๐๐๐ ๐ฅ๐๐ก ๐ฆ๐ข๐ก๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐๐๐๐๐๐? ๐๐๐๐ฌ๐ ๐ค๐๐ ๐ฌ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐๐ญ๐ ๐๐ก๐ข?

Xirfad kastaa waxay u baahan tahay folaad iyo hormuud jiilasha danbe ay higsadaan oo ka dhimbiil qaataan. Xirfada saxaafadu waxay ku jirtaa kuwa ugu mudan ee u baahan xidigo ifaya oo da'yarta saxaafada u noqda jiheeyeyaal u tilmaama toobiyaha saxda ah, weyeel ay ka weheshadaan hubaal la'aanta, iyo marin-habowga dhalinyaranimada. Somalidaa hore ugu maahmaahday โ๐ข๐ญ๐ช๐ง๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ฐ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ฒ๐ข๐ญ๐ฐ๐ฐ๐ค๐ฅ๐ข๐ข ๐ข๐ญ๐ฃ๐ข๐ฒ๐ณ๐ข ๐ข๐บ๐ถ๐ถ ๐ฌ๐ถ ๐ฅ๐ฉ๐ช๐ฃ๐ข๐ข, ๐ฐ๐ฐ๐ฅ ๐ข๐ณ๐ฅ๐ข๐บ๐ฅ๐ข ๐ฌ๐ข ๐ฉ๐ข๐ฅ๐ฉ๐ข๐ข'yeโ Waxa nasiib daro ah in xirfad kasta laaxin inaga galay; xirfada saxafinimadu waxay ku jirtaa kuwa qalooca ugu halista badani galay. Waxaaba la odhan karaa saxafinimada Somaliland magaca uun bay la wadaagtaa mihnadii saxaafada ee dhabta ahayd. Waxaan raadiyay saxafi hirasho leh oo qormadan aynu shucaaciisa ku iftiinsano. Nasiib daro, kuma guulaysan in aan soo helo Suxufi Somali ah oo aan aragtidiisa, wax soo saarkiisa, saamayntiisa bulsho, iyo xeel-dheeraanta xirfadiisaba...