Jean jacques Rousseau: Faylasuufkii Gadoodsanaa: Qaybta II
Aragtida xukunka iyo dowladnimada
Malaha aragtida ugu saamaynta wayn ee Rousseau uuka tegay ilaa maantana lagu xasuustaa waa aragtida siyaasadeed ee uu
ku gardaadiyay falsafadiisa uu ku sharaxay sida ugu fiican ee xukun iyo dowlad sharci ah bulsho ku dhici karto. Labada buug ee “Social Contract (1762) iyo Emile on Education” waxay sababeen is rousseau ay isku dhacaan dowladii iyo kaniisadii, oo labadaasi isu bahaystaan la dagaalan kiisa.
Labada buug oo isku sanad soo baxay, markiiba waa laga mamnuucay dalka faransiista iyo Geneva, Rousseau-na waxa loo soo jaray waaran lagu xidho, iyadoo lagu eedaynayo Iimaan-daro (Impiety), Alle-koodnimo (Blasphemy) iyo Qaran-dumisnimo(treason).
Waxa lagu qasbay in uu dhuumasho ku noolaado dhowr sano, ilaa uu 1765 u baxsaday Iglan oo uu dhowr sano la noolaa David Hume, oo ahaa qoraa Ingiriis ah.Ugu danbayn Rousseau waxa lagu qasbay in uu ka tanaasulo jinsiyadiisii Geneva, oo uu noqdo qof aan dowlad lahayn oo bilaa jinsiyad ah.
Hadaba maxay qoraalada Rousseau uga xajiimoodeen ganacyo wayntii haysatay dowlada iyo kaniisada faransiisku? Si
aynu waydiintan uga jawaabno aynu
soo qaadano tuduca uu ku ibo-furayo buugiisa The
Social Contract oo odhanaysa “Man is born free, and everywhere he is in
chains” dadku waxay dhasheen iyagoo xor ah, hadana meelkasta silsilado ayaa
ku xidhan. Tuducdani waxa laga yaabaa in ay dad
badan xasuusiyo odhaahda macnahan oo kale xanbaarsan ee Cumar Ibnu Khadaab
(Allah haka raali noqdee) ee ahayd “ Goorma ayaa dadku adoomo noqdeen, iyagoo hooyooyinkood ku dhaleen xornimo".
Rousseau
waxa doodiisu salka ku haysaa aragtida ah “bani’aadamku waxa
uu
ku dhashay xornimo,wada sinnaan, wuxu leeyahay xuquuq gudboon, qofkastanawax
ku abuuran in dantiisu sida ay ku jirto uu u howl galo.”
xaalada noocaas ah een lakala sarayn waxa
uu u bixiyay “Natural freedom”. Dadkaas wada xorta ah
ee siman, ee isku xuquuqda ah
ma horumari karaan hadii aanay is kaashan oo
wada shaqayn. Wada shaqaynta iyo iskaashiguna waxay u baahan
yihiin cid agaasinta oo afkaarta raga ee kala duwan isu humisa. Roasseau wuxuu
leeyahay si iskaashigaas loo helo wxaa lama huraan
noqonaysa in dadkaa xorta ahi ay xuriyadooda, si madax-banaan oo raali ay
ku yihiin, qayb uga tanaasulaan, iyagoo abuuraya wax
uu u bixiyay “the general will” ama rabitaanka guud ee
bulshada”,
Iyadoo la deegsanayo “the general
will of the society” ayaa si danta bulsha loo hormariyo waxa la unkayaa heshiis sharci oo u dhexeeya bulshada iyo xubno lasoo xulay oo bulshada ka mid
ah. Xubnahaasi waa kuwa u igman in ay bulshada hogaamiyaan, curiyaan xeerar lagu hantiyo laguna fududeeyo danta bulshada. Xeerarka laga soo dhanbalay rabitaanka bulshada ee ay
soo diyaariyeen gudidaas xulka ah waa in dadku u codeeyaan oo ku ansixiyaan gole loo dhan yahay; cod xor ah oo loo simanyahay.
Heshiiska ay bulshada oo dhami wada gaadho waxa ka curanaya shakhsiyad
humaag ah oo loo bixyay "The republic ama
Body politic". Marka “the republic” ay hana-qaado ee ay howl-gasho waxa la
odhanayaa waxay yeelatay Sovereign.
Rousseau oo sii sharaxaya waxa ay Sovereign
tahay ayaa wuxuu leeyahay
“Sovereignty is the
absolute, indivisible, perpetual authority of the public to enact its general
will into law”, sovereign waa awood dhamays tiran, aan qaybsami karin, aan dhamaanayn
oo bulshadu u leedahay in ay rabitaankeeda ugu bedesho xeerar”.
