Xannuunka Cagaarshow (Hepatitis B): Waxyeelada Fog ee Xannuunka iyo War La’aanta Bulshada:
Qaybta 2aad.
Sidee lagu qaadaa Xannuunkan?
Fayras-kan
waxaa laga helaa dhiiga iyo dhamaan dheecaanada jidhka qofka qaba, sida biyaha
shahwada raga iyo dumarka, biyaha ilmaha uurka kujira ku gadaaman (Amniotic
fluid), biyaha maskaxda iyo xangulaha ku gadaaman ( Cerebro-spinal fluid),
dhareerka, iyo wixii la midd ah.
Siyaalaha
lagu kala qaadi karo waxaa ka midd ah:
- · Dhamaan noocyada galmada iyo sidoo kale wadaagida irbadaha dawooyinka la isugu turqo.
- Dadka daroogooyinka xididdada ka qaata ee wadaaga isticmaalka irbadaha.
- Hooyada uurka leh waxay u gudbin kartaa xannuunka ilmaha uurkeeda ku jira.
- · Dhiiga dadka lagu shubo iyo dareerayaasha laga miiray hadii ay fayraska sidaan( Blood and Plasma transfussion).
- · Qalabka lagu fuliyo qaliinnada caafimaadka iyo ka umulinta dumar.
- · Qalabka lagu dalooliyo jidhka, sida dhegaha iyo sanka iyo qalabka lagu xardho taatuu-ga.
- · Qalabka lagu fuliyo farsamaynta ilkaha iyo biraha loo adeegsado kabiga lafaha.
Xannuunkan
waxaa lagu kala qaadi karaa hab-kasta oo dhiig ama dheecaan qof ugu gudbin karo
qofkale. Waxa jira kooxo iyagu si gaar ah halis ugu jira in ay xannuunkan
qaadaan.
Kooxahaa waxa ka midd ah dhamaan Xirfad
la’yaasha caafimadka oo ay suuro gal tahay in ay si hubsiimo la’aan ah
xannuunka uga qaadaan dadka ay daryeelayaan.
Dadka
daroogada qabatimay, dumarka jidhkooda ka ganacsada, maxaabiista jeelasha,
xeryaha ciidama iyo darawalada baabuurta xamuulka ee masaafooyinka dheer isaga
goosha ayaa iyaguna halis wayn ugu jira inay xannuunkan qaadaan.
Wadamada
horu maray sida ugu badan ee lagu kala qaadaa waa noocyada galmada, wadaaga
irbadaha daroogada iyo qalabka lagu fuliyo qaliinada caafimaadka.
Wadamada
soo koraaya dariiqada ugu badan ee lagu kala qaado xannuunkan waxa
weeye;hooyada uurka leh oo u gudbisa ilma uurka kujira, iyo inta badan sanadaha
caruurnimada.
In
uu qofku noqdo fayras side, muddo dheer fayraskani jidhkiisa ku jiro waxay ku
xidhan tahay awooda difaaca jidhkiisa, da’diisa markuu fayras-kan qaaday iyo in
uu fayrasyo kale sido.
Waxa
kale oo fursadan sii kordhiya hadii qofku khamriga cabo ama balwad kale
leeyahay . In ku dhow 25% dadka Fayras-sidaha noqdaa waxay ku danbeeyaan kansarka
beerka ee loo yaqaan (Hepatocellular carcinoma).
Astaamaha xannuunka Hepatitis B.
Inta
badan dadka xannuunku ku dhacaa wax isbedel ama astaan xannuun ah ma dareemaan
marka ugu horaysa ee fayras-kani jidhkooda soo galo. Waxa laga yaabaa in
jidhkoodu xannuunka iska caabiyo iyagoo aan dareemin oo caafimaad qab isu
malaynaya (subclinical Infection). Dadka noocan ah ee aan wax astaan
xannuun ah dareemin muddada jidhku fayraska iska sifaynayo, way yartahay in ay
fayras-side noqdaan.
