Posts

From May-91 to Tolwaanaje 2: Somaliland at Critical Juncture

More than a quarter a century has elapsed since the May 1991s impromptu unilateral dissolution of the Union with the southern partners. It was a turning point in the history of our country, where we stopped being guests on our land and decided to take control. The events of that day marked the end of the armed struggle against Siyad's brutal regime, which carried out a hellish strategy to uproot Somaliland's inhabitants. It heralded the demise of the Siyadist ideology of statehood that builds its legitimacy on a relentless pursuit against sections of the population, stripping them of their fundamental human rights and subjugating them into second-class citizens to silence the rest and reign for eternity. Somalilanders sacrificed their lives for their freedom, wealth for their children's future and stability for democracy and self-rule.  It was a moment of profound emotional upheaval and decisive self-reliance. Despite appreciable differences among the top leaders of the lib

𝐘𝐚𝐚 𝐥𝐞𝐡 𝐦𝐢𝐡𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚? 𝐖𝐚𝐚𝐬𝐞 𝐤𝐞𝐞 𝐬𝐮𝐱𝐮𝐟𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐚𝐡𝐢?

Image
Xirfad kastaa waxay u baahan tahay folaad iyo hormuud jiilasha danbe ay higsadaan oo ka dhimbiil qaataan. Xirfada saxaafadu waxay ku jirtaa kuwa ugu mudan ee u baahan xidigo ifaya oo da'yarta saxaafada u noqda jiheeyeyaal u tilmaama toobiyaha saxda ah, weyeel ay ka weheshadaan hubaal la'aanta, iyo marin-habowga dhalinyaranimada. Somalidaa hore ugu maahmaahday “𝘢𝘭𝘪𝘧𝘬𝘢 𝘰𝘰 𝘬𝘢𝘢 𝘲𝘢𝘭𝘰𝘰𝘤𝘥𝘢𝘢 𝘢𝘭𝘣𝘢𝘲𝘳𝘢 𝘢𝘺𝘶𝘶 𝘬𝘶 𝘥𝘩𝘪𝘣𝘢𝘢, 𝘰𝘰𝘥 𝘢𝘳𝘥𝘢𝘺𝘥𝘢 𝘬𝘢 𝘩𝘢𝘥𝘩𝘢𝘢'ye” Waxa nasiib daro ah in xirfad kasta laaxin inaga galay; xirfada saxafinimadu waxay ku jirtaa kuwa qalooca ugu halista badani galay. Waxaaba la odhan karaa saxafinimada Somaliland magaca uun bay la wadaagtaa mihnadii saxaafada ee dhabta ahayd. Waxaan raadiyay saxafi hirasho leh oo qormadan aynu shucaaciisa ku iftiinsano. Nasiib daro, kuma guulaysan in aan soo helo Suxufi Somali ah oo aan aragtidiisa, wax soo saarkiisa, saamayntiisa bulsho, iyo xeel-dheeraanta xirfadiisaba

Saamaynta Caafimaad ee Macaaneeye-yaasha macmalka ah "Artificial sweeteners"

Ereyga "Artificial sweeteners" waxa lagu macnayn karaa Macaaneeye aan dabiici ahayn. Somaalidu waxay u yaqaanaan magacyo kala duwan oo ay ugu caansan tahay "Sonkorta Macaant"a. Walxahani 200 ilaa 700 boqol oo jeer ayay sonkorta ka macaan bdan yihiin; sida ay jidhka u soo galaan ayay uga baxaan oo dheefshiidka jidhkeenu ma burburin karo, wax tamar ahna lagama helo. Walxahan oo aad u tiro badan ayaa Hay'ada cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanku "Food Drug Agency" waxay ogolaansho in laga ganacsan karo, lana adeegsan karo ah siisay lix ka mid ah kuwaas oo kala ah: 1. Aspartame 2. Saccharin 3. Acesulfame p otassium (Ace-K) 4. Sucralose 5. Neotame 6. Advantame Waxaynu qormadan ku eegaynaa dhowrka ugu caansan looguna adeegsiga badan yahay oo aynu mid walba sharax kooban ka bixin doono si qofka doonaya in uu adeegsado u helo xog uu kaga go'aan qaato nooca uu is leeyahay way kugu habboon tahay iyo si dadka aad u adeegsada walxahan, gaar ahaan dadka xanuunk

Saamaynta korinta iyo tababariddu ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka "The behaviourist approach"

Image
Behaviourist approach waa aragti ku saabsan habka dadka iyo xayawaankuba wax u bartaan. waxa keli ah ee ay daneysaa waa daraasadaynta hab-dhaqannada la arki karo lana qiyaasi karo (observable and measurable behaviour). Iskuma lurto baadhitaanka shaqooyinka iyo howlaha maskaxda qofka ka dhex socda iyo suuro galnimada saamayn maskaxdu ku yeelan karto hab-dhaqanka noolaha. Dariiqada behaviourism ku waxay soo ifbaxday bilowgii qarniga labaatanaan waana dariiqada aqoonta saykoolajiga ka dhigtay aqoon saynis ah oo waafaqsan shuruudaha lagu qiimeeyo saynisnimda aqoon kasta: mowduucinimo (objectivity) iyo in markasta tijaabada lagu celiyo ay soo saari karto natiijo isku mid ah (replication). Behaiourims waxay xoogeedii ka bilaaban tahay maraykanta, aqoonta saykoolajigana waxay hogaaminaysay mudo nus qarni ah oon lagula tartarin. Inkastoo tijaabadii ugu horeysay ee Behaviourist approach ku saabsan uu sameeyay saynisyahan ruush ah Ivan Pavlov ( (1849–1936), hadana laba psychologist oo maraykan

Xanuunka Macaanka malaga bogsan karaa?

Image
Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga haflaynaa waa nooca labaad oo inta abdanku dhaca dadka da’doodu ka wayntahay 40, miisaankoodu culusyahay, cuntadoodu aanay miisaanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho da’da qofka iyo mudada uu hayay. Waxa laga yaabaa in bilowga xanuunka, qofku lagu maareeyo hal dawo oo fudud, laakiin wakhtigu sii dheeraadoba dawada lasii kordhiyo ilaa la gaadho irbad in uu qaado. Hasayeeshee, dadka macaanka qaba su’aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna iwaydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aad mar uun dawada joojiyo? Labadaa su’aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.   Marka hore aynu doorano ereyga meesha ku habboon. Bogsasho “reversal” waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si barman ah u tagga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero; markaa ereyga su’aasheena ku h