Waa Maxay Kolastaroolku (Cholesterol), Sidee baa Loo Maareeyaana?
Qaybta. 1aad Kolastarol (Cholesterol) waa maadad muhiim ah oo qayb ka ah dhismaha dhamaan unugyada jidhka; gaar ahaan xuubka ku dahaadhan Unugyada (Cell membranes) ee nidaamiya isku socodka dhamaan waxa kujira gudaha unuga iyo dibadiisaba. Hormoonada iyo dheecaanada(enzymes) xubnaha jidhka fariimaha u kala qaada waxay inta badan ka samaysan yihiin kolastarool; tusaale hormoonada Istaroojiin, Barojestaroon, Testastaroon, Aldo-istiroon iyo kortisol waxaa samayn-tooda qayb wayn ka qaata kolastarool. Kolastaroolku waxa kale oo uu aasaas u yahay samaysanka faytamiino lagama maarmaan inoo ah sida faytamiin D. Aysiidha dheecaanka xamaytida (Bile acid) ee caawiya dheef-shiidka iyo qashin-saarka dufanka iyo subaga ayaa isna ka samaysan Kolastarool. Kaalinta kolastaroolku ku leeyahay shaqooyinka kala duwan ee jidhka qofka lama soo koobi karo, la'aantiina suurto gal maaha in nolosha qofku sii jirto. Sidee u Samaysmaa Kolastaroolku? Jidhku wuxuu samee...