Astaamaha
Xannuunka waxa lagu arkaa ku dhawaan 30% dadka waawayn, ku dhawaan ̴10% caruurta shan sano ka yar iyo ̴ 0.5% caruurta sanad ka yar. Aqlabiya
dadka waawayn ee fayraskani ku dhacaa way ka bogsadaan.
Bogsashada waxa
calaamad u ah in qofka dhiigiisa laga waayo DNA-da Fayraska lix bilood ka dib
markii xannuunku ku dhacay. Hasayeeshee, aqlabiyada caruurta hal sano ka yar ee
Fayras-kan qaada marka ay dhalanayaan, waa dhif iyo nadir in fayrasku jidhkooda
ka dhamaado.
Astaama Xannuunka:
Dadka xannuunku kasoo ifbaxo waxay dareemaan astaamo
u eg kuwa durayga sida; Daal iyo Tacbaanimo badan, Xummad, Shuban, Matag, Finnan ama Furuuruc jidhka oo
dhan kasoo baxa, Xaglo-xannuun iyo Kaar laga dareemo dhinaca middigta ee uur ku
jirta ( inta ka hoosaysa feedhaha; bartaasi waa halka uu ku beegan yahay beerku).
Waxaa
xusid muddan in muddo door ahi u dhaxayso xiligii fayrasku jidhka soo galay iyo
xiliga astaamaha xannuunka qofku dareemo. Mudadaasi waa xiliga fayrasku ku
tarmaayo, kuna faafayo jidhka qofka, isla markaana uu laciifinayo difaaca
jidhka. Muddadan oo u dhaxayn kartaa 30-90 maalmood. Hasayeeshee dadka qaar way
ka badnaan kartaa 40 maalmood,waxayna gaadhi kartaa ilaa 160 maalmood. Mudadaa
waxa looyaqaan “Muddada Is-xannaanaynta fayraska” ama (Incubation period).
In
ku dhow 12% da’yarta iyo 30-40% dadka
waawayn ee xannuunka Cagaarshowgu ku
dhaco, xuubabka jidhku huruud ayay noqdaan (Jaundice). Sida; indhaha, baabacooyinka, cidiyaha, ciriddka iyo
dibnaha ama mararka qaarkood jidhkoo dhan. Inta badan huruudowga waxa la arkaa
todobaad ka dib marka astaamahaa kale qofka ee aynu soo sheegnay qofka kasoo
ifbaxaan.
Marka
huruudowgu (Jaundice) sii bato ee rasiimo, waxa iyana sii madoobaata kaadida (dark
urine), saxaraduna way sii cadaataa( pale stools). Waxa
dhacda dadka qaar in fayraskan Hepatitis B si xoog ah u abbaaro beerka, taasi
oo keenta xaalad nolosha qofka khatar wayn gelinkarta oo dhimasho degdeg ah
keeni karta. Xaaladaas oo loo yaqaan (fulminant
hepatitic necrosis), waa xaalad beerka intiisa badani dhimato oo uu gebi-ahaanba
joojiyo shaqada.
Sidee loo baadhaa Xannuunka Hepatitis B.
Marka
la doonayo in Shaybaadh lagu sameeyo xannuunka Hepatitis B waa in dhiiga qofka
laga baadho Antijiin-nadii fayraska
ee aynu kasoo sheekaynay, iyo Antibodhi-gii
jidhku isku difaacayay.
Labadaa
nooc ee barootiinada ah ee iska soo horjeeda ayaa asal u ah shaybaadhka
xannuunkan.
Hasayeeshee fasiraadoodu waxay u baahan tahay dhakhtar takhasusu u
leh si loo ogaado marxalada qofku kujiro midda ay tahay; midd fayras-sidenimo ama fayras-faafineed.
Shaybaadhada kale ee loo baahan yahay waxaa ka midd ah,
- 1. Shaybaadhka lagu qiimeeyo Shaqada beerka (AST,ALT, Bilirubin, Albumin).
