Xoree Garaadkaaga oo Jebi dabarka "Confirmation Bias" -ka!!
Halkee
aragtiddaada, fikradahaaga iyo waxyaalaha aad sida yaqiinta ah u aaminsan tahay
ka yimaadaan? Hadii aad ka midd tahay dadka caadiga ah waxa xaqiiqo ah in aad
naftaada ka aaminsan tahay qof caqliga si sax ah u adeegsada, qof afkaartiisu
isu miisaamantahay, qof garaadkiisu ku salaysan yahay sannado badan oo khibrad
ah iyo gorfayn mug wayn oo aad ku samayso xogta aad hesho, waxaad iska
aaminsantahay qof go’anadiisu ku qotomaan ka fiirsi, dhexdhexaadnimo iyo
deganaan. Sidaa darteed dadka intooda badan way damaqdaa hadii si toos ah ama
si dadban loo duro aragtidooda ama su’aal looga keeno caqli-galnimada
afkaartooda.
Xaqiiqadu
waxay tahay, dhamaanteen waxaynu khatar ugu jirnaa mushkilad aynaan aalaaba
dareemin in ay usoo dusto garaadkeena. Arrintan cilmiga saykoolajigu waxa uu u
yaqaanaa Confirmation bias. Ururka
saykolojiga ee maraykanku (American Psychologists Association) waxay “Confirmation Bias” ku qeexaan:
“Maskaxdeenu
waxay xulataa oo si gaar ah ugu xaglisaa xogta sii xoogaysa afkaar aynu horeba
ugu qanacsanayn, sidoo kale waxay iska dhego-marisaa xogta wareemi karta ama
duri karta aragtudeeba”
Waxaad
suuraysaa qof aaminsan in qofka wadaadka lagu tilmaamaa uu yahay dhabcaal ;
qofkaasi markasta oo uu arko qof leh astaamaha wadaaddada lagu asteeyo oo
waxoogaa gacan adkaan ahi ka muuqato, waxa uu u turjuntaa xaqiiqo xoojinaysa
aragtida dhabcaalnimada ee uu wadaadka ka qabo. Hasayeeshee, hadii uu arko
dadka uu wadaadka u yaqaan oo gacan furan, deeqsinimo ku cadahay,
dhiiri-gelinaya wax huridda uma dhaadhiciyo qalbigiisa waanu iska dhego mariyaa. Kaasi waa tusaale
sharaxaya sida qofku u sii xoojiyo sawir qaldan oo uu ka haysto koox dad ah
isagoo dhaadid la’aan u xulannaya daliillo xoojinaya fikradisa; taas ayaa la
yidhaa Confirmation Bias.
“Confirmation
Bias” waxa ay saamayn wayn ku yeelataa habka maskaxdeenu xogta u ururiso, sida
ay u taxliiliso, iyo sida ay u kaydiso. Tusaale, qofka arrin siyaasadeed
taageersan waxa uu xulasho ku raadiyaa wixii war ah ee arrinkaas uu taageersan
yahay xoojinaya.
Macluumaadka aan si qurxoon usoo bandhigayn arrinkaas ama wuu
is baal mariyaa ama waxa uu saaraa fasiraad la jaan-qaadi karta rabitaankiiisa.
Dhan u xaglinta noocan ah waxa ku caan ah taageerayaasha axsaabta siyaasada,
ururo diimeedyada, iyo taageerayaasha kooxaha ciyaaraha.
Aqoonyahan
la odhan jiray Cathcart Wason ayaa 1960
wuxuu sameeyay tijaabo uu u bixiyay “Wason’s rule discovery task” oo uu
ku xaqiijinayo fikrada ay ku samaysan tahay Confirmation Bias-ku. Tijaabada Mr
Wason waxay cadaysay in maskaxda qofku ay naqaysato xogta sii xoojinayso uun
mabda’ uu aaminsanaa.
Nasiib daro mushkiladani waxay innaga hor joogsataa in
aynu ku dhiirano naqdiyidda afkaarteena iyo in qofku su’aal iska waydiino
dhexdhexaadnimada ra’yigiisa. Waxay inaga indhasaabtaa toosnaanta aragtiyaha
inaga soo horjeeda. Qalafsannaanta garaadka qofku waxay yaraysaa in meel dhexe
la isugu yimaado iyo in qofku la jaallo aragto ka duwan tiisa (compromise and
tolerance).
