Taariikhda Argagixisanimada Dowladaha iyo Ereyga "Terrorism" halka uu kasoo Unkamay.

I nkasta oo ereyga Argagixiso (terrorism) uu ka mid yahay erey-yada warbaahinta, siyaasiyiinta iyo bulshada akademigu ugu adeegsiga badan yihiin hadana ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku waafaqsan yahay. Taasi waxa u sabab ah kala fogaanta danaha quwadaha aduunka oo mid kastaa rabo inuu ereygan u xambaariyo macne iyo nuxur isaga raali geliya si uu ugu fushado danaha istiraatijiga ah ee uu wato. Dooda qeexitaanka dib ayaynu u dhigannay laakiin qormadan waxaynu ku eegaynaa Taariikhda ereyga “Terrorism”, iyo halkuu kasoo jeedo, siduu inagu soo gaadhay, iyo cida hidaha u lahayd. Inaynu erey bixin kasta asalkeeda ogaano waxay inaga caawinaysaa in aynu fahano dagaal diimeedka ee inagu socda iyo weerarka Nebiga (SCW) lagu hayaa ujeedad laga leeyahay. Fikrada iyo adeegsiga argagaxisonimadu waxay si adag ugu soohantahay taariikhda, falsafada, iyo dhaqanka yuhuuda iyo kiristanka, waa labada la isku yidhaahdo “Judo-christian”. Marka la raad guro dibna loo raaco bilowgii Ereyga arg...