(philosopher and Political advisor) oo talyaani ah lana odhan jiray Nicollo
Machiavelli (1469–1527).
Machiavelli
buug caan ah (The Prince) oo uu qoray waxa uu ku leeyahay “A prestige of cruelty” be used to maintain law and order and to
torrorize potential political enemies: waa in la isticmaalo cunfi aad u
heer sareeya oo “ili-qabatay ah” si loo ilaaliyo sharciga iyo kala danbaynta
iyo si loo cabsi geliyo cadowga siyaasadeed ee iman kara. Machiavelli waxa uu
leeyahay waxa hogaamiyaha u fiican in la jeclaado lagana baqo, laakiin marhaday
adagtahay in labadu kugu kulmaan, waxa hogaamiyaha u amaan badan in laga baqo
oo dadka uu cabsi iyo salbabaqe kurido si uu u muquunin karo. Ninkani waxa uu
ka mid yahay aqoonyahanka tirada badan ee u sii geed-xaadhay adeegsiga
siyaasada argagaxinta ee xiliyadii danbe
dowlado badan oo Yurub ahi ay ku dhaqmeen.
“Xukunkii Argagaxinta” ee
faransiisku wuu ka wada duwan yahay dhamaan xukunnadii kale ee adeegsaday dhiig
daadin iyo gowrac xad-dhaaf ah si ay dhidibada ugu taagaan dowlado aan waarin. Faransiisku
waxa uu la gaar noqday, inuu ahaa, markii aad loo baadhay taariikhda casriga ah,
dowladii ay isu-dumto wixii ay hanti, hub iyo abaabul heli karto si ay u
xasuuqdo dad siyaasada iyo mabaadi’da kaga soo horjeeda iyadoo adeegsanaysay
qaanuun u maxlelaya Argagixinta. Bruce Hoffman waxa uu leeyahay “Xukunkii
Argagaxinta” ee faransiisku laba astaamood ayaa la wadaagay dhigiisa ururada
argagaxisada qarniga 21 aad. Kow, waxa uu ahaa mid abaabulan, oo badheedh ah
isla markaana nidaam ku salaysan. Marka labaadnn, hadafkiisa siyaasadeed ee ugu
wayni waxa uu ahaa in uu abuuro bulsho cusub oo ka wanaagsan isla markaana
bedesha tii hore ee ay dishoodeen musuqmaasuqa iyo sinnaan la’aantu; labadaas
astaamoodba waa rukumada ay ku taagan yihiin inta badan ururada argagixisada ee
casriga ahi. Sida taariikh-yahanadu xaqiijinayaan kacaankii faransiiska iyo
aragtidii hogaamineed ee uu unkay waxay ahaayeen daraggadii lagu canqariyay
hogaaminta ku salaysan argagaxinta, waxay ahaayeen degelkii lagu gardaadiyay ee
uu ku tisqaaday.
Fikrada siyaasadeed ee “Argagaxintu” waxay ku fiday
Yurub oo dhan; ruushka waxa fikradan la wareegay oo sii naaxiyay Mikhail
Bakunin (Dhashay May 30, 1814,
Premukhino, Russia—dhintay July 1 1876, Bern Switzerland)
oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaada “Anarchism”
ama “Qaswadeenada” iyo Sergey Nechaev oo isna ahaa argagiso mudo dheer u
dagaalamay mabda’a “Nihilsim”. Iyagoo ka dhimbiil qaadanaya fikradii
ragaa hore ayaa Nikolai Morozov iyo koox uu hogaaminayo waxay dalka Ruushka ka
aasaaseen ururkii argagixiso ee ugu horeeyay The Narodnaya Volla (People’s Will) oo
magaciisu noqonayo rabitaanka dadwaynaha; marka taariikhda casriga ah laga
hadlaayo. Ururo kuwaas la mid ah
ayaa ka samaysmay Serbia, Hungry iyo Germany. Serbian Black Hand waxa uu ahaa
ururkii argagixisada ee sababay dagaalkii koobaad ee aduunka markay shirqool
kudileen Archduke Ferdinand iyo
xaaskiisii 28 June 1914.
Wakhtigaa aynu ka hadlayno
kelmada Argagixiso ee lagu tilmaansan jiray ururada yurub ka dhismay waxay
lahayd dhadhan togan oo lala xidhiidho gobanimo doon, cadaalad raadis, dulmi la
dagaalan waxaana loo arkayay in ay tahay hubka inta taagta darani kaga hortagto
burjuwaasiyiinta, hantigoosadka, iyo imbiryaaliyada. Waxa la yaab leh in markii
ugu horaysay ee kelmada “Terrorism” ay dunida islaamka usoo tallowday ahayd
markii gumaysigii faransiisku qabsaday dalka Aljeeriya. Faransiisku waxa uu
bilaabay inuu gumaysiga qabatinsiiyo muslimiintii reer Aljeeriya oo uu cagta
hoosteeda geliyo. Waxa uu doonay inuu diintooda, dhaqankooda iyo afkoodaba ka
masaxo; inuu Aljeeriya ka dhigo faransiis. Laakiin taasi way u socon wayday
waxaana lagala horyimid iska caabin xoogleh iyo jihaad ay culimada islaamku
hogaan u yihiin. Halkaas ayaa, sidii caadada faransiisku ahayd, dadkii
faransiiska ka soo horjeeday, ee xaq u dirirka ahaa, lagu duray inay yihiin
Argagixiso.
Ugu danbayn, erey-bixinta
argagixiso-nimada iyo aragtiyaha musdanbeedka u ahiba waxay ku arooraan
kacaankii faransiiska iyo bilowgii hore ee dhismaha jamhuuriyada faransiiska.
Waxa sii dhidbay siyaasadii gunta-kasiibida ahayd ee gumaysta faransiisku kula
dhaqmay wadamadii iyo bulshooyinkii uu xooga ku qabsaday. Maanta jamhuuriyada
faransiisku cuqdad wayn ayay ka qabtaa taariikhdeeda, werwer wayna waxay ka
qabtaan in, sida isbedelka dunidu u socdo, mar’uun lagula xisaabtamo godobihii
ay ka gashay boqolaal milyan oo qof oo aduunka ku nool.
Siyaasadaha Islaam
nacaybka ah ee Macron wado waxay salka ku hayaan in taariikhda godobaysan ee
dalkiisa cid kale dusha loo saaro, amaba ugu yaraan la badhxo dheg xumada iyo
nacaybka huursan ee bulshooyin badan u hayaan faransiiska. Taasna waxa lagu
gaadhi karaa, waa sida Macron iyo faaliye-yaashiisu u fikiraane, in
Muslimiinta, oo ah dadka ugu badan ee faransiisku jariimooyin ka galay, laga
dhigo qaar mutaystay tacadiya loo geystay iyadoo loo sawirayo inay yihiin dib-u-dhacayaal
cunfi badan oo khatar ku ah hab-nololeedka dadka faransiiska.
Allaah Mahad leh.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.