Sovereign-ka cid wakiil bulshada uga noqon kartaa ma jirto, xeer kasta oo aanay
dadku cod xor ah ku ogolaan waa waxba kama jiraan; xeerna maba noqon karo (Sovereign can not be represented…any law which the people has not
ratified in person is null..and it is not a law).
Su’aalo tiro badan ayaa layska waydiiyaa aragtida Rousseau ee kusaabsan “the Republic”
iyo “the Sovereign”, tusaale; yaa xaq u leh in ay ka mid noqoto muwaadininta oo ay
ka codayso golaha guud, sidee loo qiyaasayaa xadiga xuriyada muwaadiniintu uga
tanaasulayaan dowlada si ay xuquuqdooda u ilaaliso, sidee se u sinmayaan
muwaadiniinta ku kala tegay hodannimada, haybta, iyo hanku.
Nidaam dowladeed oo sharci ah sidaa ayuun buu ku dhismi karaa ayuu leeyahay Rousseau. Bal
hada dhugo, Rouseau sharciyad sax ah umuu qirin nidaamka xukun ee ku dhisma hab boqortooyo iyo ka ku dhismay boobka rabitaanka bulshada sida afganbi askareed, ama afduub-diimeed.
Amintii la helo nidaam maamul oo ku dhismay rabitaanka bulshada waxa fududaanaysa in loo wada hogaansamo, xeerarkiisa la wada ixtiraamo oo la hirgeliyo, jiritaankiisana la wada difaaco: sidaa ayuu Rousseau ku dooday. Heshiiska noocan ah waxa uu u bixiyay “The Social Contract oo aynu u turjumi karno heshiis bulsheed”.
Aragtidan siyaasadeed ee ku salaysan Heshiis-bulsheed oo dhexmara hogaamiyaha iyo la hogaamiye-yaasha, ilaa hada, waxa weeye mid ka mid ah fikradaha nidaamka siyaasadeed ee reer galbeed uu ku dhismay sadexdii qarni ee lasoo dhaafay.
Lama hubo in ay tahay isku
beegmid qadar keenay iyo in Rousseau uu u dhuun daloolay nidaamka Baycada ee
Islamka, hasayeeshee aqoonyahan aan tiro yarayn oo muslimiin ah ayaa aragtida
Rousseau u ekaysiiya habka islaamku odorosay in loo doorto madaxda ee loo yaqaan Baycah.
Faa’iidada ay leedahay in dadku dhanbal yar oo xuriyadooda ah uga tanaasulaan unkida Xornimo-wadareed iyo dhismaha dowlada sharci ah waxay noqonaysaa in dadku ay helaan awood ay iskaga ilaaliyaan cadow dibada kaga iman kara, iyaguna aanay isku xadgudbin dhexdooda, oo ay
kala nabad galaan.
Xiliga Rousseau uu aragtidan alifaayay faransiiska waxa haystay boqor la odhan jiray Louis XV,oo xukunka ku qabsaday xoog sheegtayna in samada lagasoo doortay, wadaadadii kiniisaduna ay u shaanbadeeyeen. Mudadii qarniga iyo badhka ahayd
ee uu socday kacaankii faransiisku, aragtida Rousseau waxay ahayd dhinbiishii
shidaysay dhamaan mowjadihii kacdoonka ee kala danbeeyay. kooxihii ku lidka
ahaa kaniisada, kuwii ku kacsanaa
boqortooyooyinka labadaba miiganaanta garnaqsigoodu waxay ka shidaal
qaadanaysay aragtida Rousseau ee The Social Contract.
Fikrada “Social contract” iyo unkida dowladnimada qoraal
aan la koobi karin ayaa laga sameeyay, dhinac kasta waa laga istaagay, doodo
tiro badan ayaana ka curtay oo qaarkood wali socdaan. Nuxurkeedu waxa weeye in
aanay dowladi sharciyad lahayn hadii aanay muwaadiniinteedu ka raali ahayn oo
aanay dooran. Xeer dadku aanay ka raali ahayna in aan lagu maamuli karin, waayo
waxay kasoo horjeedaa xoriyadii asalka ahayd ee qofku ku dhashay, waxaanay isu
cabiidinaysaa dad ay tahay in ay sinaadaan.
Nin ku yidhi sinnaan mayno adna buri sarayntiisa….
Sidka waad wadaagtaane ma sagaashan baa tiisu.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.