Confirmation
Bias waxay kaloo saamayn kartaa xirfada shaqo ee qofka. Ninka la yidhaa Peter O
Gray ayaa buugiisa the Psychology, waxay uu ku sharaxayaa in Confirmation bias
ay ku dhici karto dhakhtarrada. Mr Peter waxa uu qoray “ Dhakhtarku haddii uu
judhiiba isa siiyo in bukaanku xannuun hebel qabo, waxa uu bilaabaa in uu qofka
waydiiyo su’aalo qofka ku jihaynaya xannuunka dhakhtarku niyada gashaday, waxa
uu raadiyaa daliil xoojiya tuhunkiisa, ugu danbayn waxa uu dalbaa shaybaadh sii
cadayn kara xannuunka uu raadinayo” dariiqani
waxa uu keeni karaa natiijo qaldan oo ku gebo-gebowda in bukaankii lasiiyo dawo
qaldan.
Peter Gray oo ahaa nin saykoolajiga ku xeel-dheer waxa uu ku taliyay in
dhakhaatiirta lagu tababaro hab-fikirka loo yaqaan “Inductive reasoning”.
Tababarkan oo dhakhaatiirta ku baraarujin kara in ay ka digtoonaadaan xaglinta
noocan oo kale ah. Maskaxdoodana u furi karta suurto galnimada natiijooyin ka
duwan waxa ay filayaan.
“Confirmation
Bias” waxa ay saamayn taban ku leedahay hal-abuurka iyo hagidda
cilmi-baadhisaha. Waxa xusid muddan in awooda gorfayneed ee garaadka qofku
waxay ku salaysan tahay laba shaqo oo kala ah Challenge avoidance iyo Reinforcement
seeking. Challenge avoidance waxa weeye qofku waxa uu neceb yahay in
aragtidiisa qaladnimadeeda la xaqiijiyo. Reinforcement seeking waxa weeye qofka
waxa u asal ah in uu ku raaxaysto marka ay caddaato in aragtidiisu sax tahay. Qofku
si uu labadaa arrimoodba isula helo waxa uu adeegsadaa “Confirmation Bias”.
Qofka hal-abuurka iyo fikrad-dhalinta leh waa in uu ka xoroobo Confirmation
Bias. Waa in aanu isu mashxaradin ee uu aragtidiisa dhallaaliyaa is uu
god-dalloolo uga raadiyo. Waa in uu diyaar u yahay in uu qaldami karo, jirina
karto aragti ka duwan tiisa oo kana saxsan.
Marka laga
hadlayo xidhiidhka qoyska su’aal yool-baadh ah ayaa tidhaa.. Ma waxaad rabtaa
in aad sax noqoto, mise in aad farxad hesho?!!.
“Confirmation Bias” waxay la shaqaysaa qaybta garaadka ee raadisa in aad
markasta sax ahaato. Hadii Confirmation Bias-ku ku hogaamiyo si degdeg ah ayuu
kaaga lalin doonaa xayn-daabta lammaane-nimada. Qofku waa in uu maskaxda u furo
in lammaanihiisu ka saxsannaan karo, isaguna noqon karo midd ka wada-noolaanshahooda
xagal daacinaya. Ogow wixii garaadka qofka ka daadega ayaa fulintiisuna
fududahay.
Meelaha
“Confirmation Bias” ay saamayso waxa ka midd ah Hogaaminta iyo maamulka. Hadii
hogaamiyuhu isku qanciyo in toobiyaha uu qaaday uu yahay ka keli ah ee toosan,
laguna gaadhi karo guul, waxa uu indhaha ka lillin doonaa dhammaan xogta
tilmaamaysa tub kale oo ka gaabnaan karta, kana habaas iyo hanfi yaraan karta
midda hoggaamiyuhu hayaanka u wado. Waxa dhacaysa in hoggaamiyuhu is diidsiiyo
tallooyin iyo xal hal-abuurnimo heersare ahi ka muuqato. Hoggaamiyuhu hadii
aanu xakamayn “Confirmation Bias-kiisa, waa hubaal in kubka iyo bowdadaba laga
jabi-doono, bulshaduna ay goosan goosan u dabayl raaci doonto, haad iyo
haanraawena ka hiigi doonaan.
Hadii aad
soo gaadhay gebogebada maqaalka, waxa suuro gal ah in aad isku qancisay in
adigu aad tahay qof maskax furan oo ka xoroobay Confirmation Bias-ka aan ka
sheekeeyay. Dhamaanteen isqancintaasi waynu wada leenahay, hasayeeshe in aad u
yar ayaa asalankaba dareensan in ay xusul duub ugu jiraan gaadhitaanka
“saxsannaan buuxda”. Dib u eeg aragtidaada, qiimee waxa aad aaminsan tahay, kal
furan ku dareen fikirka kaasoo horjeeda, ka dibna u laab furnow in aad ilduufi
karto, una diyaar ahow in aad jihada bedesho.
Comments
Post a Comment
Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday maqaalka.