๐๐๐ ๐ฅ๐๐ก ๐ฆ๐ข๐ก๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐๐๐๐๐๐? ๐๐๐๐ฌ๐ ๐ค๐๐ ๐ฌ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐๐ญ๐ ๐๐ก๐ข?
Xirfad kastaa waxay u baahan tahay folaad iyo hormuud jiilasha danbe ay higsadaan oo ka dhimbiil qaataan. Xirfada saxaafadu waxay ku jirtaa kuwa ugu mudan ee u baahan xidigo ifaya oo da'yarta saxaafada u noqda jiheeyeyaal u tilmaama toobiyaha saxda ah, weyeel ay ka weheshadaan hubaal la'aanta, iyo marin-habowga dhalinyaranimada. Somalidaa hore ugu maahmaahday
โ๐ข๐ญ๐ช๐ง๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ฐ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ฒ๐ข๐ญ๐ฐ๐ฐ๐ค๐ฅ๐ข๐ข ๐ข๐ญ๐ฃ๐ข๐ฒ๐ณ๐ข ๐ข๐บ๐ถ๐ถ ๐ฌ๐ถ ๐ฅ๐ฉ๐ช๐ฃ๐ข๐ข, ๐ฐ๐ฐ๐ฅ
๐ข๐ณ๐ฅ๐ข๐บ๐ฅ๐ข ๐ฌ๐ข ๐ฉ๐ข๐ฅ๐ฉ๐ข๐ข'yeโ
Waxa nasiib daro ah in xirfad kasta laaxin inaga galay; xirfada saxafinimadu waxay ku jirtaa kuwa qalooca ugu halista badani galay. Waxaaba la odhan karaa saxafinimada Somaliland magaca uun bay la wadaagtaa mihnadii saxaafada ee dhabta ahayd. Waxaan raadiyay saxafi hirasho leh oo qormadan aynu shucaaciisa ku iftiinsano. Nasiib daro, kuma guulaysan in aan soo helo Suxufi Somali ah oo aan aragtidiisa, wax soo saarkiisa, saamayntiisa bulsho, iyo xeel-dheeraanta xirfadiisaba buuxiyay kaalinta folaadnimo ee aynu raadinayno. Kadib ayaan ku qancay in aad degelo kale u talaabo
Bob Woodward waa suxufi Maraykan ah oo ka mid ah ragga ruug-cadaaga loogu yeedho. Konton sano in ka badan ayuu saxaafada ku jiray. Takhasuskiisu waa โinvestigative journalismโ dabo-galka soo hurgufidda xogaha inta awooda haysataa rabto in aan la ogaan.Waa ninkii fashiliyay fadeexadii "watergateโ ee madaxwayne Nixon galaafatay. Suxufiyiinta daโda yar waa nin ay tahay in ay akhriyaan buugtiisa, dhuuxaan afkaartiisa isla markaana ku dedaalan in ay fahmaan tiirarka xirfadiisu ku dhisan tahay. Bob Woodward waxa uu leeyahay shan astaamood ayaa u sees ah xog raadinta qiimaha leh.
1. ๐บ๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐
๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐. Si aad mowduucyo kala duwan u daadihin karto unaga warami karto waa in maskaxdaadu tahay faduuliyad, dhuudhaaska jecel oo aan si fudud loo qancin karin loona duufsan karin. Waa in aadan noqon bartii yaqaan, bari uma korodho โyou have to get out of your comfort zoneโ
2. ๐จ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐
๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐. Waligaa kala saar caadifadaadda iyo xaqiiqadda; una xagli runta xataa hadii caadifadaaddu necbaysato.Suxufiga ku guul darraysta in uu labadaas kala sooco waxa uu lumiyaa kalsoonida iyo ixtiraamka bulshada markaasina waa marka uu xirfad ahaan gubto. Ogow cadowga saxaafadu, inta badan ku ma dhiiradaaan in ay ciqaabaan suxufi bulshadu ku kalsoontahay oo la jecel yahay, waa in isaga iyo bulshada la kala dilo, kadibna laga aar goosto.
3. Hirdanada siyaasada, way adagtahay in dhexdhexaad laga noqdo; laakiin ๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐. Isla markaad dhinac raacdo waxaan ka mid noqotay mowduuca aad baadhayso, waxaad lumisay in aad noqoto xog-baadhe. Bob Woodward waxa uu sheegaa in uu xataa iska ilaaliyo in uu codeeyo, si aan loogu tirin dhinacna. Waa in aad ahaato muwaadin aan lahayn ajende siyaasadeed.
