Xoqado Xannuunka iyo Maarayntooda:

Qaybta 1aad

Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada. Ilaa hada lama hubo shaqada dhabta ah ee ay qabtaan, laakiin marka ilmuhu gaadho toban sanno labadan qanjidh way dhadhaan (atrophy) wixii intaa ka danbeeyana lama dareemo hadii aanay bukoon.
Xannuunka ku dhaca labadaa qanjidh, oo inta badan infakshan uu Fayras ama bakteeriyo keento ah, waxaa la yidhaahdaa Tonsillitis. Waxa jira xannuuno kale oo Xoqado-xannuunka ka duwan laakiin lagu qaldi karo; sida infakshan ku dhaca dalqada ( Pharyngitis) oo ah barta ay ku kala baydhaan hunguriga iyo qasabada hawo mareenku. Sidoo kale waxa infakshan ku dhici karaa bilowga qasabada hawada oo loo yaqaan Laryngitis.

Maxaa keena Xoqado xannuunka?

Xoqado xannuunku wuxuu ku badan yahay caruurta iyo da’yarta ilaa labaatan jirka ah. Sababta ugu badan ee xannuunkan keentaa waa Virus. badanaa uma baahna in dhakhtar lala xidhiidho oo dawo loo qaato. Xannuunku wuxuu ku tagaa ugu badnaa afar maalmaad. Sababta labaad ee Xoqado-Xannuunka keentaa waa Bakteeriyo (Bacteria). Caabuqa Bakteeriyadu wuu ka halis badan yahay, kana wakhti dheer yahay Caabuqa fayraska (Viral infection). Qofba si ayuu u qabtaa; waxa lagaga bogsan karaa mudo kooban oo usbuuc ka badnayn. Sidoo kale si degdeg ah ayuu usoo laaban karaa, ama waxa uu isu bedeli karaa mid aan guurin oo Xoqodaha dega (Chronic tonsillitis).

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah: Cuno xannuun uu qofku liqi kari waayo cuntada iyo cabitaanka; Xannuunka waxa laga yaabaa in laga dareemo dhegaha.  Xumad aad u saraysa gaar ahaa afar iyo labaatanka saac ee hore. Madax xannuun, xabeeb iyo codka oo qofka kasoo bixi kari waaya ayaa iyaguna lagu arki karaa bukaanta. Caruurta yaryar waxa dhacda in ay ka cowdaan calool xannuun uu keeno Xoqado xannuunku.

Sidee Loo baadhaa Xoqado –xannuunka?

Majiro shaybaadh u gaar ah Xoqado xannuunka. Waxa dhakhtarku ku go’aan qaataa inta badan astaamaha qofku la yimaado iyo calaamadaha uu isagu ku arko marka uu eego dhuunta qofka. Marka ay go’aaminayaan in qof qabo Xoqado xanuun Bacteria keentay, dhakhaatiirtu waxay raacaan hab layidhaa Centor Criteria oo ka kooban afar Astaamood oo kala ah:

  • Xumad joogto ah oo ka saraysa 38C
  • Dheecaan kasoo baxaya oo dulsaaran Xoqodaha
  • Qufac la'aan
  • Qanjidhada qoorta oo barara 
Waxa jira in marjicyada qaar ku taliyaan in dheecaan laga soo masaxo qanjaha (throat swab) kadibna lagu eego shaybaadhka laakiin waxa la xaqiijiyay in aanay wax faa’iido oo buuran ku kordhinin xaqiijinta xannuunka ama baratakoolka dawaynta qofka.  Dadka qaba xannuunada difaaca jidhka hoos u dhiga (Immunodeficiency) ama la ogyahay in ay qaataan dawooyinka unugyada dhiiga ee cad yareeya (Agranulocytosis) kuwaas waa in laga qaado shaybaadh dhiig oo lagu hubsanayo in aanay Bakteeriyadu dhiigooda u gudbin.

Sidee loo daweeyaa Xoqado xannuunka?

Infakshanka xoqadaha iyo neef-mareenka si fudud ayaa loo  kala qaadi karaa, sidaa darteed ayaa ay haboontahay in qofka xannuunkani qabto uu iska dhowro in uu usii gudbiyo dadka inta fayow.
Caruurta Xoqaduhu bukaan waxa fiican in laga joojiyo dugsiga mudada ay bogsanayaan. Waxa kale oo loo baahan yahay in qoyska hal qof ka buko ay isku dayaan laga ilaaliyo in uu u gudbiyo inta kale, iyadoo la joojinayo wadaagida cuntada iyo cabitaankaba.