- 2. Barootiinada caawiya Dhiig joojinta (Blood clotting profile)
- 3. Dufanada kala duwan ee beerku warshadeeyo ( Lipid profile)
- 4. Xadiidka iyo sawir guud oo ku saabsan dhamaan unugyada dhiiga ( Iron, CBC)
Waxaa
intaa dheer oo aad u muhiim ah in Beerka iyo guud ahaan uurku-jirta la saaro Altarasoon
(Ultrasound scan) muuqaal fiican ka
bixiya beerka.
Sida
aynu soo sheegnay aqlabiyada dadka fayras kani ku dhaco ee u gudba marxalada
fayras-sidenimada waxay ku danbeeyaan sannado badan ka dib in beerku fadhiisto
oo howl gabo; marxalad loo yaqaan (Liver
Cirrhosis). Marxaladaasi waxay iyana usii gudubtaa kasnar (Hepatocellular carcinoma).
Sidaa
darteed waxaa daruuri ah in si joogto ah loola socdo hadba halka uu marayo
xannuunku oo la ogaado marxaladihiisa kala duwan.
Maaraynta xannuunka Hepatitis B.
Maaraynta
xannuunkani waxay u baahan tahay siyaasad balaadhan oo si xeel dheer loo dersay
oo dhinacyo kala duwan taabanaysa. Waxaa ugu muhiimsan maaraynta xannuunkan
Hepatitis B ama Cagaarshowga Wacyi gelinta qofka buka (Patients Education and Public Awareness) iyo bulshada guud ahaanba.
Waa
in dadka la baro waxa xannuunkani yahay, halkuu ka yimaado, sida lagu kala
qaado iyo halista caafimaad darro ee uu keeni karo iyo sida la isaga ilaaliyo.
Waa in la dejiyo qorshe dhamaystiranoo lagu bartilmaameed sannaayo dhamaan kooxaha
halista ugu jira in ay xannuunkan qaadaan.
Xannuunkani
wuxuu leeyahay tallaal aad iyo aad u awood badan oo lagaga hortagi karo, sidaa
darteed waa in dhamaan dadka u nugul xannuunka la siiyaa, gaar ahaan xirfad
layaasha caafimadka.
Hadii
qofku xannuunkan qaado, waa in si gaar ah loo fahamsiiyo daruufaha xannuunka,
astaamihiisa, sida uu qofku u ilaalin karo guud ahaan xaaladiisa caafimaad.
Marhadii xannuunkani yahay midd mudo dheer qofka hayn kara waxa loo baahan
yahay in bukaanku fahmo siyaalaha uu u yarayn karo riiqda xannuunka.
Waa in la
fahamsiiyo sida uu u sii dhaqi karo qoyskiisa, sida uu u shaqaysan karo iyo in
uu fahmo mas’uuliyada ka saaran in aanu xannuunka u gudbinin bulshada inteeda
kale.Marka
qofka loo sheego in uu Xannuunkan qabo, waxa ku dhaca anfariir iyo u
qaadan-waa.
Dadka qaarkood waxay galaan marxalad dafiraad iyo isdiidsiin ah,
qaarkood waxay bilaabaan in ay naftooda cannaantaan oo is-hiifaan, qaar kood waxa ku dhaca
isku-buuq iyo niyad-jab, rajo-beel, iyo dareen itaal-daro iyo kelinimo ah;
waxay dareemaan in ay takooran yihiin iyo in hadii la ogaado farta lagu wada
fiiqi doono.
Dadku
hababkaa kala duwan ayay uga dareen celiyaan ogaanshaha Xannuunka. Marxaladani
waa muddada ugu werwer iyo walbahaar badan ee qofku maro inta xannuunku hayo.
Markan
waxa loo baahan yahay in si dhab ah qofka la isu garab taago, in niyad-dhis,
guubaabin iyo dhiiri gelin lagu taageero.
Ididiilada ugu wayn ee lasiin karo
qofku waa in si fiican loogu sharaxo Xannuunkanni waxa uu yahay iyo sida uu ula
noolaan karo. In si dulqaad iyo faham ku dheehan looga jawaabo su’aalaha tirada
badan ee qofka bukaanka ah kasoo burqanaaya.
