Xoqado Xannuunka iyo Maarayntooda
Qaybta 2 aad
Qalliinka Xoqadaha:
Dad badan oo ama iyagu qaba xannuunka
Xoqadaha, ama cid ka tirsan ehelkoodu ay qabto ayaan xog fiican ka hayn Marka
ay tahay in qaliin lagu sameeyo Xoqadaha oo la jaro. Waxa kale oo ay u baahan
yihiin in wax looga iftiimiyo sida Qaliinkaas loo sameeyo, Qaliinku se ma u
bogsiin doonaa Xoqado xannuunka si dhamaystiran. Su’aalahan ayaan kaga jawaabi
doonaa qormadan saddexaad ee kusaabsan Xoqado-xannuunka iyo Maarayntooda.
Goorma ayaa Qalliin lagu jari karaa Xoqadaha?
Qalliinka lagu jaro Xoqadaha waxa loo
yaqaan Tonsillectomy. Inkastoo qaliinkan samayntiisu hoos u dhacay labaatankii
sano ee u danbeeyay hadana wali waa mid ka midd ah tobanka qaliin ee ugu badan
ee la sameeyo dunida.Sababaha Qaliinka Xoqodaha loo samayn
karo waxa ugu muhiimsan oo la isku raacsan yahay kuwan hoos aanku xusay:
1. Xoqado-xannuunku
in uu qofka awood darro gaadhsiiyo (disabling and disturb normal physical
functioning) oo ay qofka ka horjoogsadaan nolol dabiici ah.
Tusaale:
·
Marka Xoqaduhu ballaadhaan ee ay cidhiidhi geliyaan
hawo qaadashada, hadii ay sababaan hurdo la’aan.
·
Hadii qofku cuntayn
kari waayo xannuunka ama xajmiga Xoqadaha dartood iyo ugu danbayn hadii ay
saamayn ku yeeshaan garaaca wadna.
2. Xoqado-Xannuun
soo noqday todoba goor sanad gudihii. Soo noqoshadooda waa in si dhab ah
dhakhtar u xaqiijiyay, una daweeyay.
3. Xoqado-Xannuun
soo noqday shan goor sanad kasta, labadii sano ee ugu danbeeyay; waana in si
dhab ah dhakhtar u xaqiijiyo una daweeyay
4. Xoqado-Xannuun
soo noqday sadex goor sanad kasta, sadexdii sano ee ugu danbeeyay; si dhab ah
dhakhtar u xaqiijiyay una daweeyay.
5. Hadii
dheecaan ku ururo Xoqadaha ama hareerahooda laguna dawayn kari waayo dawooyinka
antibiotic-ga.
6. Hadii
dareenka Dhadhamada ee qofku isbedelo, ama ay xumaato Urta afku oo la hubo in
xoqado xannuunku sababeen.
7. Hadii
laga shakiyo xannuun kale oo aan ahayn infakshan, sida Kansar oo loo baahdo in cad
yar laga jaro Xoqadaha si loo shaybaadh, markan waa lawada jari doonaa
Xoqodaha.
Bukaanka aan buuxinin shuruudaha
Qalliinka waxa fiican in mudo lixbilood ah la sugo iyadoo isla markaana si mug
leh loola soconayo xaaladooda.
Noocyada Qalliinka Xoqadaha.
Dariiqada ugu caansan ee inta badan lagu
sameeyo wadama soo koraya waa Cold Steel
Tonsillectomy. Habkani waa in Qanjidhka Xoqada mindi lagu saafo kadibna
dhiiga lagu joojiyo tolid meeshii qodobo lagu xidhaayo.
Hab kale ayaa ah in la adeegsado kul
laga dhaliyay danabka laydhka oo aad u sareeya (Diathermy) oo toos loogu gubayo Xoqadaha. Qalliinka noocan ah
wuxuu u fiican yahay yaraynta Dhiig-baxa iyo ka hortaga Infakshanka nabarada.
Waxa sidoo kale la adeegsadaa habab kale
oo lagu jaro Xoqadaha iyadoo la adeegsanayo aalado kala duwan.
Faa’iido Intee le’eg ayuu Leedahay Qalliinka Xoqaduhu.
Cilmi baadhis lagu faafiyay Website-ka
caanka ah ee lagu soo bandhigo Cilmi-baadhisaha caafimaadka taasi oo soo
koobaysa gorfayn lagu sameeyay todoba cilmi baadhisood oo dhamaantood qiimeeyay
Faa’iidada qallinka Xoqadaha ayaa waxay kusoo biyo shubanaysaa sidan:
- Qalliinka Xoqaduhu wuxuu faa’iido wax ku ool ah u leeyahay dadka marka hore xoqaduhu aad u bukeen ee ay noloshooda wax yeelo wayn gaadhsiiyeen.
- Ta labaad,waxay faa’iido wayn u leeyihiin dadka qaba xannuunada hoos udhiga difaaha jidhka, iyo kuwa qaba xannuunda wadna.
- Dadka xoqado xannuunku aanu ku badnayn ama si fudud uga bogsan kara, ama aanayn faro geli wayn ku lahayn noloshooda waxaa u fiican in aanay ku degdegin Qalliinta Xoqodaha.
Xoqado xannuunku masoo laaban karaa kadib marka la gooyo?, waa su'aal dad badan is waydiin karaan. Nasiib daro dad tiro yar ayuu kusoo laabtaa xannuunka xoqaduhu kadib markii la gooyay. Arinkan inta badan sabab cad oo lagu fasiro looma hayo, waxaase suuro gal ah in qaliinku ka tegay qayb yar oo ka mid ah cadkii caabuqugu gaadhay ama aad si fiican loo dabar goyn bakteeriyadii caabuqaga sababtay. waana in si fiican loo sii daba galo si loo cidhib tiro caabuqa.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.