Antibiotic: Isku Dawee, Ha Isku Dilin
Waxay
ahayd 1928 kii markii Sir Alexander Flemming si nasiib ah u
sahamiyay Penicillin-ta oo ahayd hordhacii Daawooyinka loo yaqaan
Antibiotic-ga. Waxay ahayd dhacdo xiiso badan laakin aanan halkan kaga warami
karin. waxay qaadatay 12 sanno in la adeegsaddo antibiotic-ga. Caqabada ugu
wayn ee hor taagnayd in si fiican wax loogu daweeyo waxay ahayd iyadoo aany jirin hab suuro geliya in
si baaxad leh oo suuqa gelin karta loosoo saaro, sababta oo ah tiknoolajiga iyo
horumarka wershadaynta oon halkaas gaadhin xiligaas.
Bishii
August 1940 kii ayaa 10 kii qof ee ugu horeeyay lagu tijaabiyay dawada
Penicillin. Wakhtigaas laga soo bilaabo ilaa maanta Antibiotic-ga waa nooc ka
mid ah daawooyinka ugu muhiimsan ee maanta aynu haysano si aynu ugu babacdhigno xanuunada faafa ee ay sababaan
Ili-maqabatayga Bakteeriyadu ( Bacteria).
Antibiotic-ga
waxaa lagasoo dhalaaliyay Bakteeriyada lafteeda, waxay ahaayeen maadado marka
horeba kudhex kaydsanaa ayna adeegsan jirtay Bakteeriyadu.Markii laga soo
tuujiyay Bacteria-da ayaa inta shaybaadh lageliyay la bedelay qaab dhismeedkoodii,
adkaysigooda, waxa kale oo la kordhiyay inta ay jiri karaan ee shaqadoodu socon
karto. Farsamayntani waxay suuro gelisay in Antibiotic-gu noqdaan difaac ugu
adag ee aynu kaga hortagno kuna dawayno cudurada ay keento Bacteria-du. Xanuuno
kumanaan qof muddo kooban ku dili jiray ayaa si fudud looga guulaystay oo ku
dhawaaday in la dabar-jaro.
Adeegsiga
Antibiotic-gu kuma koobna oo keli ah caabuqyada ay Bacteria keento, waxaase
kale oo loo adeegsayaa, diyaarinta qaliinada, daawaynta xanuunnada Kansarka,
Naaxinta xoolaha nool (growth Promoters) iyo nafaqeeyayaasha ciida loogu talo
galay beerida (farm Fertilizers) .
hadaba,
waxa muddo dheer isasoo taraayay hoos u dhac ku yimid tamartii iyo wax tarkii
Antibiotic farabadan . taasna waxaa keenay iyadoo Bacteria-dii ay samaysatay
qalab iyo hab ay isaga difaacdo Antibiotic-ga ( Antimicrobial Resistance).
Antimicrobial
Resistance; waa Bacteria-dii oo fahamtay, baratay kadibna samaysatay qalab iyo
farsamooyin kakan oo ay isku difaacdo.
“Sababta ugu muhiimsan
ee 99% ka mas’uulka ah iska caabigan xoogan ee ay samaysatay Bacteria-du waa
Isticmaalka qaldan iyo ku tagri-fal lagula kacay adeegsiga daawooyinka (
Antibiotic)”.
Qaadashada
Antibiotic aanuu qofku u baahnayn, ama uu u qaato xanuun aan ahayn kii loogu talo galay, ama qofka oo qaata
Antibiotic-ga muddo kooban oo kayar intii loo qorsheeyay in xanuunka lagu
daweeyo, ama qofka oo caadaysta inuu isagu iska iibsado Antibiotic aanuu
garanayn waxa uu ku keeni karo jidhkisa, ama iyadoo la wadaago; oo qof dawo isaga
dhakhtar u qaray uu u gudbiyo qof aan loogu talo gelin; dhamaantood waa arimaha
keena in Bacteria-da Qofkaas ku jirtaa ay la qabsato isuna diyaariso iska
difaaca Antibiotic-ga( Multidrug Resistance).
Waxaa
xusid muddan in marka mid kamidda difaacyadaa Bacteria-du samaysatay xal loo
heloba ay abuurto kuwo cusub oo intii hore ka kakan kana murugsan. Waxa kale oo
werwer badan ku haya ururada iyo khubarada caafimaadka xaqiiqada ah in nocyadda
bacteria-du isu gudbiso oo is
qaadsiiso difaacaa ay samaysatay oo “Bacterial Resistance” uu ku faafo
bulshada. Xanuunnada ay ka midka yihiin TB-da, Jabtida, Oofta, iyo Qoor-gooyaha
ayaa kamid ah kuwa bacteria-da sababtaa aad ugu adkaysto Antibiotic-ga. Iyadoo ay
jiraanba wadmo badan oo ay aad u adagtahay in si buuxda loo daweeyo xanuunadan.
Arinkani
waa khatar wayn oo soo foodsaartay wadamo badan, gaar ahaa kuwa dhaqaalahoodu yaryahay, wacyiga caafimaadku liito, aqoonta muwaadiniintu koobantahay,
fayadhowrka iyo nadaafaduna hoosayso.Maxaa
Inala gudboon si aynu u yarayno khatarta aafadan? Talada ugu qaalisan ee qof ku
dhaqmi karo, ama uu qof kale u gudbin karo ee la xidhiidha Antibiotic-ga waa
“Antibiotic-ga
kula dhaqan Ixtiraam iyo Digtoonaan”
· Marnaba ha dalban Antibiotic hadii dhakhtar go’aamiyo in
aanad u baahnayn. Antibiotic-gu ma daweeyo xanuunnka Virus keeno sida durayga
iyo shubanna intooda badan, xataa in badan oo xanuunnada Bacteria-du keento ee
fudud jidhka qofka ayaa ka awood bata oo uma baahna Antibiotic, markaa haku
degdegin Isticmaalka Antibiotic-ga.
- Waligaa ha qaadan dawo aan adiga laguu qorin, mid laguu qorayna qofkale hala wadaagin.
- Hadii dhakhtar kuu qoro Antibiotic dhamayso muddadii lagugu talo galay, haku joojin dhexda, xataa hadii aad dareento inaad ladnaatay. Taasi waxay ka dhigan tahay Bacteria-dii waa Carisay ee maad Cidhib tirin.
- Antibiotic dhakhtar hore kuugu qoran oo aad ku ladnaatay, hadad wakhti danbe bukooto, ha qaaday waxaa suuro gal ah in xanuunkan cusubi kii hore ka duwan yahay ama Bacteria-da kan hada dhalisay tii hore ka duwan tahay, latasho dhakhtar.
- Waxaa muhiim ah si aad uga hortagto Xanuunnada, in aad loo xoojiyo nadaafada qofka, xuntada, hoyga, iyo deegaanka.
- Faraxallashadu waa hubka ugu culus ee laga hortago
xanuunnada, waa in ay dhaqan noqotaa, lana barto habka ugu saxsan ee loo
Faraxasho!!
Kaalinta Xirfad layaasha Caafimaadka:
Antibiotic
badan ood qortaa kaadhigi mayso dhakhtar wanaagsan, waxay keliya kordhinaysaa
dhibaatooyinka bukaanka iyo bulshada oo dhan. Waa in dhakhtarku si buuxda u
raacaa nidaamka caalamiga ah ee ku daawaynta Antibiotic-ga (International guidelines for Antibiotic Prescription).
Waa in dhakhtar-ku hubsado in qofku antibiotic u baahan yahay iyo inkale ka hor intaanu u qorin antibiotic.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.