Cabashada ugu wayn ee Xoqaduhu waa kaar iyo xumad; taasina waa in la dejiyo iyadoo la adeegsanayo dawooyinka kaar-jebiyayaasha sida Ibuprofen iyo Pracetamol. Intaa waxa kasoo hadhay waxa fiican in la sugo oo la baxnaaniyo xannuunka, sababta oo ah ku dhawaad 85% xaaladaha xannuunkani waxay bogsadaan iyagoo aan dawooyin lasiin.Waxa kale oo daruuri ah in qofku aanu fuuq-bixin (Dehydration), gaar ahaan hadii aanu si fiican wax u cabayn. Taasna waa in si fiican isha loogu hayo.

Su’aasha ugu muranka badan ee daawaynta xoqado-xannuunku waxa weeye Goorma ayaa qofka lasiin karaa daawooyinka Antibiotics?.Antibiotic-gu waa dawooyin nooco badan oo lagula tacaalo xannuunada ay keenaan xannuun dhaliye yaasha Bakteeriyada. Sidaa darteed hadii la xaqiijiyo in Infakshanka xoqaduhu ka dhashay Bakteeriyo qofka waa lasiin karaa Antibiotic  iyadoo la raacayo hanaanka
     
Waxa muhiim ah in la fahmo Antibiotic-gu ma soo gaabiyo mudada xannuunka mana khafiifiyaan astaamaha xannuunka. Sidaa darteed ayaa hay’ada dalka Ingiriiska u qaabilsan tayaynta Daryeelka caafimaadka (NICE) iyo ururka caafimaad aduunku (WHO) labaduba waxay ku talinayaan in Antibiotic-ga qaadashadiisa la yareeyo oo lasiiyo uun xaaladahan kooban ee hoos ku xusan:

  • In ay jirto calaamado muujinaya in caabuqa xoqaduhu gaadhay jidhka intiisa kale
  • In kiish-dheecaan (Peritonsillar Abscess) ku samaysmo xoqadaha.
  • Qof la ogyahay in hore uu ugu dhacay xannuunka rheumatoid fever ee wadnaha.
  • Qof difaaca jidhkiisu hooseeyo sida dadka qaba xannuunka Macaanka, aydhiska, Kelyo-xannuunka iyo Kansarka.
Antibiotic-ga waa in la bilaabo ugu yaraan shan cisho kadib markii xannuunku bilaabmay, waxaana la qaadanayaa mudo u dhaxaysa Shan ilaa toban maalmood, hadba sida xannuunku yahay.
Waxa waajib ah in qofku dhamaysto xadiga Antibiotic-ga loosoo qoray xataa haduu dareemo in uu ladnaaday. Waa in aan lakala reebin dawada. Hadii ay dhacdo  waxay keeni kartaa in xannuunkii oo sii bogsanaya laakiin bakteeriyadii wali joogto dawadii la joojiyo. Kadib uu dib usoo fufo isagoo markan xannuun dhaliyihii la qabsaday dawadii oo aanay sifiican u shaqayn. Kadib qofku isu bedelo xannuun side aad dawoobin oo bakteeriyada faafiya.

Nooca antibiotiga ugu haboon ee xannuunkan lagu daweeyo waa Penicilin. Dadka xasaasiyada ku yeesha Penicillin-ta waxa loogu bedeli karaa toban cisho oo Clarithromycin ah. hasayeeshee ma haboona in qofku iskii intuu farmasi iska tago uu iibsado Antibiotic. waa in uu dhakhtar kala tashadaa xannuunkan iyo daawayntiisa. 

Goorma ayaa Qofka La dhigaa Dhakhtar Takhasus leh?
Qofka xoqoduhu bukaan waa in dhakhtar daryeel gaar ah leh lala raadsado hadii lagu arko astaamahan. ugu horayn: 
  • Hadii neefsigu ku adkaado oo uu naqaska qaadan kari waayo. 
  • Hadii lagu arko astaamaha fuuq baxa. 
  • Dheecaan ku urura xoqodaha hareerahooda, hunguriga dhinacyadiisa (paraphyrangeal abscess) ama maqaarka sare ee xoqodaha dushooda (cellulitis). 
  • Hadii lagu arko astaama bukaan jidhka oo dhan waxa gaadhay sida garaaca wadnaha oo aad u kordha, cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca, xumad aan kala go'lahayn, iyo isbedel kuyimaad garashada qofka iyo wacyigiisa.
  • Hadii laga shakiyo bakteeriyooyinka qaarkood sida Diphteria, Yersinia, ama Kwasaki.

Lasoco qaybta labaad. 

Dr Abdikarim D Hassan
Endocrinologist



Comments

Popular posts from this blog

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"

Saamaynta korinta iyo tababariddu ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka "The behaviourist approach"