Ramadaanta iyo Xannuunka Macaanka: Barakada soonka iyo Badbaadada nafta.
Maalmo kooban ayaa inaga xigta bishii barakaysnayd ee ramadaan. Dad badan oo la nool xannuunka Macaanka ama Sonkorow-ga ayaa jecel in ay soomaan bishan barakaysan oo ay ajarkeeda iyo naxariista ilaahay ku guulaystaan. Hasayeeshee xannuunka Macaanku waa xannuun la xidhiidha sonkorta jidhka oo uu miisaankii ka lumay. Uma jeedno in aan xannuunkan iyo sababihiisa ka sheekayno, laakiin waxaan dadka macaanka qaba la wadaagayaa tallooyin ka caawin kara in ay si fiican u fahmaan xannunka, ka dibna ay go’aan fiican qaataan: In ay soomaan ama ay iska dhaafaan. Marka hore aan fahano saamaynta soonku ku yeesho jidhka qofka Macaanka qaba. Khataraha ka dhalan kara soonka waxa ugu muhiimsan oo aynu halkan kusoo koobi doonaa afarta ugu waawayn. 1. In sonkortu aad kor ugu kacdo xiliga qofku uu soomanyahay ( Hyperglycaemia) 2. In sonkortu si aad u khatar ah ay hoos ugu dhacdo (Hypoglycaemia) 3. Xaalad loo yaqaan keto-acedosis oo ah in dhiiga qofka aysiidh ku samaysanto (Ketoacedos...