Waa maxay Sababta Faytamiin-D Yaraantu ugu Badantay Dumarka, Sidee Ayaana Loo Saxi Karaa?

Hordhac: Faytamiin-D waxa sameeya unugyada maqaarka iyagoo kaashanaya falaadhaha cadceeda. faytamiin-d gu waxa muhiim uu u yahay koritaanka iyo caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada; difaaca jidhku inuu iska caabiyo xannuunada ayaa iyana u baahan faytamiin D si uu shaqo fiican u qabto. Faytamiin D waxa u baahan unugyada maskaxda iyo dareen wadayaasha waxaanu ka qayb qaataa dheeli tirka dareenada kasoo fula maankeena. Waxa xaqiiqo ah in faytamiin-D gu inaga caawiyo iska caabiga qulubka, nafsad darrada, isku buuqa iyo werwerka. Waa walax aan sinaba looga maarmi karin oo xudub u ah dhinacyo badan oo caafimaadkeena ah. Daraasado lagu sameeyay Wadamada Iran, Saudi Arabia, iyo kuweit oo sadexduba ah wadamo muslim ah, dumarkoodu qaataan xijaab aad ugu dhow ka dumarkeenu qaataan, cadceeda ay helaana ay kaba kulushay ta wadankeena ka dhacda ayaa lagu ogaadhay in in kabadan boqolkiiba sideetan dumarku ay qabaan hoos u dhac wayn oo Vitamin-D ga ah. Wadanka Saudi-ga oo dhowr daraasado...