Rousseau: Faylasuufkii Gadoodsanaa. Qaybta III
Aragtida Rousseau ee Waxbarasha
“Child-raising is the difficult art of ruling without a mandate and of doing everything by doing
nothing”.
Rousseau waxa uu qoray buugiisa “EMILE, or On Education”. Buugu waxa weeye dood cilmiyeed uu ku sharaxayo aragtidiisa ku saabsan guud
ahaan Waxbarashada iyo ahamiyada ay u leedahay dhismaha qofka iyo qarannimada. Si
loo fahmo aragtida Rousseau ee Waxbarashada aynu dib u milicsano fikrada udub
dhexaadka u ah gebi ahaanba falsafada Rousseau. “Qofka bani’aadamka ahi wuxuu
ku dhashaa xaalad dabiici ah (natural goodness of man) isagoo damiirkiisu
nadiif yahay; qofkaa wanaaga ku dhashay, bulshada ayaa fasahaadisa iyadoo
adeegsanaysa waxbarashada”.
Waxa uu hordhaca kitaabka ku bilaabay: “God makes all
things good; man meddles with them and they become evil.” Ilaahay wax kasta si qurux badan ayuu
u sameeyay, laakin faro-gelinta dadka ayaa qaribta oo wax xun ka dhigta”.
Rousseau waxbarashada waxa uu u arkaayay inay sababi karto
shar wayn; isla markaana waxbarasho fiican loo baahan yahay si loo dhiso bulsho
iyo dowladnimo fiican. Wuxuu ku dooday in
yoolka ugu wayn ee aqoontu yahay in ay garaadka qofka kobciso oo ay xorayso.
Waxbarashada qarnigaa 18aad ka jirtay yurub waxay ku
salaysnayd laqimid iyo qaybid, qofba qafka uu ka xasuus badan yahay ayuu ka
aqoonyahan sanaa, Rousseau wadciga noocaas ah waxa uu u arkayay arin aan dabiici ahayn, arin
dhalan gediyaysa abuurka toosan ee qofka, waanu kasoo horjeestay. Wuxuu ku
baaqay in caruurta loo daayo in ay berinimodooda, in ay si xor ah u fikiraan,
in ay deegaankooda dhugtaan oo ay tijaabin iyo sahamin wax ku bartaan.
Waxbarashad ugu fiican, ugu cimriga dheeraata, qofkana noloshiisa
wax ka bedeshaa waa aqoonta uu qofku dareemayaasiisha ku barto, aqoonta
deegaankiisa ka dhalatay ama xidhiidh toosa la leh, aqoonta qofku uu qalbigiisa
ku dareemo ee uu ka garaabo, sidaa darteed maaha qof yar in laga dhigo weel wax
lagu shubo, ma’aha in xuriyada laga qaado oo la baro wax badan oo aan
damiirkiisa wanaajinayn, noloshiisana waxba ku soo kordhinayn; sidaa ayuu
Rousseau u dooday.
Dooda Rousseau waxay marwalba cuskanaysaa in qofku dhasho
isagoo ceeb-kasaliim ah, mas’uuliyada macalinka iyo bulshaduna ay tahayn in aan
qofkaas yar la dhalan rogin oon lagu beerin xanuunada ay keentay reer
xadaaradu.
Xiligaas uu noola oo ah xiligii maan-furan ka yurub loo
bixiyay, waxaa sidoo kale soo xoogaysanaayay nolosha magaala jooga. Rousseau
waxa uu kasoo horjeestay goobaha caruurta lagu xanaaneeyo, iyo nuujisooyinka
lacagta lasiiyo, isagoo u arkaayay in ay fadaraynayaan dabiicada toosan ee
koritaanka ilmaha. Aragtidiisani waxay u muuqatay in uu yahay nin u dabaalanaya
dhankii mowjadu kasoo socotay. Laakiin waxa in la tilmaamo mudan in qarnigii
labaatanaad la xaqiijiyay in afkaartii Rousseau ay ahaayeen kuwo sax ah. Dadka
khibrada u leh nidaamka waxbarashada (educationists) waxay xusaan in Rousseau
uu sii saadaaliyay oo albaabka u furay aragtida waxbarideed ee casriga ah ee
loo yaqaan Skills-based learning,
Waa maxay kaalinta macalinku? Rousseau ayaa is waydiinaya.
Macalinka shaqadiisu maaha in uu ilmaha u diyaariyo in uu xirfad gaar ah
yeesho, ama koox gaar ah uu ka mid noqdo; macalinka shaqadiisu waa in uu ilmaha
baro sidii uu garaadkiisa ugu adeegsan lahaa si xor ah. Sidaa darteed waa in
macalinku dhiiri geliyo su’aasha” he must encourage questioning”, waa in uu
baro fikrad curinta, dood wadaaga iyo sababaynta, waa in uu ilmaha ku abuuro
faduulinimo aqooneed (educational curiousity) iyo kalsooni xad-dhaaf ah
(Limitless self-confidence). Caruurnimadu waxay leedahay
“Childhood has its own
way of seeing, thinking, and feeling, and nothing is more foolish than to try
to substitute ours for theirs”.