4. ๐ช๐๐
๐
๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐
๐
๐๐๐๐๐
๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ โ๐บ๐ฐ๐ถ ๐ข๐ณ๐ฆ ๐ฐ๐ฏ๐ญ๐บ ๐ญ๐ฐ๐บ๐ข๐ญ ๐ต๐ฐ ๐ต๐ฉ๐ฆ ๐ค๐ช๐ต๐ช๐ป๐ฆ๐ฏโ. Sidaa darteed waa in marwalba danta muwaadinku kaala qiimo badato danaha kooxaha awood kala jiidashada iyo hanti urursiga ku hirdamaya. Waa in xogta aad usoo bandhigto adoo cidna ka baqayn cidna u burinayn โ๐ซ๐ฐ๐ถ๐ณ๐ฏ๐ข๐ญ๐ช๐ด๐ฎ ๐ธ๐ช๐ต๐ฉ๐ฐ๐ถ๐ต ๐ง๐ฆ๐ข๐ณ ๐ฐ๐ณ ๐ง๐ข๐ท๐ฐ๐ถ๐ณโ. In suxufigu muwaadinka daacad u noqdaa waxay keenaysaa in aad qaybaha bulshada oo dhan ka qayb geliso dooda socota adigoo kooxna aan faquuqayn. Hadii aad koox gaar ah ka xagliso ama u xagliso waxaad ku gabood fashay bulshadii oo dhan.
5. ๐บ๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ โ๐ฆ๐ด๐ด๐ฆ๐ฏ๐ด๐ฆ ๐ฐ๐ง ๐ซ๐ฐ๐ถ๐ฏ๐ข๐ญ๐ช๐ด๐ฎ ๐ช๐ด ๐ท๐ฆ๐ณ๐ช๐ง๐ช๐ค๐ข๐ต๐ช๐ฐ๐ฏโ Way adagtahay in suxufigu dhex noqdo waayo waxa la soo gudboonaada goโaan qaadasho aan dhinacyada wada raali gelin karin- taas weeye sababta ay tahay in uu marwalba danta shacabka daacad ugu ahaado; waajibkiisa keli ahina waa in uu runta gaadho. Si aan amaanadiisu u wiiqmin waxa dhex noqdaa waa dariiqa lagu raadiyo runta (methadology). Kaas ayay tahay in aanu cidna u xaglin.
Caqabadaha horyaal saxaafada Somaliland waxa ugu horaysa lahaansho la'aan "ownership". TVyada iyo wargeesyada ragbaa leh oo ku shaqaysta laakiin mihnada suxufinimada yaa leh. Yaa kobciya, dhisa, qaloocsanka iyo darjiidhka ka ilaaliya. Dowlada iyo mucaaradka labaduba way ku adeegtaan saxaafada laakiin wax ay ku biiriyaan dhismaha mihnada saxaafadu ma jirto. ฯแดแด สแดสแดแดแด๐ด สแดสแดแด แดสษดแด ษช๐ดแดแด แดกแดสแด
ษชษชษดแดสษดแดโป ๐ แดแด สแดส แดษชสษดแดแด
แด ๐ดแด๐นแดแด๐งแดแด
แด๏น
Caqabada labaad, ilaa hadda laguma guulaysan in saxaafadu noqoto hay'ad "failure to institutionalise" wali waxay tahay sinaarad ay ku jilaabasho tagaan da'yar aan aqoon iyo karti u lahayn in ay kobciyaan agabka laftiisa. Marka baahida lagu lamaaneeyo muuqasho jacaylka iyo qabka beenta ah ee baraha bulshadu abuureen, minnadii suxufinimadu waxay halis ku noqotay, bulshadii ay danteeda daacada u noqon lahayd.
Astaamaha suxufiga dhabta ahi way badan yihiin, hadba waa xagasha laga eego iyo cidda qiimaysa. Hasayeeshee, waxa la isla ogol yahay in suxufinimadu ay ka xeel dheertahay war soo tebin. Waxay u baahan tahay mabda' ay u adeegto iyo dan yare ay garabsiiso. Waxa jira suxufiyiin qalinkooda kireeya, damiirkoodana ku doorsada sandareerto kooban iyo maamuus degdeg u gudha. Kuwaasi dhaxalkoodu ma waaro. Waxay dhitaystaan uun dheg xumo iyo fiigayn. Ogow, taariikhda waxa qora kuwa mabaadi'doodu guulaysato ee akhlaaqdoodu sare noqoto; kuwaas ayaa xuskoodu waaraa, haba soo daahee.
Caqabadaha saxaafada ku xeerani labadaa kuma koobna, aad ayay u tiro badan yihiin waxay dhamaantood ka shidaal qaataan dheeli ku yimid aasaaska mihnada lafteeda oo aan dhidibo sax ah lagu taagin. Waxa loo baahan yahay dib u eegis mug leh oo qayb ka noqota midda aynu u rabno in dowladnimadeena lagu sameeyo si aynu u saxno marin habowga inagaga dhacay dowladnimada lafteedii.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.