“Xogtu waa awooda ugu wayn ee qof lasiin karo”.
Dawaynta Xannuunta:
Marhadii
ay adagtahay in fayraskan laga tirtiro jidhka qofka, ujeedada dawayntu waa laba
arimood:
a.
In
laga shaqeeyo sidii difaaca jidhka qofku kor ugu kici lahaa si uu u wiiqo
taranka Fayraska.taas oo lagu heli karo in qofka lasiiyo dawooyin kaaba oo
xoojiya difaaciisa.
b.
In
qofka lasiiyo dawooyin joojin kara taranka fayraska oo yareeya xadiga Fayraska
ku hadhaya jidhka ( Decreasing viral load).
Marxalada
uu xannuunka karkiisu cusub yahay (acute infection) ee uu qofka marka ugu
horaysa soo rido: waxa haboon in cusbital leh qaybta karantiimada lagu daweeyo.
Lana hubsado xannuunka iyadoo la adeegsanayo baadhitaanada aynu soo sheegnay. Ma
jirto dawo Fayraska ugaar ah xiligan qofka lasiin karaa.
Marxalada
fayras-sidenimada hadii uu gaadho, qofku wuxuu u baahan yahay dhakhtar aqoon
takhasus u leh cudurada beerka ku dhaca (Hepatologist) ama cudurada
dheef-shiidka (Gastroenterologist).
Waxa
jira dawooyin tiro badan oo lagu yareeyo tirada fayraska (Viral Load) ee jidhka
qofka kujira, ama lagu xanibo taranka fayraska, hasayeeshee dawooyinkasi waxa
kale oo badan khatarahooda waxaana loo baahan yahay dhakhtar si gaar ah u
dersay.
Dawooyinka
waxa lasiin karaa uun Qof qaba hibataaytis B oo xannuunku firfircoon yahay,
Fayraskuna tarmayo.
Daawooyinka Xannuunka Cagaarshow-ga lagula tacaalo waxaa kamidd ah:
- Pegylated
Interferon Alpha 2a (PEG-INF)-alpha 2a. oo loogu talo galay dadka waawayn. Iyo
- Pegylated
Interferon Alpha 2b (PEG-INF)-alpha 2b. oo loogu talo galay caruurta.Dadka
waawayn; 180µg wiigii. Caruurta (≥1sanno): 6mm IU/m². sadex goor todobaadkii.
- Etecavir-
dadka waawayn: 0.5mg (Lamivudine-/telbivudine) qofka aan dawo hore u qaadan.
1.0mg (dadka dawooyinkan hore u qaadan). Caruurta ka wayn laba sano,
miisaankooduna ka wayn yahay 30kg.
- Tenofovir
dipovoxil fumarate- dadka waawayn iyo caruurba; 300mg maalintii.
- Tenofovir
alfenamid- dadka waawayn keliya: 25mg maalintii. Dawadan lama siinayo caruurta
Kuwani waa dawooyinka
ugu wax qabad fiican ee loo adeegsado xannuunkan, waxaan magacownay uun dhowr
ka ugu magaca wayn laakin sida loo qaadanayo iyo macluumaadka lagama maarma
Ugu
danbayn, xannuunkani waa midd si aan horjoogsi lahayn ugu faafaya dalkeena,
Somaliland iyo Somalia waxay ku jiraan wadamada uu xannuunkan Hepatitis B uu si
baraad la’aan ah ugu fidayay tobban kii sano ee ugu danbeeyay.
Taasi
oo ay keentay maqnaanshaha siyaasad caafimaad oo wax ku oo ah. Xudduudaha
wadanka oo furan oo haba yaraatee aanay jirin wax xakamayn ah oo lagu sameeyo
ajnabiga xad-dhaafka ah ee waddanka soo
gelaya, iyo wacyiga bulshada oo aad u hooseeya marka xannuunkan la eego.
Allaah
mahad leh
Ilaah ayaa Mahad leh.
Dr A D Hassan
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.