“Caruurnimadu waxay leedahay hab u gaar
ah oo ay wax u aragto, u fikirto, una dareento, ma jirto nacasnimo kawayn in
aynu isku dayno in aynu habkeena ugu doorino habkoodaas”; waa mid ka mid ah halqabsiyada
doodiisa ugu culculus
Inkasta oo Rousseau uu culays badan saaray wax barida qofka
iyo toosnaantiisa, hadana muu hilmaamin waxbarasho wadareedka. Waxa uu u dooday
waxbarasho guud (Public education) oo yaraysa kala duwanaanshaha bulshada,
waxbarasho abuurta hayb-sooc bulsho oo isku mid ah (National identity), isagoo
ku dooday in waxbarasho-wadareedku lagama maarmaan u tahay wadajirka bulshada iyo in ay awoodo u
yeelato iska difaaca cadowga dibada kaga iman kara.
Waxbarasho-wadareed fariin keli ah xanbaarsan, il keli ah
kasoo burqanaysa, dhalanka iyo dhaqanka la jaanqaadaysaa waxay yaraysaa kala
duwanaanshaha kooxaysan ee bulshada, waxaanay abuurtaa dareen wadaag, isu
damqasho iyo aayo midaysan: Waa doodii Rousseau marka uu ka hadlaayo
waxbarashada; fikradan waxa loo fasiraa in Rousseau uu aaminsanaa waxa casrigan
loo yaqaan (Anational State). Markale ayaynu ka sheekayn aragtida Rousseau ee
dawladnimada.
Aragtida Rousseau ee ku saabsan wax barida hablaha ayaa
iyaduna muran badan abuurtay. Ilaa wakhtigan aynu joogno colaad xun ayaa dhex
taal Rousseau iyo ururada u ololeeya xero-kabixinta dumarka (Feminism).
Colaadaasi waxay ku sal leedahay iyadoo Rousseau uu aaminsanaa in raga iyo
dumarku aanay isku mid ahayn, shaqada laga rabo in ay bulshada u qabtaana aanay
isku mid noqon karin; sidaa darteed waa in laba hab oo kala duwan wax loo baro.
Gabadha shaqadeedu waa in ay gurigeeda daryeesho, caruurta koriso, ninkeedana
raali geliso, si’ay kaalinteedaa uga soo baxdo waa in waxbarasho u gaar ah
lasiiyo.
“A women’s education must be planned in relation to man..and
she will never be free to set out her own opinions above his”
wax
barashada dumarka waa in loo qorsheeyo iyadoo loo eegayo xidhiidhka ay raga
leeyihiin,, afkaarta gabadhuna waa in aanay marnaba ka hor iman kuwa ninka”.
Tani waa tiraab ka mid ah ra’yigiisa ku saabsan
madaxbanaanida aqooneed ee dumarka, waana aragtiyaha usoo jiiday dagaal xoog
leh oo kaga yimid kooxaha u ololeeya dumarka. Rousseau aragtida uu dumarka ka
qabay waxay ku sanbanaanayd dareenka guud ee xiligaas dhex yaalay bulshadii uu
ku noolaa. Laakiin guud ahaan buugiisaa “Emile or On education” waxay sababtay
in la amro soo xidhitaankiisa, isna uu guure kaga baxo Baariis isagoo baxsan
ah.
Boqortooyadii xukunka haysatay iyo kaniisadu waxay u arkeen
in Rousseau uu ka hor yimid sharciyadoodii oo uu iyaga si dadban u duray;
marhadii uu ku andacooday in bulshadii jirtay ahayn mid caruur wax lagu dhex
bari karo, sababta oo ah waxay noqotay mid suyucday oo mabaa’di dii, akhlaaqdii
iyo dadnimadiiba ka dhimatay.
Ugu danbay, saamaynta ay yeelatay aragtida waxbarideed ee
Rousseau waxa ugu muhiimsan curashadii dugsiyada hoose oo taariikhdoodu kasoo
bilaabantay qarnigii 18aad. Dalka Jarmal waxa ka samaysmay kooxo la baxay
Philantropists, kooxahani waxa saameeyay aragtidii Rousseau,
waxaanay bilaabeen in ay hirgeliyaan aragtiyihiisii ku aadanaa aqoonta. Waxa kale oo la yagleeley
machadkii ugu horeeyay ee lagu tababaro macalimiinta laguna faafiyo aragtida
Rousseau oo uu horseed u yahay Johann Bernard Basedow (1724–1790) oo ahaa
educationist. Johann Friedrich Pestalozzi (1746–1827) oo isaguna ay raadaysay
aragtida Rousseau ayaa dugsigii hoose ee ugu horeeyay oo ku howl-gala
afkaartiisa ka furay Switzerland.
Xiligaas wixi ka danbeeyay yurub oo dhan ayay wada gaadhay dhismaha
waxbarashada nidaamiga ahi, in kastoo aanay ku koobnayn afkaarta Rousseau oo
keli ah, hadana isagu wuxuu ifiyay shucaacii ugu horeeyay.
Immanuel Kant (1724–1804) wuxu ahaa faylasoof-ka iyo
mufakirka ugu wayn ee casrigii maan-furanka (Enlightment age), waa ninka ilaa
maanta dhamaan aqoonyahanka reer galbeed ay ku dhaataan, waa aabaha falsafada
iyo aqoonta bulshada ee reer yurub; waxa uu yidhi isagoo la dhacsan buugaas uu
qoray Rousseau ee “Emile or on Education” buugani waa “the birth certificate of pedagog”, waa warqadii dhalashada ee
xirfada wax barida iyo barbaarinta.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.