Xannuunka Cagaarshow ( Hepatitis B): Waxyeelada Fog ee Xannuunka iyo War La'aanta Bulshada.

Qaybta 1aad.

Hordhac:

Hepatitis (Hibataaytis) waa erey asalkiisu yahay laba erey oo laysku siddkay. Ereyga (hepat=liver),waxa laga keenay giriig macnihiisuna waa Beer, ereyga (-itis=Inflammation) waxa laga keenay Ingiriis wuxu la macno yahay Xannuun. Labadaa erey isku darkoodu wuxuu la macne yahay “Xannuunada Beerka”.

Xannuunada beerka si gaar ah u liishaama ama meelo kale oo jidhka ah ku dhaca, laakin saameeya Beerku way badan yihiin. Waxaase guud ahaan  loo kala saaraa qayb ka dhasha  Xannuun-faafiye (Infectious agent) sida Fayrasyada, Bakteeriyada, Fangaska, iyo dulinnada kale ee Unug keliyaalaha ah. Iyo qayb kale oo ka dhasha xannuun dhaliye aan faafin; sida Isbiirtada, dawooyinka qaarkood, difaaca jidhka oo isdhaawaca iyo xannuunada lakala dhaxlo.

Maqaalkani wuxuu si gaar ah uga hadli doonaa xannuunada beerka ee uu fayrasku keeno. Waxaa si gaar ah uu u faaqidi doonaa koox fayrasyo ah oo laysku yidhaa (Hepatitis viruses)Inta aynaan dhex gelin ka waramida xannuunkan waxaynu si kooban u tilmaami doonaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee beerku inoo qabto. Sababtu oo ah mar hadii aynu ka hadlayno xannuun beerka ku dhaca waa in aynu fahano muhimada beerku leeyahay iyo shaqadiisa.


  • Beerku isagoo kaashanaya faytamiin-K wuxuu sameeyaa barootiinada jidhka u qaabilsan dhiig joojinta; taa macnaheedu waxa weeye hadii beerku dhaawacmo oo shaqadiisa wadi kari waayo in xinjirowga dhiigu yaraanayo.
  • Beerku waxa uu ka sifeeyaa cuntada aynu cunno, ka dib marka la dheef-shiido. isagoo sunta dawooyinka iyo dhamaan maaddadaha kemikada ah ee cuntada raaci karta jidhka ka ilaaliya.Beerku wuxuu jidhka ka saaraa maaddada Bilirubin oo ah qashinka kasoo baxa marka Unugyada dhiiga cas (Red blood cells) ay dhintaan. 
  • Beerku wuxuu qayb-ta ugu wayn ka qaataa dheef-shiidka dufanka, sonkorta iyo kaydinta macdanaha iyo faytamiinada jidhku u baahan yahay. Sidoo kale wuxuu sameeyaa dheecaanka xamaytida (Bile) oo lagu kaydiyo xamaytida.

Liiska shaqooyinka uu beerku inoo qabto aad ayuu u dheeraanayaa hadii la is yidhaa wada taxa, intaas aynu sheegnay inoogu filan in aynu fahamo muhimada beer caafimaad qabaa u leeyahay caafimaadka qofka.

Hepatitis B waa xannuun uu keeno fayraska la yidhaahdo (hepatitis B virus) oo ah fayras hidde sidihiisu yahay DNA. Xannuunkani waa midd ka mid ah xannuunada ugu faafidda badan aduunka. Waxa lagu qiyaasaa dadka uu hayo ilaa 350 milyan. Waana nooca ugu caansan dhowrka nooc ee uu fayraska Hepatitis u qaybsamo. Xannuunkani wuxuu aad ugu badan yahay wadamada saxaraha africa ka hooseeya iyo koonfurta aasiya. 


Fayras ka Hepatitis B wuxuu ka samaysan yahay ugu yaraan saddex barootiin oo u habaysan sida lakabyo is-dul saaran iyo hidde-side noociisu yahay DNA iyo dhowr insaym (enzymes) oo fududeeya shaqadiisa. Marka fayraskani jidhka qofka soo galo, difaaca jidhku wuxuu gartaa inuu yaha shay qalaad.

Waxa is waydiin leh sidee jidhku fayras-ka ku gartaa?.  Si aynu su’aasha uga jawaabno, aynu yara fahano shaqada ay qabtaan barootiinnada uu ka samaysan yahay Fayrasku.

Fayraskan wuxuu ka samaysan yahay ugu yaraan saddex barootiin oo kala matala saddex lakab oo is dulsaaran. Saddexdan barootiin waa xannuun dhaliyayaasha Fayraskani adeegsado waxaana cilmiga caafimaadku u yaqaan (Antigens) antijiin, waxa loo soo gaabiyaa (Ag).

Anti-jiinnada fayraskani sameeyaa waa saddex; waxay kala yihiin Hepatitis B surface antigen (HBsAg), Hepatitis B core Antigen (HBcAg) iyo Hepatitis B envelope Antigen (HBcAg).

“Antigen (antijiin) maaaha kelmad ku kooban fayras-kan oo keli ah, waa erey bixin caafimaad oo tilmaamaysa shay kasta oo qalaad oo jidhka soo gala, difaaciisana cariya, kuna kelifa inuu weerar celin sameeyo”.
Sidaa darteed saddexdaa barootiin waa antijiino, uu jidhku u aqoonsado qaloodinimada fayraskan. Kadibna wuxuu howl geliyaa difaaciisa, si uu isaga caabiyo waxyeelada fayraskan. Marka difaacii qofku howl galo, wuxuu sameeyaa Barootiin u gaar ah la dagaalanka fayraskan oo isaga si fiican loogu diyaariyay. Barootiinkan waxa la yidhaa (antibodies) antibodhi, waxana loo soo gaabiyaa (Ab). Barootiinka Antibody oo ay sameeyaan Unugyo u gaar ah difaac samaynta jidhka (B-cells) waxa kale oo loo yaqaan ( Immunoglobulin)

Difaaca jidhku saddexdaa antijiin midd kasta wuxuu u sameeyaa antibody ka hortaga oo u gaar ah waxaanay kala yihiin, Anti-HBs, Anti-Hbe, Anti-HBcore.

“Antibody ama Immuniglobulin waa Barootiin si gaar ah jidhku u sameeyo si uu  uga hortago ama  isaga difaaco xannuunada ay keenaan xannuun faafiyayaasha fayraska ama bakteeriyada. waa qayb muhiim ah oo ka midd ah difaaca jidhka”.
Halkaa waxaa ka bilaabmaya isbarashada difaaca jidhka iyo fayraska, waxyeelada fayrasku gaystaana waxay ku xidhan tahay hadba labadooda kii gacan roonaada.

Lasoco Qaybta Labaad.







Comments

Popular posts from this blog

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?

Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19.